EXODUS
1
2
3
4
5
6
7
8
9
10
11
12
13
14
15
16
17
18
19
20
21
22
23
24
25
26
27
28
29
30
31
32
33
34
35
36
37
38
39
40
Chapter 33
| Exod | SomKQA | 33:1 | Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Tag, oo halkan ka socda, adiga iyo dadkii aad dalkii Masar ka soo bixisayba, oo waxaad u kacdaan dalkii aan ugu dhaartay Ibraahim, iyo Isxaaq, iyo Yacquub, oo aan mid walba ku idhi, Farcankaagaan siin doonaa. | |
| Exod | SomKQA | 33:2 | Oo waxaan hortiinna ku soo diri doonaa malaa'ig, oo waan eryi doonaa reer Kancaan, iyo reer Amor, iyo reer Xeed, iyo reer Feris, iyo reer Xiwi, iyo reer Yebuus. | |
| Exod | SomKQA | 33:3 | U kaca dalkaas caanaha iyo malabka la barwaaqaysan. Anigu idin dhex socon maayo, waayo, waaba intaasoo aan jidka idinku baabbi'iyaa, maxaa yeelay, idinku waxaad tihiin dad madax adag. | |
| Exod | SomKQA | 33:4 | Oo markii dadkii warkaas xun maqlay, ayay wada calool xumaadeen, oo midkoodna ma xidhan wixii uu isku sharrixi jiray. | |
| Exod | SomKQA | 33:5 | Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Waxaad reer binu Israa'iil ku tidhaahdaa, Idinku waxaad tihiin dad madax adag, oo haddii aan daqiiqad qudh ah dhexdiinna imaado, waan idin baabbi'in; haddaba wixii aad isku sharrixi jirteen, iska fura, bal inaan ogaado waxaan idinku sameeyo. | |
| Exod | SomKQA | 33:6 | Markaasaa reer binu Israa'iil waxay Buur Xoreeb ka bilaabeen inay iska furaan wixii ay isku sharrixi jireen. | |
| Exod | SomKQA | 33:7 | Haddaba Muuse wuxuu qaadi jiray taambuugga oo uu ka dhisi jiray xerada dibaddeeda, meel xerada ka durugsan; oo wuxuu u bixiyey Taambuuggii shirka. Oo mid kasta oo Rabbiga doonay, wuxuu u baxay taambuuggii shirka oo xerada dibaddeeda ahaa. | |
| Exod | SomKQA | 33:8 | Oo markii Muuse Taambuuggii u baxay, dadkii oo dhammu way wada keceen, oo nin waluba teendhadiisa iriddeeda ayuu istaagay, oo waxay eegayeen Muuse ilaa uu Taambuuggii galay. | |
| Exod | SomKQA | 33:9 | Oo markii Muuse Taambuuggii galay ayaa tiirkii daruurta ahaa soo degay oo Taambuugga iriddiisii qotonsaday, markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay. | |
| Exod | SomKQA | 33:10 | Oo dadkii oo dhammuna way wada arkeen tiirkii daruurta ahaa oo Taambuugga iriddiisii hor qotoma; kolkaasay dadkii oo dhammu wada kaceen oo Ilaah caabudeen, nin walba oo teendhadiisa iriddeeda ag jooga. | |
| Exod | SomKQA | 33:11 | Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ula hadlay sida nin saaxiibkiis ula hadlo, iyagoo iska soo hor jeeda. Kolkaasuu haddana xeradii ku soo noqday; laakiinse midiidinkiisii ahaa Yashuuca ina Nuun oo nin dhallinyar ahaa ayaan Taambuuggii ka bixin. | |
| Exod | SomKQA | 33:12 | Muusena wuxuu Rabbiga ku yidhi, Bal eeg, waxaad i leedahay, Dadkan kaxee, oo imana aad ogeysiin kan aad ila diraysid. Laakiin waxaad igu tidhi, Magacaaga waan kugu aqaan, oo raalli baan kaa ahay. | |
| Exod | SomKQA | 33:13 | Haddaba waan ku baryayaaye, haddaad raalli iga tahay, jidadkaaga i tus, inaan ku ogaado aawadeed, oo aad raalli iga ahaato, oo bal fiiri in quruuntanu tahay dadkaaga. | |
| Exod | SomKQA | 33:16 | Waayo, sidee baa lagu garanayaa inaad raalli naga tahay, aniga iyo dadkaagaba? Miyaanay ahayn inaad nala socoto si aannu aniga iyo dadkaaguba uga duwanaanno dadka dhulka jooga oo dhan? | |
| Exod | SomKQA | 33:17 | Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Weliba waxan aad ku hadashay waan kuu samayn doonaa; waayo, raalli baan kaa ahay, oo magacaagana waan kugu aqaan. | |
| Exod | SomKQA | 33:19 | Isna wuxuu ku yidhi, Wanaaggayga oo dhan ayaan hortaada soo marin, oo magaca Rabbiga ayaan hortaada ku naadin, oo waan u roonaan kii aan doonayo inaan u roonaado, waanan u naxariisan kii aan doonayo inaan u naxariisto. | |
| Exod | SomKQA | 33:20 | Oo wuxuu yidhi, Adigu wejigayga arki kari maysid, waayo, dad i arkaa noolaan maayo. | |
| Exod | SomKQA | 33:21 | Markaasaa Rabbigu wuxuu yidhi, Bal eeg, meel baa agtayda ah, oo waxaad isku taagi doontaa dhagaxa weyn, | |
| Exod | SomKQA | 33:22 | oo markii ay ammaantaydu ku ag marayso, waxaan ku gelin doonaa meel dhagaxa ka dillaacsan, oo gacantaydaan kugu dabooli doonaa ilaa aan ku dhaafo; | |