Site uses cookies to provide basic functionality.

OK
II KINGS
Prev Up Next
Chapter 20
II K SomKQA 20:1  Oo waagaas ayaa Xisqiyaah bukooday, oo geeri buu u dhowaaday. Markaasaa Nebi Ishacyaah oo ahaa ina Aamoos u yimid oo wuxuu ku yidhi, Rabbigu wuxuu leeyahay, Reerkaaga la dardaaran, waayo, waad dhimanaysaa oo sii noolaan maysid.
II K SomKQA 20:2  Oo isna markaasuu wejigiisii derbiga ku sii jeediyey, oo Rabbiga baryay, oo yidhi,
II K SomKQA 20:3  Rabbiyow, waan ku baryayaaye, bal haatan xusuuso sidaan hortaada ugu socday runta iyo qalbi qumman, iyo sidaan u sameeyey waxa hortaada ku wanaagsan. Xisqiyaahna aad buu u ooyay.
II K SomKQA 20:4  Oo intaanu Ishacyaah weli magaalada dhexe u bixin ayaa eraygii Rabbigu isagii u yimid oo ku yidhi,
II K SomKQA 20:5  Dib u noqo, oo Xisqiyaah oo ah amiirka dadkayga waxaad ku tidhaahdaa, Rabbiga ah Ilaaha awowgaa Daa'uud wuxuu leeyahay, Baryootankaagii waan maqlay, ilmadaadiina waan arkay, haddaba waan ku bogsiinayaa, oo maalinta saddexaad waxaad u bixi doontaa guriga Rabbiga.
II K SomKQA 20:6  Oo cimrigaagiina waxaan kuugu dari doonaa shan iyo toban sannadood, oo adiga iyo magaaladanba waan ka samatabbixin doonaa gacanta boqorka Ashuur, oo waxaan magaaladan u daafici doonaa aniga daraadday iyo addoonkaygii Daa'uud daraaddiis.
II K SomKQA 20:7  Markaasaa Ishacyaah yidhi, Waxaad qaaddaan fud berde ah, oo iyana way qaadeen, oo waxay saareen kasoobixii, wuuna bogsaday.
II K SomKQA 20:8  Markaasaa Xisqiyaah wuxuu Ishacyaah ku yidhi, Maxaa calaamad ii noqon doona in Rabbigu i bogsiinayo oo aan maalinta saddexaad guriga Rabbiga u baxayo?
II K SomKQA 20:9  Kolkaasaa Ishacyaah ku yidhi, Calaamadda xagga Rabbiga kaaga imanaysa in Rabbigu samaynayo wixii uu ballanqaaday waxay ahaan doontaa tan: hoosku ma inuu hore u socdaa toban derejo mase waa inuu dib u socdaa toban derejo?
II K SomKQA 20:10  Markaasaa Xisqiyaah wuxuu ugu jawaabay, Waa wax fudud in hoosku toban derejo hore u socdo; hase ahaatee, hoosku dib ha u soo noqdo toban derejo,
II K SomKQA 20:11  Markaasaa Nebi Ishacyaah u qayliyey Rabbiga; oo isna markaasuu hooskii toban derejo dib uga soo celiyey intuu hore uga socday derejooyinkii Aaxaas.
II K SomKQA 20:12  Waagaas Berodag Baladaan, oo ahaa ina Baladaan oo boqorkii Baabuloon ahaa ayaa warqado iyo hadiyad Xisqiyaah u soo diray, waayo, wuxuu maqlay in Xisqiyaah bukay.
II K SomKQA 20:13  Oo markaasuu Xisqiyaah iyagii maqlay oo wuxuu tusay dhammaan gurigii ay yiilleen waxyaalihiisii qaaliga ahaa, kuwaasoo ahaa lacagtii iyo dahabkii, iyo uunsigii iyo saliiddii qaaliga ahayd, iyo gurigiisii hubka, iyo kulli waxyaalihii khasnadihiisa ku jiray oo dhan. Oo Xisqiyaah wax uusan iyaga tusin laguma arag gurigiisa iyo dowladdiisa oo dhan.
II K SomKQA 20:14  Markaasaa Nebi Ishacyaah u yimid Boqor Xisqiyaah, oo wuxuu ku yidhi, War nimankanu maxay yidhaahdeen? Xaggee bayse kaaga yimaadeen? Kolkaasaa Xisqiyaah yidhi, Waxay ka yimaadeen dal fog, kaasoo ah Baabuloon.
II K SomKQA 20:15  Markaasuu ku yidhi, Maxay gurigaaga ku arkeen? Oo Xisqiyaah wuxuu ugu jawaabay, Way wada arkeen waxa gurigayga yaal oo dhan; oo khasnadahayga kuma jiraan wax aanan tusin.
II K SomKQA 20:16  Kolkaasaa Ishacyaah wuxuu Xisqiyaah ku yidhi, Haddaba bal maqal erayga Rabbiga.
II K SomKQA 20:17  Bal eeg, waxaa iman doona maalmaha waxa gurigaaga yaal oo dhan iyo wixii ay awowayaashaa ilaa maantadan kaydiyeen Baabuloon loo qaadan doono. Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxba ma hadhi doonaan.
II K SomKQA 20:18  Wiilashaada kaa soo bixi doona oo aad dhali doontana waa la kaxaysan doonaa; oo iyana waxay ahaan doonaan bohommo jooga daarta boqorka Baabuloon.
II K SomKQA 20:19  Markaasaa Xisqiyaah wuxuu Ishacyaah ku yidhi, Erayga Rabbiga oo aad ku hadashay waa wanaagsan yahay. Oo weliba wuxuu kaloo yidhi, Mar haddii nabad iyo rumu ay jirayaan intaan noolahay, sow ma wanaagsana?
II K SomKQA 20:20  Haddaba Xisqiyaah falimihiisii kale, iyo xooggiisii oo dhan, iyo siduu u sameeyey balliga iyo biyomareenka, iyo siduu magaalada biyo ugu keenay, sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Yahuudah?
II K SomKQA 20:21  Markaasaa Xisqiyaah dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo waxaa meeshiisii boqor ka noqday wiilkiisii Manaseh.