REVELATION OF JOHN
Chapter 13
Reve | SomKQA | 13:1 | Oo wuxuu isku dul taagay cammuuddii badda. Kolkaasaan arkay bahal badda ka soo baxaya, oo wuxuu lahaa toban gees iyo toddoba madax, oo geesihiisiina waxaa u saarnaa toban taaj, oo madaxyadiisiina waxaa ugu qornaa magacyo cay ah. | |
Reve | SomKQA | 13:2 | Oo bahalkii aan arkay wuxuu u ekaa shabeel, oo cagihiisuna waxay u ekaayeen cago orso, afkiisuna wuxuu u ekaa af libaax; markaasaa masduulaagii wuxuu isaga siiyey xooggiisii iyo carshigiisii iyo amar weyn. | |
Reve | SomKQA | 13:3 | Oo markaasaan arkay madaxyadiisii midkood oo u eg mid la gowracay; oo nabarkii uu u dhintay wuu bogsaday; oo dunida oo dhammuna waxay la yaabtay bahalkii; | |
Reve | SomKQA | 13:4 | markaasay masduulaagii caabudeen, maxaa yeelay, wuxuu amarkiisii siiyey bahalkii; iyaguna waxay caabudeen bahalkii, waxayna yidhaahdeen, Bal yaa bahalka la mid ah? Oo bal yaa awooda inuu la diriro? | |
Reve | SomKQA | 13:5 | Markaasaa waxaa isagii la siiyey af ku hadlaya waxyaalo waaweyn iyo cay; oo haddana waxaa la siiyey amar uu ku sii shaqeeyo laba iyo afartan bilood. | |
Reve | SomKQA | 13:6 | Markaasuu afkiisii u furay inuu Ilaah caayo, iyo inuu caayo magiciisa, iyo rugtiisa, iyo xataa kuwa samada deggan. | |
Reve | SomKQA | 13:7 | Oo haddana waxaa isagii la siiyey amar uu kula dagaallamo quduusiinta oo uu kaga adkaado; oo haddana waxaa la siiyey amar uu ku xukumo qabiil kasta iyo dad kasta iyo af kasta iyo quruun kasta. | |
Reve | SomKQA | 13:8 | Oo waxaa isaga caabudi doona inta dhulka deggan oo dhan oo aan magacooda lagu qorin kitaabka nolosha oo Wanka la gowracay waagii dunida la aasaasay. | |
Reve | SomKQA | 13:10 | Haddii nin dad xabbiso, isagana waa la xabbisi doonaa; oo haddii nin seef wax ku dilo, waa in isagana seef lagu dilo. Waa kaa samirka iyo rumaysadka quduusiintu. | |
Reve | SomKQA | 13:11 | Oo haddana waxaan arkay bahal kale oo dhulka ka soo baxaya, oo wuxuu lahaa laba gees oo u eg wan geesihiis, oo wuxuu u hadlayay sidii masduulaa oo kale. | |
Reve | SomKQA | 13:12 | Oo wuxuu bahalkii kowaad hortiisa wax kaga qabtay amarkiisii oo dhan. Oo dunida iyo kuwa degganba wuxuu ka dhigay inay caabudaan bahalkii kowaad oo nabarkii uu u dhintay bogsaday. | |
Reve | SomKQA | 13:13 | Oo wuxuu sameeyey calaamooyin waaweyn, wuuna karay xataa inuu dab samada ka soo dejiyo oo dhulka ku soo tuuro dadka hortiisa. | |
Reve | SomKQA | 13:14 | Oo kuwa dhulka deggan wuxuu ku khiyaaneeyey calaamooyinkii isaga loo siiyey inuu ku sameeyo bahalkii hortiisa; isagoo kuwa dhulka deggan ku leh, Waa inaad sanam u samaysaan bahalka seefta nabarkeedii ku yaal ee soo noolaaday. | |
Reve | SomKQA | 13:15 | Oo haddana waxaa isagii la siiyey xoog uu neef ku geliyo sanamkii bahalka, in sanamkii bahalku hadlo oo uu ka dhigo in la dilo in alla intii aan caabudin sanamkii bahalka. | |
Reve | SomKQA | 13:16 | Oo haddana wuxuu ka dhigay in kulli, yar iyo weyn, iyo taajir iyo faqiir, iyo xor iyo addoonba sumad lagaga dhigo gacanta midigta ama wejiga; | |
Reve | SomKQA | 13:17 | iyo inaanu ninna awoodin inuu wax iibiyo ama iibsado, kii sumadda leh mooyaane, taasoo ah magaca bahalka ama nambarka magiciisa. | |