II TIMOTHY
Chapter 1
II T | SomKQA | 1:1 | Anigoo Bawlos ah oo rasuulkii Ciise Masiix ku ah doonista Ilaah, sida uu leeyahay ballanka nolosha Ciise Masiix ku jirta, | |
II T | SomKQA | 1:2 | waxaan warqaddan u qorayaa Timoteyos oo ah wiilkayga aan jeclahay. Nimco iyo naxariis iyo nabadu ha kaaga yimaadeen Ilaaha Aabbaha ah iyo Rabbigeenna Ciise Masiix. | |
II T | SomKQA | 1:3 | Waxaan ku mahad naqayaa Ilaaha aan qalbi daahir ah ugu adeego siday awowayaashay ugu adeegi jireen, anigoo habeen iyo maalinba joogsila'aan baryadayda kugu xusuusanaya. | |
II T | SomKQA | 1:5 | Waxaan xusuustay rumaysadka aan labada weji lahayn oo kugu jira, oo markii horena ku jiri jiray ayeeyadaa Lowis iyo hooyadaa Yunikee, adigana waan kugu aaminsanahay inuu kugu jiro. | |
II T | SomKQA | 1:6 | Taas daraaddeed waxaan ku xusuusinayaa inaad kicisid hadiyadda Ilaah ee kugu jirta oo kuugu timid gacmosaariddaydii. | |
II T | SomKQA | 1:7 | Waayo, Ilaah inama uu siin ruuxa cabsida, laakiinse wuxuu ina siiyey ruuxa xoogga iyo jacaylka iyo miyirka. | |
II T | SomKQA | 1:8 | Sidaas daraaddeed ha ka xishoon u markhaatifuridda Rabbigeenna ama aniga oo isaga maxbuus u ah, laakiinse dhibaatada injiilka kaga qayb qaado xoogga Ilaah. | |
II T | SomKQA | 1:9 | Ilaah waa kan ina badbaadiyey oo yeedhid quduus ah inoogu yeedhay, mana aha xagga shuqulladeenna, laakiinse waa xagga qasdigiisa iyo nimcadiisa, oo uu waayadii hore hortood inagu siiyey Ciise Masiix, | |
II T | SomKQA | 1:10 | laakiinse haatan lagu muujiyey muuqashada Badbaadiyeheenna Ciise Masiix, kaas oo dhimashada baabbi'iyey, oo nolosha iyo dhimashola'aanta iftiinka ugu soo saaray xagga injiilka, | |
II T | SomKQA | 1:12 | Sababtaas aawadeed ayaan waxyaalahan ugu xanuunsanayaa; laakiinse ka xishoon maayo, waayo, waan garanayaa kan aan rumaystay, oo waxaan aaminsanahay inuu awoodo inuu dhawro wixii aan ku ammaanaystay ilaa maalintaas. | |
II T | SomKQA | 1:13 | Masaalkii erayada runta ahaa ee aad iga maqasheen ku xaji rumaysadka iyo jacaylka Ciise Masiix ku jira. | |
II T | SomKQA | 1:14 | Ammaanadii wanaagsanayd ee laguu dhiibay ku dhawr Ruuxa Quduuska ah oo inagu dhex jira. | |
II T | SomKQA | 1:15 | Waad og tahay in kuwii Aasiya joogay oo dhammu ay iga leexdeen, waxaana ka mid ah Fugelos iyo Hermogenees. | |
II T | SomKQA | 1:16 | Rabbiga ha u naxariisto reerkii Oneesiforos; waayo, marar badan ayuu i nasiyey, kamana xishoon silsiladdayda. | |