ISAIAH
1
2
3
4
5
6
7
8
9
10
11
12
13
14
15
16
17
18
19
20
21
22
23
24
25
26
27
28
29
30
31
32
33
34
35
36
37
38
39
40
41
42
43
44
45
46
47
48
49
50
51
52
53
54
55
56
57
58
59
60
61
62
63
64
65
66
Chapter 21
| Isai | SomKQA | 21:1 | Kanu waa warka culus ee ku saabsan cidlada badda ku ag taal. Sida cirwareentu koonfur uga timaado oo kale ayuu cidlada oo ah dal cabsi badan uga yimaadaa. | |
| Isai | SomKQA | 21:2 | Waxaa lay tusay muujin culus. Khaa'inkii khiyaanuu sameeyaa, oo kan wax dhacaana wax buu dhacaa. Reer Ceelaamow, ku kac, reer Maadayow, hareeree. Taahiddii oo dhan anigu waan joojiyey. | |
| Isai | SomKQA | 21:3 | Sidaas daraaddeed naxdin baa cidhiidhi i gelisay, oo waxaa i qabtay xanuun badan sida naag foosheed oo kale, oo xanuun aawadiis waxba waan maqli kari waayay, oo naxdin aawadeed waxba waan arki kari waayay. | |
| Isai | SomKQA | 21:4 | Waan qalbitakhtakhay, oo cabsi baa i argaggixisay. Fiidkii aan istareexa ka filanayay gariir buu iigu rogmaday. | |
| Isai | SomKQA | 21:5 | Miis bay diyaarsadaan, oo gogol bay gogladaan, wax bayna cunaan oo cabbaan. Amiirradow, sara joogsada, oo gaashaanka subka. | |
| Isai | SomKQA | 21:6 | Waayo, Sayidku wuxuu igu yidhi, Tag, oo waardiye meel dhig, oo isna wuxuu arko ha sheego. | |
| Isai | SomKQA | 21:7 | Oo markaasuu arkay ciidan fardo fuushan oo laba laba u socda, iyo ciidan dameerro fuushan, iyo ciidan rakuubbo fuushan, aad buuna u dhegaystay oo aad iyo aad buu uga fikiray. | |
| Isai | SomKQA | 21:8 | Oo wuxuu u qayliyey sidii libaax oo kale oo yidhi, Sayidow, maalintii oo dhan waxaan had iyo goorba ku kor taagnahay munaaradda waardiyaha, oo habeen walbana waxaan joogaa meeshayda waardiyaha. | |
| Isai | SomKQA | 21:9 | Oo bal eeg, waxaa soo socda ciidan fardo fuushan oo laba laba u socda. Oo isna waa u jawaabay oo wuxuu yidhi, Baabuloon waa dhacday, waa dhacday, oo sanamyadeedii xardhanaa oo ilaahyadeedu way wada jajabeen oo dhulkay daadsan yihiin. | |
| Isai | SomKQA | 21:10 | Dadkayga sida hadhuudh la tumayow, wixii aan Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil ka maqlay waan idin ogeysiiyey. | |
| Isai | SomKQA | 21:11 | Kanu waa warka culus ee Duumah ku saabsan. Mid baa aniga Seciir iiga yeedhay, isagoo leh, Waardiyow, habeenka ka warran? | |
| Isai | SomKQA | 21:12 | Oo waardiyihiina wuxuu yidhi, Waagu waa beryayaa, habeenkuna waa soo socdaa, haddii aad wax weyddiinaysaan, weyddiiya, soo noqda oo kaalaya. | |
| Isai | SomKQA | 21:13 | Kanu waa warka culus ee dalka Carabta ku saabsan. Kuwiinna safarka ah oo reer Dedaanow, waxaad ku hoyan doontaan kaynta dalka Carabta. | |
| Isai | SomKQA | 21:14 | Kuwa oomman biyo u keena, kuwa dalka Teemaa degganow, kuwa qaxay cunto kala hor taga. | |
| Isai | SomKQA | 21:15 | Waayo, iyagu seef bay ka carareen, taas oo ahayd seef gal la', iyo qaanso xodan iyo dagaal aad u kulul. | |
| Isai | SomKQA | 21:16 | Waayo, Sayidku wuxuu igu yidhi, Muddo sannad ah oo ah sida sannadaha shaqaalaha ayaa sharafta Qedaar oo dhammu ku baabbi'i doontaa. | |