Site uses cookies to provide basic functionality.

OK
JEREMIAH
Prev Up Next
Chapter 51
Jere SomKQA 51:1  Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, anigu Baabuloon iyo kuwa dalka reer Kaldayiin dhex degganba waxaan ku soo kicin doonaa dabayl wax baabbi'isa.
Jere SomKQA 51:2  Oo Baabuloonna waxaan u soo diri doonaa haadiyayaal, oo iyaday haadin doonaan, oo dalkeedana way madhin doonaan, waayo, maalinta dhibaatada dhinac kastay kaga soo duuli doonaan.
Jere SomKQA 51:3  Kii qaanso xoota iyo kii dharkiisa birta ah la sara kacaba qaansoluhu qaansadiisa ha u xooto, oo barbaarradeedana ha u tudhina, oo ciidankeeda oo dhanna wada baabbi'iya.
Jere SomKQA 51:4  Oo kuwa la layn doono waxay ku dhex dhici doonaan dalka reer Kaldayiin, oo kuwa la dooxdooxi doonona waxay ku dhici doonaan jidadkeeda.
Jere SomKQA 51:5  Waayo, dadka Israa'iil iyo dadka Yahuudah toona Ilaahooda ah Rabbiga ciidammadu innaba ma dayrin, in kastoo dalkoodii uu ka buuxsamay dembi ay ku sameeyeen Kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil.
Jere SomKQA 51:6  Baabuloon dhexdeeda ka carara, oo nin kastaaba naftiisa ha la baxsado. Xumaanteeda ha ku dhex baabbi'ina, waayo, haatan waa wakhti uu Rabbigu ka aarsan doono, oo iyada wuu abaal marin doonaa.
Jere SomKQA 51:7  Baabuloon waxay ahayd koob dahab ah oo Rabbiga gacantiisa ku jira oo dunida oo dhan sakhraamiyey. Quruumuhu waxay cabbeen khamrigeedii, oo sidaas daraaddeed quruumihii way wada waasheen.
Jere SomKQA 51:8  Baabuloon dhaqso bay u dhacday, wayna baabba'day. Iyada u baroorta oo xanuunkeeda beeyo dawo ah u qaada, hadday saas ku bogsanayso.
Jere SomKQA 51:9  Annagu Baabuloon waannu dawayn lahayn, laakiinse iyadu ma ay bogsan. Iyada ka taga oo midkeen kastaaba dalkiisii ha tago, waayo, xukunkeedii wuxuu gaadhay tan iyo samada, oo waxaa kor loogu qaaday tan iyo cirka.
Jere SomKQA 51:10  Rabbigu wuxuu soo saaray xaqnimadeennii, ina keena oo aynu Siyoon ka caddayno shuqulka Rabbiga Ilaaheenna ah.
Jere SomKQA 51:11  Fallaadhaha afaysta, oo gaashaammada qaada, waayo, Rabbigu wuxuu sara kiciyey ruuxii boqorradii reer Maaday, waayo, qastigiisu waa inuu Baabuloon baabbi'iyo, maxaa yeelay, taasu waa aarsashadii Rabbiga, taasoo ah aarsashadii macbudkiisa.
Jere SomKQA 51:12  Kor u qaada calan ku col ah derbiyada Baabuloon, oo ilaalladana sii xoogeeya, oo waardiyayaasha taaga, oo gaadmada diyaariya, waayo, Rabbigu wuxuu u qastiyey oo weliba sameeyey waxyaalihii uu kaga hadlay kuwa Baabuloon deggan.
Jere SomKQA 51:13  Taadan biyaha badan ag deggan oo khasnadaha badanay, dhammaadkaagii waa yimid iyo qiyaastii faa'iidadaada xaqdarrada ahu.
Jere SomKQA 51:14  Rabbiga ciidammadu wuxuu ku dhaartay nafsaddiisa, oo wuxuu yidhi, Sida xaqiiqada ah waxaan kaa buuxin doonaa rag sida koronkorro u faro badan, oo iyana way kugu qaylin doonaan.
Jere SomKQA 51:15  Isagu dhulka xooggiisuu ku sameeyey, dunidana xigmaddiisuu ku dhisay, oo samooyinkana waxgarashadiisuu ku kala bixiyey.
Jere SomKQA 51:16  Markuu codkiisa ku hadlo biyo badan guuxooda baa samooyinka laga maqlaa, oo isagaa ka dhiga in dhulka darafyadiisa uumi ka soo kaco, roobkana wuxuu u sameeyaa hillaac, oo dabayshana isagaa khasnadihiisa ka soo saara.
