Site uses cookies to provide basic functionality.

OK
II KINGS
Prev Up Next
Chapter 14
II K SomKQA 14:1  Yoo'aash ina Yoo'aaxaas ee ahaa boqorkii dalka Israa'iil sannaddiisii labaad ayaa Amasyaah ina Yoo'aash dalka Yahuudah boqor ka noqday.
II K SomKQA 14:2  Oo markuu boqor noqday wuxuu jiray shan iyo labaatan sannadood, oo Yeruusaalem ayuu boqor ku ahaa sagaal iyo labaatan sannadood, oo hooyadiisna magaceeda waxaa la odhan jiray Yehoocaddiin tii reer Yeruusaalem.
II K SomKQA 14:3  Oo wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa ku qumman, laakiinse ma uu samayn sidii awowgiis Daa'uud sameeyey oo kale; wuxuuse sameeyey kulli wixii aabbihiis Yoo'aash sameeyey oo kale.
II K SomKQA 14:4  Habase yeeshee meelihii sarsare lama baabbi'in; oo dadku weli way ku allabaryi jireen, fooxna way ku shidi jireen meelihii sarsare.
II K SomKQA 14:5  Oo haddiiba markii boqortooyadiisii xoogaysatay ayuu laayay addoommadiisii dilay boqorkii aabbihiis ahaa.
II K SomKQA 14:6  Laakiinse gacankudhiiglayaasha carruurtoodii ma uu dilin; oo wuxuu yeelay sida ku qoran kitaabkii sharcigii Muuse sidii Rabbigu amray, isagoo leh, Aabbayaasha yaan loo dilin carruurtooda, carruurtana yaan loo dilin aabbayaashood; laakiinse nin waluba dembigiisa ha u dhinto.
II K SomKQA 14:7  Oo Dooxadii Cusbada wuxuu reer Edom kaga laayay toban kun oo nin, oo Selacna dagaal buu ku qabsaday, oo wuxuu magaceedii u bixiyey Yoqte'eel, ilaa maantadanna waa loo yaqaan.
II K SomKQA 14:8  Markaasaa Amasyaah wargeeyayaal u diray Yehoo'aash oo ahaa ina Yehoo'aaxaas ina Yeehuu oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil, oo wuxuu ku yidhi, Car kaalay aynu iska hor nimaadnee.
II K SomKQA 14:9  Kolkaasaa Yehoo'aash oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil u cid diray Amasyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah, oo wuxuu ku yidhi, Yamaaruggii Lubnaan ku yiil wuxuu u cid diray geedkii kedarka ah oo Lubnaan ku yiil, oo wuxuu ku yidhi, Gabadhaada sii wiilkaygu ha guursadee; oo waxaa halkaas soo maray bahal Lubnaan joogay, markaasuu yamaaruggii ku joogsaday.
II K SomKQA 14:10  Hubaal reer Edom baad laysay, waanad isla weynaatay, haddaba faan oo dalkaaga iska joog, waayo, bal maxaad belaayo isugu soo jiidaysaa oo aad adiga iyo dadka Yahuudahba u wada dhacaysaan?
II K SomKQA 14:11  Laakiinse Amasyaah taas wuu maqli waayay. Markaasuu Yehoo'aash oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil soo kacay, oo isagii iyo Amasyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah waxay iskaga hor yimaadeen Beytshemesh oo uu dadka Yahuudah leeyahay.
II K SomKQA 14:12  Oo dadka Israa'iil way ka adkaadeen dadka Yahuudah, oo nin waluba wuxuu u cararay teendhadiisii.
II K SomKQA 14:13  Oo Yehoo'aash oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil ayaa Amasyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah kaasoo ahaa ina Yehoo'aash oo ahaa ina Axasyaah, ku qabtay Beytshemesh, oo intuu Yeruusaalem yimid ayuu dumiyey derbigii Yeruusaalem tan iyo iriddii Efrayim iyo ilaa iriddii geeska ahayd, intaasoo ahayd afar boqol oo dhudhun.
