JEREMIAH
1
2
3
4
5
6
7
8
9
10
11
12
13
14
15
16
17
18
19
20
21
22
23
24
25
26
27
28
29
30
31
32
33
34
35
36
37
38
39
40
41
42
43
44
45
46
47
48
49
50
51
52
Chapter 9
Jere | SomKQA | 9:1 | Bal muu madaxaygu biyo noqdo, oo bal may indhahayguna il biyood oo ilmo daadisa noqdaan, si aan habeen iyo maalinba ugu ooyo kuwa laga laayay dadkayga! | |
Jere | SomKQA | 9:2 | Bal maan cidlada ku lahaado hoy ay socotooyinku ku dhaxaan, si aan dadkayga uga tago, oo aan iyaga uga fogaado! Waayo, iyagu dhammaantood waxay noqdeen dhillayo, iyo urur khaa'inno ah. | |
Jere | SomKQA | 9:3 | Carrabkooda ayay been ugu xoodaan sida qaanso oo kale, oo dhulkay ku xoogaysteen, runtase uma aha, waayo, sharba shar bay uga sii gudbaan, oo ima ay yaqaaniin, ayaa Rabbigu leeyahay. | |
Jere | SomKQA | 9:4 | Midkiin kastaaba deriskiisa ha iska jiro oo walaalna ha isku hallaynina, waayo, walaal kastaaba waa khaa'in, oo deris kastaaba xan buu la wareegaa. | |
Jere | SomKQA | 9:5 | Midkood kastaaba wuxuu khiyaaneeyaa deriskiisa, oo runtana kuma ay hadlaan. Waxay carrabkooda bareen inuu been ku hadlo, oo waxay isku daaliyaan inay xumaan sameeyaan. | |
Jere | SomKQA | 9:6 | Rabbigu wuxuu leeyahay, Rugtaadu waxay ku dhex jirtaa khiyaano, oo khiyaano aawadeed ayay u diidaan inay i aqoonsadaan. | |
Jere | SomKQA | 9:7 | Sidaas daraaddeed Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, iyagaan dhalaalin doonaa, waanan tijaabin doonaa, waayo, bal maxaa kaloo aan sameeyaa, dadkayga dartiis? | |
Jere | SomKQA | 9:8 | Carrabkoodu waa sida fallaadh wax dilaysa oo kale. Khiyaanuu ku hadlaa. Mid waluba deriskiisa nabad buu afka uga sheegaa, laakiinse uurka wuu uga gabbadaa. | |
Jere | SomKQA | 9:9 | Rabbigu wuxuu leeyahay, Miyaanan iyaga waxyaalahan u ciqaabayn? Miyaanse naftaydu ka aarsanayn quruun tanoo kale ah? | |
Jere | SomKQA | 9:10 | Waxaan oohin iyo baroor kor ugu qaadi doonaa buuraha aawadood, oo daaqsimaha cidladana waan u barooran doonaa, maxaa yeelay, way gubteen si aan ciduna u dhex marin. Oo ninna codkii lo'da kama maqli karo, haaddii samada iyo dugaaggiiba way carareen oo way tageen. | |
Jere | SomKQA | 9:11 | Oo waxaan Yeruusaalem ka dhigi doonaa tuulmooyin burbur ah, iyo meel ay dawacooyinku ku hoydaan. Oo magaalooyinka dalka Yahuudahna waxaan ka dhigi doonaa cidla aan ciduna degganayn. | |
Jere | SomKQA | 9:12 | Waa kuma ninka xigmadda leh oo waxan garan karaa? Oo kan Rabbiga afkiisu la hadlay inuu waxyaalahan sheegi karaa waa kuma? Bal maxaa dalku u halligmay, oo uu sidii cidlo oo kale ugu gubtay, si aan ciduna u dhex marin? | |
Jere | SomKQA | 9:13 | Rabbigu wuxuu leeyahay, Iyagu sharcigaygii aan hortooda dhigay way ka tageen, oo codkaygiina ma ay addeecin, kumana ay dhex socon, | |
Jere | SomKQA | 9:14 | laakiinse waxay iska daba galeen caasinimadii qalbigooda, iyo Bacaliim oo ay awowayaashood iyaga bareen, | |
Jere | SomKQA | 9:15 | oo sidaas daraaddeed Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Dadkan waxaan ku quudin doonaa dacar, oo waxaan cabsiin doonaa biyo xammeetiyeed. | |
Jere | SomKQA | 9:16 | Oo iyaga waxaan ku kala dhex firdhin doonaa quruumaha iyaga iyo awowayaashood toona ayan aqoonin, oo waxaan iyaga ka daba diri doonaa seef jeeraan baabbi'iyo. | |
Jere | SomKQA | 9:17 | Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Aad u fiirsada, oo u yeedha naagaha baroorta ha yimaadeene, waxaad u cid dirtaan naagaha aad baroorta u yaqaan ha yimaadeene. | |
Jere | SomKQA | 9:18 | Oo iyagu ha soo dhaqsadeen, oo aad ha noogu baroorteen, si ay indhahayaga ilmo uga soo daadato oo ay biyona uga soo butaacaan. | |
Jere | SomKQA | 9:19 | Waayo, waxaa Siyoon ka yeedhaya cod baroor ah oo leh, Sidee baannu u baabba'nay! Aad iyo aad baannu u ceebownay, maxaa yeelay, dalkii waannu ka tagnay, oo hoyaashayadiina waa nalaga dumiyey. | |
Jere | SomKQA | 9:20 | Dumarow, bal erayga Rabbiga maqla, oo dhegihiinnuna erayga afkiisa ha aqbaleen, oo gabdhihiinnana baroorashada bara, oo middiin kastaaba teeda kale ha barto. | |
Jere | SomKQA | 9:21 | Waayo, geeri baa daaqadahayaga nooga soo dustay, oo waxay soo gashay daarahayaga inay carruurta dibadda ka baabbi'iso, oo ay barbaarradana jidadka ka baabbi'iso. | |
Jere | SomKQA | 9:22 | Waxaad tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Dadka meydkiisu wuxuu u soo daadan doonaa sida digo berrin bannaan taal oo kale iyo sida gacan muggeed oo ka hadhay nin beer soo goostay, oo ciduna sooma ururin doonto. | |
Jere | SomKQA | 9:23 | Rabbigu wuxuu leeyahay, Kii xigmad lahu yuusan xigmaddiisa ku faanin, oo kii xoog badanuna yuusan xooggiisa ku faanin, oo kii taajir ahuna yuusan maalkiisa ku faanin, | |
Jere | SomKQA | 9:24 | laakiinse kii faanaa ha ku faano inuu i garanayo oo uu i yaqaan inaan anigu ahay Rabbiga dhulka ku sameeya raxmadda, iyo caddaaladda, iyo xaqnimada, waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxyaalahaasaan ku farxaa. | |
Jere | SomKQA | 9:25 | Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, waxaa iman doona wakhtigii aan ciqaabi doono kuwa gudan oo uurka ka buuryaqabka ah oo dhan, | |