HABAKKUK
Chapter 1
Haba | SomKQA | 1:2 | Rabbiyow, ilaa goormaan kuu qayshadaa, oo adna aadan i maqlayn? Dulmi baan kaaga qayshadaa, oo namana aad badbaadisid. | |
Haba | SomKQA | 1:3 | Bal maxaad xumaan ii tustaa oo aad qallooc iigu jeedisaa? Waayo, waxaa hortayda yaal halligaad iyo dulmi, oo waxaa kor u kaca dirir iyo dagaal. | |
Haba | SomKQA | 1:4 | Sidaas daraaddeed sharcigii waa dabcay oo caddaaladduna hore uma socoto, waayo, kii sharrow ah ayaa hareereeya kii xaq ah, oo sidaas daraaddeed garsooridda waa la qalloociyaa. | |
Haba | SomKQA | 1:5 | Bal eega quruumaha dhexdooda, ka fiirsada oo aad u yaaba, waayo, maalmihiinnii waxaan samaynayaa shuqul aydaan rumaysan doonin in kastoo laydiin sheego. | |
Haba | SomKQA | 1:6 | Waayo, bal eega, waxaan soo kicinayaa reer Kaldayiin oo ah quruuntaas qadhaadh oo degdegga badan oo dhulka ballaadhkiisa mara inay hantiyaan meelo la dego oo ayan iyagu lahayn. | |
Haba | SomKQA | 1:7 | Iyagu waa kuwa laga cabsado oo aad looga baqo; xukunkooda iyo sharaftoodu iyagay ka soo baxaan. | |
Haba | SomKQA | 1:8 | Fardahoodu way ka sii dheereeyaan shabeelka, oo way ka sii cabsi badan yihiin yeyda fiidka, oo fardooleydooduna way iskala bixiyaan, haah, oo fardooleydooduna meel fog bay ka yimaadaan, oo waxay u soo duulaan sida gorgor u soo degdegaya inuu wax dhufsado oo cuno. | |
Haba | SomKQA | 1:9 | Dhammaantood waxay u yimaadaan inay wax xoogaan, oo damaca wejigooduna waa sida dabaysha bari, oo waxay urursadaan maxaabiis sida cammuudda u badan. | |
Haba | SomKQA | 1:10 | Cadowgu boqorro wuu quudhsadaa, oo amiirrona wuu fududaystaa, oo qalcad kastana wuu ku qoslaa, waayo, intuu ciid tuulaa ayuu iska qabsadaa. | |
Haba | SomKQA | 1:11 | Markaas sida dabayl buu u dhaafi doonaa, oo wuu sii gudbi doonaa, oo dembi buu lahaan doonaa kan xooggiisu ilaah u yahay. | |
Haba | SomKQA | 1:12 | Rabbiyow, Ilaahaygiiyow, kayga Quduuska ahow, sow adigu weligaaba ma aad jiri jirin? Annagu dhiman mayno. Rabbiyow, isaga waxaad u diyaarisay xukun, oo waxaad u xoogaysay edbin, kaaga Dhagaxa weyn ahow. | |
Haba | SomKQA | 1:13 | Waxaad tahay mid indhihiisu ka sii daahirsan yihiin inay wax shar ah eegaan, oo qalloocna ma fiirin kartid, haddaba bal maxaad u fiirisaa kuwa khiyaanada sameeya? Oo maxaad u aamusan tahay marka sharrowgu liqo ninka isaga ka sii xaq yahay? | |
Haba | SomKQA | 1:14 | Oo maxaad dadka uga dhigtaa sida kalluunka badda, iyo sida waxa gurguurta oo aan lahayn mid iyaga u taliya? | |
Haba | SomKQA | 1:15 | Isagu dhammaantood ayuu jillaab ku soo qaataa, oo shabaggiisuu ku soo qabsadaa, oo intuu shabaggiisa ku soo wada urursado ayuu soo jiitaa, haddaba sidaas daraaddeed wuu reyreeyaa oo farxaa. | |
Haba | SomKQA | 1:16 | Haddaba sidaas daraaddeed allabari buu u bixiyaa shabaggiisa, oo fooxna wuu u shidaa shabagguu jiita, maxaa yeelay, iyaga ayaa qaybtiisii ku barwaaqowday, oo quudkiisiina aad iyo aad batay. | |