Jere SomKQA 51:17  Nin kastaaba wuxuu noqday doqon aan aqoon lahayn, oo dahabshube kastaaba wuxuu ku ceeboobay sanamkiisii la xardhay, waayo, sanamkiisii la shubay waa been oo innaba neef ma leh.
Jere SomKQA 51:18  Iyagu waa wax aan waxtar lahayn iyo shuqul lagu majaajilowdo, oo wakhtiga ciqaabiddoodana way wada baabbi'i doonaan.
Jere SomKQA 51:19  Kan Yacquub qaybta u ah iyaga la mid ma aha, waayo, isagu waa kan wax kasta abuuray, oo reer binu Israa'iilna waa qoladii dhaxalkiisa, oo magiciisuna waa Rabbiga ciidammada.
Jere SomKQA 51:20  Adigu waxaad ii tahay dubbahaygii iyo hubkaygii dagaalka, oo adigaan quruumaha kugu burburin doonaa, oo adigaan boqortooyooyin kugu baabbi'in doonaa.
Jere SomKQA 51:21  Oo adigaan kugu burburin doonaa faraska iyo kan fuushanba, oo adigaan kugu burburin doonaa gaadhifaraska iyo kan fuushanba,
Jere SomKQA 51:22  oo weliba adigaan kugu burburin doonaa ragga iyo dumarkaba, oo adigaan kugu burburin doonaa odayga iyo barbaarkaba, oo adigaan kugu burburin doonaa wiilka iyo gabadhaba,
Jere SomKQA 51:23  oo weliba adigaan kugu burburin doonaa adhijirka iyo adhigiisaba, oo adigaan kugu burburin doonaa ninkii beerrey ah iyo dibidiisba, oo adigaan kugu burburin doonaa taliyayaasha iyo saraakiishaba.
Jere SomKQA 51:24  Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Baabuloon iyo dalka Kalday dadka deggan oo dhanba waxaan ka abaal marin doonaa sharkii ay Siyoon iyo adiga hortaadaba ku sameeyeen.
Jere SomKQA 51:25  Buurta wax baabbi'isa oo dunida oo dhan halligaysay, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eeg, anigu col baan kugu ahay, oo gacantaydaan kugu dul fidin doonaa, oo waxaan hoos kaga soo giringirin doonaa dhagaxyada dushooda, oo waxaan kaa dhigi doonaa buur gubatay.
Jere SomKQA 51:26  Rabbigu wuxuu leeyahay, Lagaama qaadan doono dhagax rukun noqon kara iyo dhagax aasaas noqon kara toona, laakiinse adigu weligaaba cidla baad ahaan doontaa.
Jere SomKQA 51:27  Dalka calan ka dhex taaga, oo quruumahana buunka ka dhex yeedhiya, oo quruumaha u soo wada diyaariya, inay iyada ku kacaan, oo waxaad u wada yeedhaan boqortooyooyinka Araarad, iyo Minnii, iyo Ashkenas inay ku kacaan, oo sirkaal iyada col ku ah doorta, oo fardahana ugu sii daaya sida koronkorro baas oo kale.
Jere SomKQA 51:28  Oo waxaad iyada u soo diyaarisaan quruumaha, iyo boqorrada reer Maaday, iyo taliyayaashooda iyo saraakiishooda oo dhan, iyo dalka taliskiisa ku jira oo dhanba.
Jere SomKQA 51:29  Dalku wuu gariiraa, wuuna xanuunsadaa, waayo, qasti kasta oo Rabbigu uu Baabuloon ugu qastiyeyba waa la oofiyaa si uu dalka Baabuloon uga dhigo cidla aan ciduna degganayn.
Jere SomKQA 51:30  Raggii xoogga badnaa ee Baabuloon dagaalkay ka joogsadeen, oo waxay ku hadheen qalcadahoodii. Way taag gabeen, oo waxay noqdeen sidii naago oo kale. Meelaheedii lagu hoyan jiray way gubeen, oo qataarradeediina way kala jabeen.
Jere SomKQA 51:31  Wargeeysba wargeeys buu ku orday, oo farriinqaadeba farriinqaaduu ku orday inuu boqorka Baabuloon u sheego in magaaladiisii dhan kasta laga qabsaday,
Jere SomKQA 51:32  oo meelihii webiga laga gudbi jirayna la wada xidhay, oo cawsduurkiina dab lagu gubay, oo raggii dagaalkuna ay wada cabsadeen.
