HOSEA
Chapter 3
Hose | SomKQA | 3:1 | Markaasaa Rabbigu igu yidhi, Haddana tag, oo waxaad jeclaataa naag la caashaqo oo dhillo ah, sida Rabbigu u jecel yahay dadka Israa'iil in kastoo ay ilaahyo kale u jeestaan, oo ay jeclaadaan wax sabiib ah. | |
Hose | SomKQA | 3:2 | Sidaas daraaddeed iyadaan ku soo iibsaday shan iyo toban xabbadood oo lacag ah, iyo xomeer iyo badh oo shaciir ah. | |
Hose | SomKQA | 3:3 | Oo waxaan iyada ku idhi, Waa inaad wakhti dheer ii joogtaa, oo aadan dhilloobin, oo aadan innaba nin kale naagtiis noqon, oo aniguna sidaas oo kalaan kuu ahaan doonaa. | |
Hose | SomKQA | 3:4 | Waayo, dadka Israa'iil wakhti dheer bay joogi doonaan boqorla'aan, iyo amiirla'aan, allabarila'aan, iyo tiirla'aan, eefodla'aan, iyo teraafiimla'aan. | |