Site uses cookies to provide basic functionality.

OK
II SAMUEL
Prev Up Next
Chapter 21
II S SomKQA 21:1  Oo wakhtigii Daa'uud abaar baa dhacday intii saddex sannadood ah, oo sannadba sannadda ka dambayso, markaasaa Daa'uud Rabbiga baryay. Rabbiguna wuxuu yidhi, Tanu waxay ku timid Saa'uul iyo reerkiisa dhiigga qaba, maxaa yeelay, wuxuu laayay reer Gibecoon.
II S SomKQA 21:2  Markaasaa boqorkii reer Gibecoon u yeedhay, oo ku yidhi; (haddaba reer Gibecoon ma ay ahayn reer binu Israa'iil, laakiinse waxay ahaayeen dad ka hadhay reer Amor; oo reer binu Israa'iilna way u dhaarteen iyaga; oo Saa'uul baa wuxuu damcay inuu laayo iyaga qiiradii uu u qabay reer binu Israa'iil iyo reer Yahuudah aawadeed;)
II S SomKQA 21:3  oo Daa'uud wuxuu reer Gibecoon ku yidhi, War maxaan idiin sameeyaa? Oo maxaan kafaaraggud u bixiyaa si aad dhaxalka Rabbiga ugu ducaysaan?
II S SomKQA 21:4  Oo reer Gibecoonna waxay ku yidhaahdeen, Annaga iyo Saa'uul, iyo reerkiisa waxa na dhex yaallaa ma aha xaal ku eg lacag iyo dahab; oo annana dooni mayno inaannu reer binu Israa'iil nin ka dilno. Markaasuu ku yidhi, Haddaba wixii aad tidhaahdaan waan idiin samaynayaa.
II S SomKQA 21:5  Iyana waxay boqorkii ku yidhaahdeen, Ninkii na baabbi'iyey, oo ku fikiray in nala laayo, oo aannan dhex degganaan waddanka reer binu Israa'iil oo dhan,
II S SomKQA 21:6  ha naloo keeno toddoba nin oo wiilashiisii ah, oo Rabbiga ayaannu ugu deldelaynaa Gibecaahdii Saa'uul, kii Rabbigu doortay.
II S SomKQA 21:7  Laakiinse boqorkii wuu badbaadiyey Mefiiboshed, oo ahaa ina Yoonaataan ina Saa'uul, maxaa yeelay, dhaartii Rabbiga ayaa u dhexaysay Daa'uud iyo Yoonaataan ina Saa'uul.
II S SomKQA 21:8  Laakiinse boqorkii wuxuu soo qabtay labadii wiil ee Risfaah ina Ayah, oo ay u dhashay Saa'uul, kuwaas oo ahaa Armonii iyo Mefiiboshed, iyo shantii wiil ee Miikaal ina Saa'uul, oo ay u dhashay Cadrii'eel ina Barsillay kii reer Mexolaad;
II S SomKQA 21:9  oo wuxuu u gacangeliyey reer Gibecoon, oo buurtay ku deldeleen Rabbiga hortiisa, oo toddobadoodiiba way wada dhinteen; oo waxaana la dilay xilligii beergooyska maalmaha ugu horreeya, marka shaciirka la gooyo.
II S SomKQA 21:10  Markaasaa Risfaah oo ahayd ina Ayah ayaa soo qaadatay dhar joonyad ah oo waxay ku goglatay dhagaxa, halkaasna waxay joogtay wakhtigii beergooyska iyo ilaa roob cirka ka soo daatay; oo maalintiina uma ay oggolaan in haadka hawadu ku dego, habeenkiina waxay ka dhawri jirtay dugaagga duurka.
II S SomKQA 21:11  Oo waxaa Daa'uud loo soo sheegay wixii ay samaysay Risfaah ina Ayah oo ahayd Saa'uul naagtiisii addoonta ahayd.
II S SomKQA 21:12  Oo Daa'uud intuu tegey ayuu lafihii Saa'uul iyo lafihii wiilkiisii Yoonaataan ka soo qaaday dadkii reer Yaabeesh Gilecaad oo ka xaday jidkii Beytshaan, kaasoo ah meeshii ay reer Falastiin ku deldeleen iyaga, maalintii ay reer Falastiin Saa'uul ku dileen Gilboca,
II S SomKQA 21:13  oo halkaasuu ka soo qaaday lafihii Saa'uul iyo lafihii wiilkiisii Yoonaataan; oo waxaa la soo ururiyey kuwii la deldelay lafahoodii.
II S SomKQA 21:14  Oo lafihii Saa'uul iyo lafihii wiilkiisii Yoonaataan waxaa lagu aasay dalka reer Benyaamiin meel ku taal oo la yidhaahdo Seelac, oo waxaa la geliyey qabrigii aabbihiis Qiish; oo waxaa la sameeyey kulli wixii boqorku ku amray oo dhan. Oo taas dabadeedna Ilaah baa dalkii loo baryay.
II S SomKQA 21:15  Oo haddana reer Falastiin waxay la dirireen reer binu Israa'iil, markaasaa Daa'uud dhaadhacay isaga iyo addoommadiisii la socdayba, oo waxay la dirireen reer Falastiin; laakiinse Daa'uud wuu taag gabay.
II S SomKQA 21:16  Oo Yiishbii Benob, oo ka mid ahaa wiilashii Rafaa, oo miisaanka warankiisu ahaa saddex boqol oo sheqel oo naxaas ah, oo seef cusubuna dhexday ugu xidhnayd, ayaa damcay inuu Daa'uud dilo.
II S SomKQA 21:17  Laakiinse Daa'uud waxaa caawiyey Abiishay oo ay Seruuyaah dhashay, oo intuu kii reer Falastiin wax ku dhuftay ayuu dilay. Markaasaa Daa'uud raggiisii dhaar u mareen, oo ku yidhaahdeen, Adigu mar dambe dagaal noola bixi maysid, yaadan laambadda reer binu Israa'iil bakhtiine.
II S SomKQA 21:18  Oo taas dabadeed waxay noqotay in reer Falastiin haddana Goob lagula diriray, oo Sibbekay oo reer Xushaad ahaa wuxuu dilay Saf oo ahaa mid ka mid ah wiilashii Rafaa.
II S SomKQA 21:19  Oo haddana reer Falastiin waxaa lagula diriray Goob; oo Elxaanaan ina Yacaray Oregiim oo reer Beytlaxam ahaa wuxuu dilay Goli'ad oo reer Gad ahaa, oo samayda warankiisuna waxay le'ekayd dharsameeyaha looxiisa.
II S SomKQA 21:20  Oo haddana waxaa dagaal ka dhacay Gad, halkaasna waxaa joogay nin aad u dheer, oo gacmahana mid kasta wuxuu ku lahaa lix farood, cagahana mid kasta wuxuu ku lahaa lix farood, oo farihiisuna kulligood waxay ahaayeen afar iyo labaatan, oo isna wuxuu u dhashay Rafaa.
II S SomKQA 21:21  Oo markuu reer binu Israa'iil caayay, waxaa isagii dilay Yoonaataan oo uu Daa'uud walaalkiisii Shimcii ahaa dhalay.
II S SomKQA 21:22  Afartaasu waxay Rafaa ugu dhasheen Gad; oo waxay ku dhinteen Daa'uud gacantiisii, iyo gacantii addoommadiisa.