I TIMOTHY
Chapter 3
I Ti | SomKQA | 3:1 | Hadalku waa run, Haddii nin doonayo shuqulka hoggaamiyaha kiniisadda, shuqul wanaagsan buu doonayaa. | |
I Ti | SomKQA | 3:2 | Sidaas daraaddeed hoggaamiyaha kiniisaddu waa inuu ahaado mid aan ceeb lahayn, oo naag keliya qaba, oo feeyigan, oo digtoon, oo sharaf leh, oo martida soo dhoweeya, oo ku wanaagsan waxbaridda; | |
I Ti | SomKQA | 3:3 | oo uusan sakhraan noqon, oo uusan gacan fududaan, laakiin waa inuu noqdo mid tudhid badan, oo uusan ilaaq lahayn, oo uusan lacag jeclayn. | |
I Ti | SomKQA | 3:4 | Waa inuu ahaado mid gurgiisa si wanaagsan ugu taliya, oo carruurtiisu ka dambeeyaan oo maamuusaan. | |
I Ti | SomKQA | 3:5 | Laakiin nin hadduusan garanayn si uu gurigiisa ugu taliyo, sidee buu kiniisadda Ilaah u xanaanayn doonaa? | |
I Ti | SomKQA | 3:6 | Waa inuusan ahaan mid dhowaan rumaystay, waaba intaasoo intuu kibro uu Ibliiska xukunkiisa ku dhacaaye. | |
I Ti | SomKQA | 3:7 | Weliba waa inuu markhaati wanaagsan ka helo kuwa dibadda ah, waaba intaasoo uu ku dhacaa cay iyo dabinka Ibliiska. | |
I Ti | SomKQA | 3:8 | Sidaas oo kalena caawiyayaasha kiniisaddu waa inay ahaadaan dad la maamuuso oo ayan noqon laba-hadallayaal, oo ayan khamri badan cabbin, oo ayan faa'iidada ceebta ah jeclaan. | |
I Ti | SomKQA | 3:10 | Kuwaas marka hore ha la tijaabiyo, dabadeedna sida iyagoo ah caawiyayaasha kiniisadda ha u adeegeen hadday eed la' yihiin. | |
I Ti | SomKQA | 3:11 | Sidaas oo kale dumarkuna waa inay digtoonaadaan oo ayan ahaan kuwa wax xanta. Waa inay feeyignaadaan, oo ay wax walba aamin ku ahaadaan. | |
I Ti | SomKQA | 3:12 | Caawiyayaasha kiniisaddu mid kastaaba naag keliya ha guursado, hana noqdeen kuwo si wanaagsan ugu talinaya carruurtooda iyo guryahooda. | |
I Ti | SomKQA | 3:13 | Waayo, kuwa sida iyagoo ah caawiyayaasha kiniisadda si wanaagsan ugu adeega, waxay nafsaddooda u helaan derejo wanaagsan iyo dhiirranaan badan oo ay iimaanka Ciise Masiix ku dhiirran yihiin. | |
I Ti | SomKQA | 3:14 | Waxaan rajaynayaa inaan dhowaan kuu imaado, laakiin waxaan waxyaalahan kuugu soo qorayaa, | |
I Ti | SomKQA | 3:15 | in, haddii aan wax badan raago, aad ogaato sida waajibka ah oo loogu camal fali lahaa guriga Ilaah dhexdiisa, oo ah kiniisadda Ilaaha nool iyo tiirka iyo aasaaska runtaa. | |