Jere SomKQA 51:33  Waayo, Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Dadka Baabuloon waa sidii meel hadhuudh lagu tumo, oo haatan waa wakhtigii la tumi lahaa, in yar dabadeedna waxaa u iman doona wakhtigii beergoosashada.
Jere SomKQA 51:34  Nebukadresar oo ah boqorka Baabuloon ayaa i baabbi'iyey, wuu i burbursaday, oo weel madhan buu iga dhigay, wuuna i liqay sidii bahal weyn oo kale, oo wuxuu calooshiisa ka buuxsaday cuntadaydii macaanayd, oo dibadduu ii xooray.
Jere SomKQA 51:35  Kan Siyoon degganu wuxuu odhan doonaa, Dulmigii aniga iyo jidhkayga lagu sameeyey Baabuloon ha saarnaado. Yeruusaalem waxay odhan doontaa, Dhiiggaygu dadka dalka Kalday deggan ha saarnaado.
Jere SomKQA 51:36  Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogow, anigu dacwadaada waan kuu qaadi doonaa, waanan kuu aari doonaa, oo baddeeda waan engejin doonaa, oo isheedana waan qallajin doonaa.
Jere SomKQA 51:37  Baabuloon waxay noqon doontaa tuulmooyin burbur ah iyo meel dawacooyinku ay ku hoydaan, iyo wax laga yaabo oo lagu foodhyo, oo aan ciduna degganayn.
Jere SomKQA 51:38  Iyagu dhammaantood waxay u ciyi doonaan sida libaaxyo aaran ah oo kale, oo waxay u guuxi doonaan sida dhal libaax oo kale.
Jere SomKQA 51:39  Rabbigu wuxuu leeyahay, Markay kululaadaan ayaan diyaafad u samayn doonaa, oo waan wada sakhraamin doonaa si ay u reyreeyaan oo ay u seexdaan hurdo weligeed ah oo ayan ka soo toosin.
Jere SomKQA 51:40  Oo waxaan iyaga u soo kaxayn doonaa sida baraar la gowracayo iyo sida wanan iyo orgiyo oo kale.
Jere SomKQA 51:41  Sidee baa Sheeshag loo qabsaday, sidee baa ammaantii dunida oo dhan loo argaggixiyey, oo sidee baa Baabuloon ay wax laga yaabo quruumaha dhexdooda ugu noqotay!
Jere SomKQA 51:42  Baabuloon baddii baa ku soo kor butaacday, oo waxaa qarqiyey hirarkeedii badnaa.
Jere SomKQA 51:43  Magaalooyinkeedii waxay noqdeen cidla iyo dhul engegan, iyo lamadegaan, iyo dal aan ciduna degganayn, ama aan binu-aadmi innaba soo ag marin.
Jere SomKQA 51:44  Oo Beelna waxaan ku ciqaabi doonaa Baabuloon dhexdeeda, oo waxaan afkiisa ka soo bixin doonaa wixii uu liqay, oo quruumuhuna innaba mar dambe isaga uma ay soo qulquli doonaan, hubaal, derbiga Baabuloon wuu dumi doonaa.
Jere SomKQA 51:45  Dadkaygiiyow, iyada ka dhex baxa, oo ninkiin kastaaba naftiisa ha kala baxsado Rabbiga cadhadiisa kulul.
Jere SomKQA 51:46  Ha qalbi jebin, hana ka cabsan warka belefta ah ee dalka laga dhex maqli doono, waayo, sannad war baa iman doona oo haddana sannadda kalena war kalaa iman doona, oo dalka dhexdiisa waxaa jiri doona dulmi, oo taliyeba taliyuu ku kici doonaa.
Jere SomKQA 51:47  Sidaas daraaddeed waxaa iman doona wakhti aan xukun ku soo dejin doono sanamyada xardhan ee Baabuloon, oo dalkeeda oo dhammuna wuu ceeboobi doonaa, oo kuweeda la laayay oo dhammuna iyaday ku dhex dhici doonaan.
Jere SomKQA 51:48  Rabbigu wuxuu leeyahay, Markaasay samada iyo dhulka iyo waxa ku jira oo dhammuba farxad ku heesi doonaan Baabuloon aawadeed, waayo, kuwa iyada baabbi'in doona ayaa xagga woqooyi uga iman doona.
Jere SomKQA 51:49  Baabuloon sidii ay u daadisay kuwii reer binu Israa'iil laga laayay, sidaas oo kale ayaa Baabuloon waxaa ugu dhex daadan doona kuwa dhulka laga laayay oo dhan.
