Site uses cookies to provide basic functionality.

OK
II CHRONICLES
Prev Up Next Toggle notes
Chapter 17
II C SomKQA 17:1  Oo waxaa meeshiisii boqor ka noqday wiilkiisii Yehooshaafaad, oo wuxuu u xoogaystay si uu dadka Israa'iil isaga daafaco.
II C SomKQA 17:2  Oo wuxuu ciidan fadhiisiyey magaalooyinkii deyrka lahaa oo dalka Yahuudah oo dhan, oo rugo askareedna ayuu dhex dhigay dalkii Yahuudah iyo weliba magaalooyinkii reer Efrayim oo aabbihiis Aasaa uu mar hore qabsaday.
II C SomKQA 17:3  Oo Rabbiguna Yehooshaafaad wuu la jiray, maxaa yeelay, wuxuu ku socday jidkii hore oo awowgiis Daa'uud, oo Bacaliimna ma uu doonin,
II C SomKQA 17:4  laakiinse wuxuu doonay Ilaahii awowgiis, oo wuxuu ku socday amarradiisii, mana uu yeelin falimihii dadka Israa'iil.
II C SomKQA 17:5  Oo sidaas daraaddeed Rabbigu boqortooyadii gacantiisuu ku xoogeeyey, oo dadkii Yahuudah oo dhammuna Yehooshaafaad ayay hadiyado u keeni jireen, oo isagu wuxuu lahaa maal iyo sharaf badan.
II C SomKQA 17:6  Oo qalbigiisuna wuxuu u sara kacay inuu qaado jidadka Rabbiga, oo weliba wuxuu dalka Yahuudah ka baabbi'iyey meelihii sarsare iyo geedihii Asheeraah.
II C SomKQA 17:7  Oo haddana sannaddii saddexaad oo boqortooyadiisa ayuu diray amiirradiisii oo ahaa Benxayl, iyo Cobadyaah, iyo Sekaryaah, iyo Netaneel, iyo Miikaayaah inay magaalooyinka dalka Yahuudah dadka wax ku baraan,
II C SomKQA 17:8  oo wuxuu la diray kuwii reer Laawi oo ahaa Shemacyaah, iyo Netanyaah, iyo Sebadyaah, iyo Casaaheel, iyo Shemiiraamood, iyo Yehoonaataan, iyo Adoniiyaah, iyo Toobiyaah, iyo Toob Adooniyaah, oo waxaa kaloo iyaga la jiray wadaaddadii ahaa Eliishaamaac iyo Yehooraam.
II C SomKQA 17:9  Oo iyana dalka Yahuudah ayay dadka wax ku bareen iyagoo wata kitaabkii sharciga Rabbiga, oo waxay ku dhex wareegeen magaalooyinkii dalka Yahuudah oo dhan, oo dadkiina wax bay bareen.
II C SomKQA 17:10  Oo boqortooyooyinkii dalalkii ku wareegsanaa dalka Yahuudah oo dhan waxaa ku dhacday Rabbiga cabsidiisii, oo sidaas daraaddeed iyagu Yehooshaafaad lama ayan diririn.
II C SomKQA 17:11  Oo reer Falastiin qaarkood ayaa Yehooshaafaad u keenay gabbaro iyo lacag baad ah, oo weliba Carabtiina waxay u keeneen adhi badan oo ah toddoba kun iyo toddoba boqol oo wan iyo toddoba kun iyo toddoba boqol oo orgi.
II C SomKQA 17:12  Oo Yehooshaafaadna aad iyo aad buu u sii weynaaday, oo wuxuu dalka Yahuudah ka dhex dhisay qalcado iyo magaalooyin wax lagu kaydiyo.
II C SomKQA 17:13  Oo magaalooyinka dalka Yahuudah waxaa loogu dhex sameeyey shuqullo badan, oo Yeruusaalemna waxaa u joogay rag dagaalyahan ah oo xoog badan.
II C SomKQA 17:14  Oo tanuna waa tiradoodii iyo sidii ay reerahoodu kala ahaayeen, saraakiishii kun kun u talin jiray ee dadkii Yahuudah waxaa ka joogay Cadnaah oo sirkaal ahaa, oo waxaa isaga la jiray rag xoog badan oo ah saddex boqol oo kun,
II C SomKQA 17:15  oo waxaa isaga ku xigay Yehooxaanaan oo sirkaal ahaa, oo waxaa isaga la jiray laba boqol iyo siddeetan kun oo nin,
II C SomKQA 17:16  oo isna waxaa ku xigay Camasyaah ina Sikrii oo Rabbiga ikhtiyaarkiisa isugu bixiyey, oo isna waxaa la jiray laba boqol oo kun oo ah rag xoog badan.
II C SomKQA 17:17  Oo reer Benyaamiinna waxaa ka joogay Elyaadaac oo ahaa nin xoog badan, oo isna waxaa la jiray laba boqol oo kun oo nin oo sita qaanso iyo gaashaan,
II C SomKQA 17:18  oo isna waxaa ku xigay Yehoosaabaad, waxaana isaga la jiray boqol iyo siddeetan kun oo nin oo dagaal loo diyaariyey.
II C SomKQA 17:19  Oo kuwanu waxay ahaayeen intii boqorka u adeegi jirtay, oo ayan ku jirin kuwii uu boqorku fadhiisiyey magaalooyinkii deyrka lahaa oo dalka Yahuudah ku yiil oo dhan.