Site uses cookies to provide basic functionality.

OK
ZECHARIAH
1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14
Prev Up Next
Chapter 6
Zech SomKQA 6:1  Oo haddana indhaha baan kor u taagay oo wax fiiriyey, oo waxaan arkay afar gaadhifaras oo ka soo baxay laba buurood dhexdood, buuruhuna waxay ahaayeen buuro naxaas ah.
Zech SomKQA 6:2  Gaadhifaraska kowaad waxaa waday fardo xamar ah, gaadhifaraska labaadna waxaa waday fardo madmadow.
Zech SomKQA 6:3  Gaadhifaraska saddexaadna waxaa waday fardo cadcad, gaadhifaraska afraadna waxaa waday fardo barbaro leh oo xoog badan.
Zech SomKQA 6:4  Markaasaan jawaabay oo waxaan malaggii ila hadlay ku idhi, Sayidkaygiiyow, waa maxay kuwanu?
Zech SomKQA 6:5  Kolkaasaa malaggii jawaabay oo wuxuu igu yidhi, Kuwanu waa samada afarteeda dabaylood, oo ka soo baxa meeshay Sayidka dhulka oo dhan ku hor taagnaayeen.
Zech SomKQA 6:6  Gaadhifaraskii fardaha madmadow lahaa wuxuu tegayaa xagga dalka woqooyi, oo kuwa cadcaduna iyagay daba gelayaan, oo gaadhifaraskii fardaha barbaraha leh lahaana wuxuu tegayaa xagga dalka koonfureed.
Zech SomKQA 6:7  Oo kuwii xoogga badnaana way soo bexeen, oo waxay doonayeen inay dhulka hore iyo dibba u dhex maraan, oo isna wuxuu ku yidhi, Taga oo dhulka hore iyo dibba u dhex mara. Oo iyana markaasay dhulkii hore iyo dibba u dhex mareen.
Zech SomKQA 6:8  Markaasuu igu qayliyey, oo intuu ila hadlay ayuu igu yidhi, Bal eeg, kuwii xagga dalka woqooyi tegey ruuxaygii way ku qabowjiyeen dalka woqooyi.
Zech SomKQA 6:9  Oo haddana waxaa ii yimid Eraygii Rabbiga oo leh,
Zech SomKQA 6:10  Kuwii maxaabiista loo kaxaystay waxaad ka soo waddaa Xelday iyo Toobiyaah iyo Yedacyaah, oo isla maalintaasba kaalay, oo waxaad gashaa guriga Yoosiyaah ina Sefanyaah oo ay joogaan kuwii Baabuloon ka yimid.
Zech SomKQA 6:11  Oo waxaad iyaga ka qaaddaa lacag iyo dahab, oo waxaad ka samaysaa taaj, oo waxaad madaxa u saartaa Yashuuca ina Yehoosaadaaq oo ah wadaadka sare.
Zech SomKQA 6:12  Isaga la hadal, oo waxaad ku tidhaadaa, Rabbiga ciidammadu sidanuu u hadlaa oo leeyahay, Bal eega ninka magiciisu yahay Biqilka. Wuxuu ku kori doonaa meeshiisa, oo macbudka Rabbiga ayuu dhisi doonaa.
Zech SomKQA 6:13  Isaga qudhiisa ayaa dhisi doona macbudka Rabbiga, oo isagu ammaantuu sidan doonaa, oo carshiga ayuu ku dul fadhiyi doonaa oo ku talin doonaa. Wuxuu ahaan doonaa wadaad carshigiisa ku dul fadhiya, oo labadoodaba waxaa u dhaxayn doona taladii nabaadiinada.
Zech SomKQA 6:14  Oo taajajka waxaa yeelan doona Xeelem iyo Toobiyaah iyo Yedacyaah iyo Xeen oo ah ina Sefanyaah, oo waxayna u ahaan doonaan xusuus macbudka Rabbiga ku jirta.
Zech SomKQA 6:15  Oo kuwa meelaha fog jooga ayaa iman doona oo waxay ka shaqayn doonaan dhisidda macbudka Rabbiga, oo idinkuna waxaad ogaan doontaan in Rabbiga ciidammadu uu ii soo kiin diray. Tanu way ahaan doontaa haddaad ku dadaashaan inaad codka Rabbiga Ilaahiinna ah addeecdaan.