Site uses cookies to provide basic functionality.

OK
ISAIAH
Prev Up Next
Chapter 39
Isai SomKQA 39:1  Waagaas Merodag Baladaan oo ahaa ina Baladaan, oo boqorkii Baabuloon ahaa ayaa warqado iyo hadiyad Xisqiyaah u soo diray, waayo, wuxuu maqlay inuu bukay oo haddana bogsaday.
Isai SomKQA 39:2  Oo Xisqiyaahna aad buu iyagii ugu farxay, oo wuxuu tusay gurigii ay yiilleen waxyaalihiisii qaaliga ahaa, kuwaasoo ahaa lacagtii, iyo dahabkii, iyo uunsigii, iyo saliiddii qaaliga ahayd, iyo gurigiisii hubka oo dhan, iyo kulli waxyaalihii khasnadihiisa ku jiray oo dhan. Oo Xisqiyaah wax uusan iyaga tusin laguma arag gurigiisa iyo dowladdiisa oo dhan.
Isai SomKQA 39:3  Markaasaa Nebi Ishacyaah u yimid Boqor Xisqiyaah, oo wuxuu ku yidhi, War nimankanu maxay yidhaahdeen? Xaggee bayse kaaga yimaadeen? Kolkaasaa Xisqiyaah yidhi, Waxay iiga yimaadeen dal fog, kaasoo ah Baabuloon.
Isai SomKQA 39:4  Markaasuu ku yidhi, Maxay gurigaaga ku arkeen? Oo Xisqiyaah wuxuu ugu jawaabay, Way wada arkeen waxa gurigayga yaal oo dhan, oo khasnadahayga kuma jiraan wax aanan tusin.
Isai SomKQA 39:5  Kolkaasaa Ishacyaah wuxuu Xisqiyaah ku yidhi, Haddaba bal maqal erayga Rabbiga ciidammada.
Isai SomKQA 39:6  Bal eeg, waxaa iman doona maalmaha waxa gurigaaga yaal oo dhan iyo wixii ay awowayaashaa ilaa maantadan kaydiyeen Baabuloon loo qaadan doono. Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxba ma hadhi doonaan.
Isai SomKQA 39:7  Wiilashaada kaa soo bixi doona, oo aad dhali doontana waa la kaxaysan doonaa, oo iyana waxay ahaan doonaan bohommo jooga daarta boqorka Baabuloon.
Isai SomKQA 39:8  Markaasaa Xisqiyaah wuxuu Ishacyaah ku yidhi, Erayga Rabbiga oo aad ku hadashay waa wanaagsan yahay. Oo weliba wuxuu kaloo yidhi, Waayo, waxaa jiri doona nabad iyo run intaan noolahay.