Site uses cookies to provide basic functionality.

OK
MICAH
1 2 3 4 5 6 7
Prev Up Next Toggle notes
Chapter 6
Mica SomKQA 6:1  Haddaba maqla waxa Rabbigu leeyahay, Sara joogsada, dacwaddiinna buuraha ku hor sheegta, oo kuruhuna codkiinna ha maqleen.
Mica SomKQA 6:2  Buuraha iyo dhulka aasaasyadiisa warayow, Rabbiga dacwaddiisa maqla, waayo, Rabbigu dacwad buu la leeyahay dadkiisa, oo wuxuu la muddici doonaa dadka Israa'iil.
Mica SomKQA 6:3  Dadkaygiiyow, bal maxaan idinku sameeyey? Maxaanse idinku daaliyey? Haddaba bal igu markhaatifura.
Mica SomKQA 6:4  Waayo, dalkii Masar waan idinka soo bixiyey, oo guriga addoonsiga waan idinka soo furtay, oo waxaan idin hor mariyey Muuse, iyo Haaruun iyo Maryan.
Mica SomKQA 6:5  Dadkaygiiyow, bal haatan soo xusuusta wixii uu Baalaaq oo ahaa boqorkii Moo'aab ku tashaday, iyo wixii u Balcaam ina Becoor ugu jawaabay, bal soo xusuusta wixii dhacay tan iyo Shitiim iyo ilaa Gilgaal, si aad ku ogaataan falimaha xaqa ah ee Rabbiga.
Mica SomKQA 6:6  Bal maxaan Rabbiga hortiisa la imaadaa? Oo sidee baan Ilaaha sare ugu hor sujuudaa? Ma qurbaanno la gubo baan Rabbiga hortiisa la imaadaa? Ma weylo gu jira baan la imaadaa?
Mica SomKQA 6:7  Rabbigu ma ku farxaa kumanyaal wanan, amase toban kun oo webi oo saliid ah? Xadgudubkayga aawadiis miyaan curadkayga u bixiyaa? Dembigii naftaydase ma midhaha jidhkaygaan u bixiyaa?
Mica SomKQA 6:8  Nin yahow, Rabbigu wuxuu ku tusay waxa wanaagsan. Oo bal maxaa Rabbigu kaa doonayaa, inaad caddaaladda samaysid, oo aad naxariista jeclaatid, oo aad si hoosaysa Ilaahaaga ula socotid mooyaane?
Mica SomKQA 6:9  Codkii Rabbigu magaalada buu u qaylinayaa, oo ninkii xigmad lahu magacaaga buu ka cabsan doonaa. Idinku usha maqla iyo kan soo dirayba.
Mica SomKQA 6:10  Guriga sharowga weli miyey yaalliin khasnadihii sharnimadu iyo weliba qiyaastii dhimanayd oo karaahiyada ahayd?
Mica SomKQA 6:11  Miyaan daahir ahaanayaa anoo haysta kafado xun iyo kolay miisaanno khiyaano miidhan ah?
Mica SomKQA 6:12  Waayo, dadkeeda taajiriinta ahu waa dulmi miidhan, oo kuweeda degganuna been bay ku hadlaan, oo carrabka afkooduna waa khiyaano miidhan.
Mica SomKQA 6:13  Haddaba sidaas daraaddeed dhaawac aad u xun baan idinku dhuftay, oo dembigiinna aawadiis cidla baan idinka dhigay.
Mica SomKQA 6:14  Wax baad cuni doontaan mase dhergi doontaan. Gaajadiinnu dhexdiinnay ku jiri doontaa. Wax baad kaydin doontaan, laakiinse sinaba uma aad nabad gelin doontaan, oo wixii aad nabadgelisaanna seef baan u gacangelinayaa.
Mica SomKQA 6:15  Wax baad beeran doontaan mase goosan doontaan, oo saytuunka waad tuman doontaan laakiinse saliiddiisa kuma subkan doontaan, oo canabkana waad tuman doontaan laakiinse khamrigiisa ma cabbi doontaan.
Mica SomKQA 6:16  Waayo, qaynuunnadii Boqor Coomrii iyo shuqulladii reer Boqor Axaab oo dhanba waad dhawrteen, oo waxaad ku socotaan talooyinkoodii, si aan cidla laga yaabo idiinka dhigo, oo dadka magaaladiinna degganna waxaan ka dhigi doonaa wax lagu foodhyo, oo idinku waxaad qaadan doontaan cayda dadkayga.