Jere SomKQA 51:50  Kuwiinna seefta ka baxsadayow, taga, oo ha joogsanina. Rabbiga meel fog ka soo xusuusta, oo Yeruusaalemna maankiinna ha soo gasho.
Jere SomKQA 51:51  Annagu waannu ceeboonnay, maxaa yeelay, waxaannu maqalnay cay xun, oo ceeb baa wejigayagii qarisay, waayo, shisheeyayaal ayaa meelaha quduuska ah ee guriga Rabbiga soo dhex galay.
Jere SomKQA 51:52  Rabbigu wuxuu leeyahay, Sidaas daraaddeed waxaa iman doona wakhti aan xukun ku soo dejin doono sanamyadeeda xardhan, oo dalkeeda oo dhanna dadka dhaawaca ah baa ka dhex taahi doona.
Jere SomKQA 51:53  Rabbigu wuxuu leeyahay, Baabuloon in kastoo ay tan iyo samada korto, iyo in kastoo ay meelaheeda dhaadheer ee xoogga badan sii adkayso, kolleyba waxaa iyada u tegi doona baabbi'iyayaal iga yimid.
Jere SomKQA 51:54  Baabuloon qaylaa ka yeedhaysa, oo dalka reer Kaldayiinna baabba' weyn baa ka dhex sanqadhayaa,
Jere SomKQA 51:55  maxaa yeelay, Rabbigu Baabuloon wuu baabbi'iyaa, oo codkii weynaana dhexdeeda wuu ka aamusiiyaa, oo mawjadahoodu way u guuxaan sida biyo badan, qaylada codkoodana kor bay u qaadaan,
Jere SomKQA 51:56  maxaa yeelay, waxaa Baabuloon ku soo degay baabbi'iyihii, oo raggeedii xogga badanna waa la qabtay, oo qaansooyinkoodiina way jabeen, waayo, Rabbigu waa Ilaahii abaalmarinta, oo sida xaqiiqada ah isagu wuu u abaalgudi doonaa.
Jere SomKQA 51:57  Oo waxaan wada sakhraamin doonaa amiirradeeda, iyo raggeeda xigmadda leh, iyo taliyayaasheeda, iyo saraakiisheeda, iyo raggeeda xoogga badanba, oo waxay seexan doonaan hurdo weligeed ah, oo ayan ka soo toosin, ayaa Boqorka magiciisa la yidhaahdo Rabbiga ciidammadu leeyahay.
Jere SomKQA 51:58  Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Derbiyada balballaadhan ee Baabuloon waa la wada dumin doonaa, oo irdaheeda dhaadheerna dab baa lagu gubi doonaa, oo dadku waxtarla'aan buu u hawshoon doonaa, quruumuhuna dab, wayna daali doonaan.
Jere SomKQA 51:59  Kanu waa eraygii Nebi Yeremyaah uu ku amray Seraayaah ina Neeriiyaah oo ahaa ina Maxseeyaah markuu Baabuloon u raacay Sidqiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah sannaddii afraad ee boqornimadiisa. Seraayaah wuxuu ahaa amiirkii reer boqor maamulaha u ahaa.
Jere SomKQA 51:60  Markaas Yeremyaah kitaab buu ku qoray masiibadii Baabuloon ku soo degi lahayd oo dhan, waana erayadan Baabuloon ku saabsan ee uu qoray.
Jere SomKQA 51:61  Oo Yeremyaah wuxuu Seraayaah ku yidhi, Markaad Baabuloon tagtid oo aad aragtid, erayadan oo dhan wada akhri,
Jere SomKQA 51:62  oo markaas waxaad tidhaahdaa, Rabbiyow, adigu waxaad ka hadashay meeshan inaad baabbi'inaysid, si aan waxba gudaheeda ugu hadhin dad iyo duunyo toona, laakiinse ay weligeedba cidla ahaan doonto.
Jere SomKQA 51:63  Oo markaad kitaabkan akhrintiisa dhammaysid waa inaad isaga dhagax ku xidhaa oo aad Webi Yufraad dhexdiisa ku tuurtaa.
Jere SomKQA 51:64  Oo waxaad tidhaahdaa, Baabuloon sidaasay u tiimban doontaa, oo kamana soo sara kici doonto masiibada aan iyada ku soo dejin doono aawadeed, oo iyagu way daali doonaan. Intaasu waa erayadii Yeremyaah.