Site uses cookies to provide basic functionality.

OK
REVELATION OF JOHN
Prev Up Next
Chapter 19
Reve SomKQA 19:1  Oo waxyaalahaas ka dib waxaan maqlay wax u eg cod weyn oo maqluuq badan oo samada ku jira, oo waxay lahaayeen, Halleeluuya; badbaado iyo ammaan iyo xoog waxaa leh Ilaahayaga;
Reve SomKQA 19:2  waayo, waxaa run iyo xaq ah xukummadiisa, maxaa yeelay, isagu wuu xukumay dhilladii weynayd ee dhulka ku hallaysay sinadeedii; oo dhiiggii addoommadiisiina gacanteeda wuu ka aaray.
Reve SomKQA 19:3  Oo haddana mar labaad ayay yidhaahdeen, Halleeluuya. Oo qiiqeeduna kor buu u baxaa weligiis iyo weligiis.
Reve SomKQA 19:4  Markaasaa afar iyo labaatankii oday iyo afartii xayawaan ayaa sujuuday, oo waxay caabudeen Ilaaha carshiga ku fadhiya iyagoo leh, Aamiin, Halleeluuya.
Reve SomKQA 19:5  Markaasaa cod baa ka soo baxay carshigii, oo wuxuu yidhi, Ilaaheenna ammaana, addoommadiisa oo dhammow, kuwiinna isaga ka cabsadow, yar iyo weynba.
Reve SomKQA 19:6  Oo haddana waxaan maqlay wax u eg maqluuq badan codkood, iyo biyo badan codkood, iyo onkod xoog weyn codkiis, oo waxay lahaayeen, Halleeluuya, waayo, waxaa wax xukuma Rabbiga Ilaahayaga oo Qaadirka ah.
Reve SomKQA 19:7  Aynu rayrayno oo aad u faraxno, oo aynu ammaanno isaga; waayo, arooskii Wanku wuu yimid, oo afadiisiina way isdiyaarisay.
Reve SomKQA 19:8  Oo waxaa iyadii lagu amray inay xidhato dhar wanaagsan oo dhalaalaya oo daahir ah; waayo, dharka wanaagsanu waxa weeye falimihii xaqa ahaa oo quduusiinta.
Reve SomKQA 19:9  Oo wuxuu igu yidhi, Waxaad qortaa, Waxaa barakaysan kuwa loogu yeedhay arooska Wanka cashadiisa. Oo wuxuu kaloo igu yidhi, Kuwanu waa erayadii Ilaah oo run ah.
Reve SomKQA 19:10  Inaan isaga caabudo aawadeed ayaan cagihiisa ugu hor dhacay. Oo isna markaasuu wuxuu igu yidhi, Iska jir oo saas ha yeelin. Anigu waxaan addoon la ahay adiga iyo walaalahaaga haya markhaatifuridda Ciise. Ilaah u sujuud, waayo, markhaatifuridda Ciise waa ruuxa wax sii sheegidda.
Reve SomKQA 19:11  Oo bal eeg, waxaan arkay samadii oo furantay, iyo faras cad, oo kii fuushanaana waxaa la odhan jiray Aamin iyo Run; oo isagu xaqnimuu wax ku xukumaa oo uu ku diriraa.
Reve SomKQA 19:12  Oo indhihiisuna waxay u ekaayeen ololka dabka, madaxiisana waxaa u saarnaa taajaj badan; oo waxaa ugu qornaa magac aanu ninna aqoon isaga mooyaane.
Reve SomKQA 19:13  Oo isna wuxuu qabay dhar dhiig lagu rusheeyey, magiciisana waxaa la odhan jiray ereyga Ilaah.
Reve SomKQA 19:14  Oo ciidammadii samada ku jirayna isagay soo raaceen iyagoo fuushan fardo cadcad oo qaba dhar wanaagsan oo cad oo daahir ah.
Reve SomKQA 19:15  Oo afkiisana waxaa ka soo baxday seef af badan inuu ku laayo quruumaha; oo wuxuu iyaga ku xukumi doonaa ul bir ah, oo wuxuu ku tumay macsaraddii canabka oo xanaaqii cadhada Ilaaha Qaadirkaa.
Reve SomKQA 19:16  Oo dharkiisa iyo bowdadiisana waxaa ugu qornaa magac, kaas oo ah BOQORKA BOQORRADA, IYO SAYIDKA SAYIDYADA.
Reve SomKQA 19:17  Oo markaasaan arkay malaa'ig qorraxda dhex taagan; oo intay cod weyn ku dhawaaqday ayay waxay haadda samada dhex duusha oo dhan ku tidhi, Kaalaya oo u soo urura cashada weyn oo Ilaah,
Reve SomKQA 19:18  aad idinku cunteene hilibka boqorrada, iyo hilibka kabtannada, iyo hilibka ragga xoogga badan, iyo hilibka fardaha iyo kuwa fuushan, iyo hilibka dadka oo dhan, xor iyo addoon, iyo yar iyo weynba.
Reve SomKQA 19:19  Oo markaasaan arkay bahalkii iyo boqorradii dhulka iyo ciidammadoodii oo u soo wada ururay inay la diriraan kii faraska fuushanaa iyo ciidankiisii.
Reve SomKQA 19:20  Markaasaa la qabtay bahalkii iyo nebigii beenta ahaa oo calaamooyinka hortiisa ku samayn jiray, kuwaasoo uu ku khiyaanayn jiray kuwii aqbalay sumaddii bahalka iyo kuwii u sujuuday sanamkiisii, oo labadoodii iyagoo nool ayaa waxaa lagu dhex tuuray baddii dabka ahayd, oo baaruuddu ka ololaysay;
Reve SomKQA 19:21  oo intoodii kalena waxaa lagu laayay kii faraska fuushanaa seeftiisii afkiisa ka soo baxday; oo haaddii oo dhammu waxay ka dhergeen hilibkoodii.