SONG OF SOLOMON
Chapter 3
Song | SomKQA | 3:1 | Goor habeennimo ah ayaan sariirtayda ka doondoonay kan naftaydu jeceshahay. Waan doondoonay, laakiinse ma aanan helin. | |
Song | SomKQA | 3:2 | Haddaba waan kacayaa, oo magaaladaan dhex wareegayaa, Oo dariiqyada iyo jidadka waaweyn Ayaan ka dhex goobayaa kan naftaydu jeceshahay. Waan doondoonay laakiinse ma aanan helin. | |
Song | SomKQA | 3:3 | Waxaa i helay waardiyayaashii magaalada dhex warwareegayay, Oo anna waxaan ku idhi, Kan naftaydu jeceshahay ma aragteen? | |
Song | SomKQA | 3:4 | Oo kolkaan iyagii in yar sii dhaafay Ayaan helay kii naftaydu jeceshahay. Waan qabtay, mana sii dayn, Ilaa aan isaga gurigii hooyaday keenay, Oo aan qolladdii tii i uuraysatay geliyey. | |
Song | SomKQA | 3:5 | Gabdhaha reer Yeruusaalemow, waxaan idinku dhaarinayaa Cawsha iyo deerada duurka Inaydaan jacayl kicin ama aydaan toosin Ilaa uu doono. | |
Song | SomKQA | 3:6 | Waa kuma kan cidlada uga soo baxaya sida tiirar qiiq ah? Oo ay malmalka, iyo fooxa, Iyo dhirta udgoon ee baayacmushtariga oo dhammu ka carfayaan? | |
Song | SomKQA | 3:7 | Bal eeg, waa sariirta Sulaymaan lagu qaadee. Lixdan nin oo xoog badan oo ka mid ah kuwa xoogga badan ee reer binu Israa'iil Ayaa hareereheeda ku wareegsan. | |
Song | SomKQA | 3:8 | Kulligood seefta aad bay u yaqaaniin, waana wada dagaalyahan. Ninkood kastaba seeftiisii dhexday ugu xidhan tahay, Cabsida habeenka aawadeed. | |
Song | SomKQA | 3:10 | Tiirarkiisii lacag buu ka dhigay, Hoostiisiina dahab buu ka dhigay, oo meeshuu fadhiistayna guduud buu ka dhigay, Oo dhexdiisiina gabdhaha reer Yeruusaalem ayaa jacayl ku sharraxay. | |