II K SomKQA 14:14  Oo wuxuu qaatay dahabkii iyo lacagtii oo dhan iyo weelashii laga helay guriga Rabbiga iyo khasnadihii guriga boqorka oo dhan, oo dadna cudhaadh ahaan buu u kaxaystay, markaasuu Samaariya ku noqday.
II K SomKQA 14:15  Haddaba Yehoo'aash falimihiisii kale ee uu sameeyey, iyo xooggiisii, iyo siduu ula diriray Amasyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudahba sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil?
II K SomKQA 14:16  Markaasaa Yehoo'aash dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo Samaariya ayaa lagula aasay boqorradii dalka Israa'iil, oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Yaaraabcaam.
II K SomKQA 14:17  Oo Amasyaah ina Yoo'aash oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah shan iyo toban sannadood buu sii noolaa markii Yehoo'aash ina Yehoo'aaxaas oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil uu dhintay dabadeed.
II K SomKQA 14:18  Haddaba Amasyaah falimihiisii kale sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Yahuudah?
II K SomKQA 14:19  Oo isagii shirqool bay Yeruusaalem ugu sameeyeen, markaasuu Laakiish u cararay, laakiinse Laakiish bay cid uga daba direen, oo halkaasay ku dileen.
II K SomKQA 14:20  Markaasay isagii fardo ku keeneen, oo awowayaashiis ayaa lagula aasay Yeruusaalem oo ah magaaladii Daa'uud.
II K SomKQA 14:21  Oo dadkii Yahuudah oo dhammu waxay soo kaxaysteen Casaryaah oo lix iyo toban sannadood jiray, oo isagay boqor uga dhigeen meeshii aabbihiis Amasyaah.
II K SomKQA 14:22  Oo isna Eelad wuu dhisay oo dalka Yahuudah u soo celiyey markii boqorkii dhintay oo la seexday awowayaashiis dabadeed.
II K SomKQA 14:23  Amasyaah ina Yoo'aash oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah sannaddiisii shan iyo tobnaad ayaa Yaaraabcaam ina Yoo'aash dalka Israa'iil Samaariya boqor ugu noqday, wuxuuna boqor ahaa kow iyo afartan sannadood.
II K SomKQA 14:24  Oo isna wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ah, kamana uu tegin dembiyadii uu Yaaraabcaam ina Nebaad dadkii Israa'iil dembaajiyey oo dhan.
II K SomKQA 14:25  Oo wuxuu soo celiyey soohdintii dalka Israa'iil tan iyo meesha laga galo Xamaad iyo tan iyo badda Caraabaah, taasuna waa siduu ahaa Eraygii Rabbiga ah Ilaaha dadka Israa'iil ee uu kaga hadlay addoonkiisii ahaa Nebi Yoonis ina Amitay oo ahaa reer Gad Heefer.
II K SomKQA 14:26  Waayo, Rabbigu wuxuu arkay dhibaatadii ay dadkii Israa'iil ku jireen inay aad u qadhaadhayd, waayo, ma jirin mid xidhan iyo mid furan toona, mana jirin mid dadkii Israa'iil u kaalmeeya.
II K SomKQA 14:27  Rabbigu ma uu odhan, Magaca dadka Israa'iil waan ka baabbi'inayaa samada hoosteeda. Laakiinse iyagii wuxuu ku badbaadiyey Yaaraabcaam ina Yoo'aash.
II K SomKQA 14:28  Haddaba Yaaraabcaam falimihiisii kale, iyo wixii uu sameeyey oo dhan, iyo xooggiisii, iyo siduu u dagaallamay, iyo siduu dalka Israa'iil ugu soo celiyey Dimishaq iyo Xamaad oo ay dadkii Yahuudah lahaayeen sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil?
II K SomKQA 14:29  Markaasaa Yaaraabcaam dhintay oo la seexday awowayaashiis kuwaasoo ahaa boqorradii dalka Israa'iil, oo waxaa meeshiisii boqor ka noqday wiilkiisii Sekaryaah.