Site uses cookies to provide basic functionality.

OK
DANIEL
1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12
Prev Up Next Toggle notes
Chapter 12
Dani SomKQA 12:1  Oo wakhtigaas waxaa kici doona Mikaa'iil oo ah amiirka weyn oo dadkaaga u kici doona, oo waxaa jiri doona wakhti dhib badan, oo aan isagoo kale weli la arag intii quruunu jirtay ilaa waagaas, oo wakhtigaas dadkaaga waa la samatabbixin doonaa, mid kasta oo laga helo isagoo ku qoran kitaabka.
Dani SomKQA 12:2  Oo qaar badan oo ku hurda ciidda dhulka ayaa soo toosi doona, qaarkood waxay u soo toosi doonaan nolol weligeed ah, qaarkoodna waxay u soo toosi doonaan ceeb iyo quudhsasho weligeed ah.
Dani SomKQA 12:3  Oo kuwa xigmadda lahu waxay u dhalaali doonaan sida nuurka samada; kuwii kuwo badan xaqnimada u soo jeediyaana sida xiddigaha weligood iyo weligood.
Dani SomKQA 12:4  Laakiinse adigu Daanyeelow, erayada xidh, kitaabkana shaabadee, ilaa wakhtiga ugu dambaysta. Kuwo badan baa hore iyo dib u roori doona, aqoontuna waa kordhi doontaa.
Dani SomKQA 12:5  Markaasaan anigoo Daanyeel ah wax fiiriyey, oo bal eeg, waxaan arkay laba kale oo taagtaagan, mid wuxuu taagnaa webiga qarkiisa soke, kan kalena wuxuu taagnaa webiga qarkiisa shishe.
Dani SomKQA 12:6  Oo mid baa ku yidhi ninkii dharka wanaagsan qabay, oo biyaha webiga dushooda joogay, Ilaa goormuu ahaan doonaa dhammaadka yaababkanu?
Dani SomKQA 12:7  Oo waxaan maqlay ninkii dharka wanaagsan qabay, oo biyaha webiga dushooda joogay, markuu gacantiisii midig iyo gacantiisii bidix samada u taagay oo ku dhaartay kan weligiis nool inay noqon doonto wakhti iyo wakhtiyo iyo wakhti badhkiis; oo markay dhammeeyaan jejebinta xoogga dadka quduuska ah ayaa waxyaalahan oo dhammu dhammaan doonaan.
Dani SomKQA 12:8  Oo anigu waan maqlay, mase garanin, markaasaan idhi, Sayidkaygiiyow, waxyaalahan dhammaadkoodu muxuu ahaan doonaa?
Dani SomKQA 12:9  Markaasuu wuxuu igu yidhi, Daanyeelow, iska tag, waayo, erayadii waa la xidhay oo la shaabadeeyey ilaa wakhtiga ugu dambaysta.
Dani SomKQA 12:10  Qaar badan baa isdaahirin doona, oo iscaddayn doona, waana la tijaabin doonaa; laakiinse kuwa sharka ahu sharnimay samayn doonaan; oo inta sharka ah midkoodna wax ma garan doono, laakiinse kuwa xigmadda leh ayaa wax garan doona.
Dani SomKQA 12:11  Oo wakhtiga qurbaanka joogtada ah la qaadi doono, ilaa la taagi doono waxa baas oo wax baabbi'iya, waxaa jiri doona kun iyo laba boqol iyo sagaashan maalmood.
Dani SomKQA 12:12  Waxaa barakaysan ka suga ee gaadha kunka iyo saddexda boqol iyo shan iyo soddonka maalmood.
Dani SomKQA 12:13  Laakiinse iska tag ilaa wakhtiga ugu dambaystu ahaado, waayo, waad nasan doontaa, maalmaha dabaadigoodana qaybtaadaad isu taagi doontaa.