Site uses cookies to provide basic functionality.

OK
JEREMIAH
Prev Up Next Toggle notes
Chapter 28
Jere SomKQA 28:1  Oo isla sannaddaasba, bilowgii boqornimadii Sidqiyaah uu boqorka ka ahaa dalka Yahuudah, sannaddii afraad bisheedii shanaad ayaa Xananyaah ina Casuur oo ahaa nebigii Gibecoon ka yimid igula hadlay guriga Rabbiga dhexdiisa iyadoo ay wada joogaan wadaaddadii iyo dadkii oo dhammu, oo wuxuu igu yidhi,
Jere SomKQA 28:2  Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Anigu harqoodkii boqorka Baabuloon waan jebiyey.
Jere SomKQA 28:3  Intaanay laba sannadood dhammaan ayaan halkan ku soo celin doonaa weelashii guriga Rabbiga oo uu Nebukadnesar oo ah boqorka Baabuloon halkan ka qaatay, oo uu Baabuloon la tegey.
Jere SomKQA 28:4  Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaan halkan ku soo celin doonaa Yekonyaah ina Yehooyaaqiim oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah, iyo maxaabiistii dadka Yahuudah ee Baabuloon lala tegey oo dhan, waayo, harqoodka boqorka Baabuloon waan jebin doonaa.
Jere SomKQA 28:5  Markaas Nebi Yeremyaah baa la hadlay Nebi Xananyaah iyadoo ay wada joogaan wadaaddadii iyo dadkii guriga Rabbiga dhex taagnaa oo dhammu.
Jere SomKQA 28:6  Oo Nebi Yeremyaah wuxuu yidhi, Aamiin, Rabbigu saas ha yeelo. Rabbigu ha wada sameeyo erayadii aad sii sheegtay oo weelashii guriga Rabbiga ha soo celiyo, oo kuwii maxaabiis ahaanta loo kaxaystay oo dhan Baabuloon ha ka soo celiyo oo meeshan ha keeno.
Jere SomKQA 28:7  Hase ahaatee bal adigu haatan maqal eraygan aan kula hadlayo dhegahaaga iyo dhegaha dadkan oo dhan.
Jere SomKQA 28:8  Nebiyadii waayihii hore oo aniga iyo adigaba inaga sii horreeyey waxay waddammo badan iyo boqortooyooyin waaweyn wax kaga sii sheegeen dagaal iyo masiibo iyo belaayo.
Jere SomKQA 28:9  Nebigii nabad wax ka sii sheega, oo uu eraygii nebigaasu run noqdo, markaas nebigaas waxaa loo aqoonsadaa in Rabbigu isaga dhab ahaan u soo diray.
Jere SomKQA 28:10  Kolkaasaa Nebi Xananyaah harqoodkii qoortii Nebi Yeremyaah ka qaaday oo uu kala jebiyey.
Jere SomKQA 28:11  Markaasaa Xananyaah dadkii oo dhan hortiisa ku hadlay oo wuxuu yidhi, Rabbigu wuxuu leeyahay, Sidaas oo kale intaanay laba sannadood dhammaan ayaan quruumaha oo dhan uga jebin doonaa harqoodka Nebukadnesar oo ah boqorka Baabuloon. Kolkaasaa Nebi Yeremyaah iska tegey.
Jere SomKQA 28:12  Oo markii Nebi Xananyaah uu harqoodkii ka jebiyey qoortii Nebi Yeremyaah dabadeed ayaa eraygii Rabbigu u yimid Nebi Yeremyaah, isagoo leh,
Jere SomKQA 28:13  Tag, oo waxaad Xananyaah ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu kugu leeyahay, Adigu waxaad jebisay harqoodkii qoriga ahaa, laakiinse waxaad meeshiisa ka yeelan doontaa harqood bir ah.
Jere SomKQA 28:14  Waayo, Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Quruumahan oo dhan waxaan qoortooda kor saaray harqood bir ah, si ay ugu adeegaan boqorka Baabuloon oo ah Nebukadnesar, oo iyana way u adeegi doonaan, oo weliba xayawaanka duurkana isagaan siiyey.
Jere SomKQA 28:15  Markaas Nebi Yeremyaah wuxuu Nebi Xananyaah ku yidhi, Xananyaahow, bal haatan i maqal. Rabbigu kuma soo dirin, laakiinse waxaad dadkan ka dhigaysaa inay been isku halleeyaan.
Jere SomKQA 28:16  Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogow, anigu waan kaa fogayn doonaa dhulka korkiisa, oo isla sannaddan ayaad dhiman doontaa, maxaa yeelay, waxaad ku hadashay caasinimo Rabbiga ka gees ah.
Jere SomKQA 28:17  Sidaas daraaddeed Nebi Xananyaah isla sannaddaas bisheedii toddobaad ayuu dhintay.