Site uses cookies to provide basic functionality.

OK
HOSEA
1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14
Prev Up Next
Chapter 12
Hose SomKQA 12:1  Reer Efrayim waxay quutaan dabayl oo waxay daba galaan dabaysha bari. Had iyo goorba been iyo baabba' bay badiyaan, oo waxay axdi la dhigtaan dadka dalka Ashuur, saliidna Masar bay u qaadaan.
Hose SomKQA 12:2  Oo weliba Rabbigu dacwad buu la leeyahay dadka Yahuudah, oo wuxuu reer Yacquub u ciqaabi doonaa si waafaqsan jidadkooda, oo wuxuu u abaal marin doonaa si waafaqsan falimahooda.
Hose SomKQA 12:3  Yacquub markuu uurka ku jiray walaalkiis buu cedhibta ku dhegay, oo markuu nin noqdayna Ilaah buu la dagaallamay.
Hose SomKQA 12:4  Haah, oo wuxuu la dagaallamay malaa'igtii, wuuna ka adkaaday, wuuna ooyay oo baryay. Wuxuu isagii ka helay Beytel, oo halkaasuu nagula hadlay.
Hose SomKQA 12:5  Rabbigu waa Ilaaha ciidammada. Rabbigu waa magiciisa lagu xusuusto.
Hose SomKQA 12:6  Haddaba sidaas daraaddeed Ilaahaaga u soo jeeso, oo naxariista iyo garsooridda xaji, oo had iyo goorna Ilaahaaga sug.
Hose SomKQA 12:7  Dadkaygu waa baayacmushtari, oo waxaa gacanta ugu jira kafadihii khiyaanada, waxay jecel yihiin inay wax dulmaan.
Hose SomKQA 12:8  Oo reer Efrayim wuxuu yidhi, Sida xaqiiqada ah taajir baan noqday, oo maal baan helay, oo innaba hawlahayga oo dhan lagama heli doono xumaan dembi ah.
Hose SomKQA 12:9  Laakiinse anigu waxaan ahay Rabbiga Ilaahiinna ah oo idinka soo bixiyey dalkii Masar, oo weliba waxaan ka dhigi doonaa inaad mar kale teendhooyin degganaataan sidii wakhtigii iidda.
Hose SomKQA 12:10  Oo weliba waxaan la hadlay nebiyadii, oo waxaan badiyey waxyaalo aan tusay, oo nebiyadana waxaan u soo dhiibay masaalooyin.
Hose SomKQA 12:11  Reer Gilecaad waa xumaan miidhan oo iyagu dhammaantood waa wax aan waxtar lahayn. Waxay Gilgaal ku allabaryaan dibiyo, oo weliba meelahooda allabarigu waa sida tuulmooyin ku dhex yaal jeexjeexyada beerta oo kale.
Hose SomKQA 12:12  Yacquub wuxuu ku dhex cararay beertii Aram, oo Israa'iil inuu naag helo buu u shaqeeyey oo ido u ilaaliyey.
Hose SomKQA 12:13  Oo Rabbigu reer binu Israa'iil nebi buu kaga soo bixiyey dalkii Masar, oo nebi baa iyagii lagu ilaashay.
Hose SomKQA 12:14  Reer Efrayim si qadhaadh bay Rabbiga uga xanaajiyeen, haddaba dhiiggoodu korkooduu ku hadhi doonaa, oo ceebtoodana Sayidkoodu waa ku soo celin doonaa.