Site uses cookies to provide basic functionality.

OK
ISAIAH
Prev Up Next
Chapter 6
Isai SomKQA 6:1  Sannaddii Boqor Cusiyaah dhintay ayaan arkay Rabbiga oo ku fadhiya carshi sare oo dheer, oo faraqii dharkiisa ayaa macbudkii buuxiyey.
Isai SomKQA 6:2  Oo meel isaga ka sarraysayna waxaa taagnaa seraafiim, oo midkood kastaaba wuxuu lahaa lix baal, laba wejigiisuu ku deday, labana cagihiisuu ku deday, labana wuu ku duulay.
Isai SomKQA 6:3  Oo midba wuxuu u qaylinayay midka kale, oo waxay lahaayeen, Quduus, quduus, quduus waxaa ah Rabbiga ciidammada, oo dhulka oo dhanna waxaa ka buuxda ammaantiisa.
Isai SomKQA 6:4  Oo aasaaska iridda ayaa la gariiray kii qayliyey codkiisii, oo gurigiina waxaa ka buuxsamay qiiq.
Isai SomKQA 6:5  Markaasaan idhi, Anaa hoogay! Waayo, waan lumay, maxaa yeelay, waxaan ahay nin aan bushimihiisu daahirsanayn, oo weliba waxaan dhex degganahay dad aan bushimahoodu daahirsanayn, waayo, indhahaygu waxay arkeen Boqorka ah Rabbiga ciidammada.
Isai SomKQA 6:6  Markaasaa seraafiimtii midkood xaggayga u soo duulay isagoo gacanta ku sida dhuxul nool, oo uu birqaab kaga soo qaaday meeshii allabariga,
Isai SomKQA 6:7  oo intuu dhuxushii afkayga taabsiiyey ayuu igu yidhi, Bal eeg, tanu waxay taabatay bushimahaaga, oo xumaantaadii waa lagaa qaaday, oo dembigaagiina waa lagaa kafaaragguday.
Isai SomKQA 6:8  Oo weliba waxaan maqlay codkii Rabbiga oo leh, Yaan diraa? Yaase noo tegaya? Markaasaan idhi, Waa i kane aniga i dir.
Isai SomKQA 6:9  Oo wuxuu igu yidhi, Tag, oo dadkan waxaad ku tidhaahdaa, Wax sii maqla, mana garan doontaan, oo wax sii arka, idiinmana dhaadhici doonto.
Isai SomKQA 6:10  Dadkan qalbigooda ka dhig mid qallafsan, dhegahoodana kuwa dhib wax ku maqla, indhahoodana kuwa xidhan, si aanay indhaha wax ugu arkin, oo aanay dhegaha wax ugu maqlin, oo aanay qalbiga wax ugu garan, oo aanay u soo noqon, oo aanay u bogsan.
Isai SomKQA 6:11  Markaasaan idhi, Sayidow, waa ilaa goorma? Oo isna wuxuu iigu jawaabay, Waa ilaa magaalooyinku baabba'aan oo wax deggan laga waayo, oo guryuhuna ay noqdaan cidla, oo dalkuna uu dhammaantiis wada baabba'o,
Isai SomKQA 6:12  oo Rabbigu dadka ka fogeeyo, oo ay dhulka ku bataan meelo badan oo laga tegey.
Isai SomKQA 6:13  Oo haddii dhexdiisa toban meelood meel ku hadho way baabbi'i doontaa, oo sida geedo marka la gooyo jiridu u hadho ayaa farcanka quduuska ahu dadka jirid u yahay.