Site uses cookies to provide basic functionality.

OK
JEREMIAH
Prev Up Next
Chapter 47
Jere SomKQA 47:1  Kanu waa Eraygii Rabbiga oo reer Falastiin ku saabsanaa oo Nebi Yeremyaah u yimid intaan Fircoon Gaasa wax ku dhufan ka hor.
Jere SomKQA 47:2  Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, xagga woqooyi biyaa ka soo kici doona, oo waxay noqon doonaan webi aad u daadanaya, oo waxay qarqin doonaan dalka iyo waxa ku dhex jira oo dhan, iyo magaalada iyo waxa dhex degganba, oo markaas ayaa raggu qaylin doonaa, oo dadka dalka deggan oo dhammuna way wada ooyi doonaan.
Jere SomKQA 47:3  Gurdanka qoobabka fardihiisa xoogga badan iyo yaacidda gaadhifardoodyadiisa, iyo xiinka giraangirihiisa aawadood ayaa aabbayaashu ayan dib u dhugan doonin carruurtooda, waayo, gacmahoodu cabsi bay la taag gabeen,
Jere SomKQA 47:4  waana maalinta u imanaysa inay reer Falastiin wada baabbi'iso, iyo inay kaalmeeye kasta oo hadhay Turos iyo Siidoon ka baabbi'iso, waayo, Rabbigu wuxuu baabbi'in doonaa reer Falastiin iyo kuwa hadhay ee gasiiradda Kaftoor oo dhan.
Jere SomKQA 47:5  Baroorashaa Gaasa heshay, Ashqeloonna waa lala baabbi'iyey kuwii dooxadooda ku hadhay; ilaa goormaad isgoogooynaysaa?
Jere SomKQA 47:6  Rabbiga seeftiisay, ilaa goormaad xasilloonaan la'aanaysaa? Galkaaga gal, naso, oo xasilloonow.
Jere SomKQA 47:7  Sidee baad u xasilli kartaa, iyadoo uu Rabbigu ku amray? Ashqeloon iyo badda xeebteedaba ayuu iyada ku amray.