Site uses cookies to provide basic functionality.

OK
EXODUS
Prev Up Next Toggle notes
Chapter 7
Exod SomKQA 7:1  Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Bal fiiri, waxaan Fircoon kaaga dhigay sidii ilaah oo kale, walaalkaa Haaruunna wuxuu ahaan doonaa nebigaaga.
Exod SomKQA 7:2  Adigu waa inaad ku hadasho waxa aan kugu amrayo oo dhan; walaalkaa Haaruunna waa inuu Fircoon la hadlo si uu reer binu Israa'iil u sii daayo si ay dalkiisa uga baxaan.
Exod SomKQA 7:3  Oo Fircoon qalbigiisana waan qallafin doonaa, calaamooyinkayga iyo cajaa'ibyadaydana waan ku badin doonaa dalka Masar.
Exod SomKQA 7:4  Laakiin Fircoon kuma maqli doono, markaasaan gacantayda saari doonaa Masar, oo aan soo bixin doonaa ciidankayga oo ah dadkayga reer binu Israa'iil, waanan kaga soo saari doonaa xukummo waaweyn dalka Masar.
Exod SomKQA 7:5  Markaasaa Masriyiintu ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay, markii aan gacantayda Masar ku kor fidiyo, oo aan reer binu Israa'iil ka dhex bixiyo iyaga.
Exod SomKQA 7:6  Markaasaa Muuse iyo Haaruun sidaas yeeleen. Sidii Rabbigu ku amray, ayay yeeleen.
Exod SomKQA 7:7  Muusena markaas wuxuu jiray siddeetan sannadood, Haaruunna wuxuu jiray saddex iyo siddeetan sannadood markay Fircoon la hadleen.
Exod SomKQA 7:8  Markaasaa Rabbigu la hadlay Muuse iyo Haaruun, oo wuxuu ku yidhi,
Exod SomKQA 7:9  Markii Fircoon idinla hadlo, oo idinku yidhaahdo, Cajaa'ib i tusa; markaas waxaad Haaruun ku tidhaahdaa, Ushaada qaado, oo Fircoon hortiisa ku tuur, si ay abeeso u noqoto.
Exod SomKQA 7:10  Markaasaa Muuse iyo Haaruun waxay u tageen Fircoon, oo waxay yeeleen sidii Rabbigu ku amray, markaasaa Haaruun ushiisii ku hor tuuray Fircoon iyo addoommadiisii, oo waxay noqotay abeeso.
Exod SomKQA 7:11  Fircoonna markaasuu wuxuu u yeedhay raggiisii xigmadda lahaa iyo saaxiriintiisii, markaasaa falalowyadii Masarna iyana yeeleen sidii si le'eg oo falfalkoodii ku sameeyeen.
Exod SomKQA 7:12  Waayo, nin waluba wuxuu tuuray ushiisii, markaasay waxay noqdeen abeesooyin, laakiinse ushii Haaruun baa wada liqday ulahoodii oo dhan.
Exod SomKQA 7:13  Qalbigii Fircoonna wuu sii qallafsanaaday, mana uu dhegaysan iyagii, sidii Rabbigu yidhi.
Exod SomKQA 7:14  Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Fircoon waa macangag, oo wuu diidayaa inuu dadka sii daayo.
Exod SomKQA 7:15  Bal subaxda Fircoon u tag, waayo, aroorta wuxuu tagaa biyaha. Haddaba waxaad istaagtaa webiga qarkiisa inaad la kulantid isaga; oo gacanta waxaad ku qaadataa ushii abeesada noqotay.
Exod SomKQA 7:16  Oo waxaad isaga ku tidhaahdaa, Rabbiga ah Ilaaha Cibraaniyada ayaa ii soo kaa diray, oo wuxuu kugu yidhi, Sii daa dadkaygu ha tageene, inay cidlada iigu adeegaan; oo bal eeg, hadda ka hor ima aad maqlin.
Exod SomKQA 7:17  Oo waxaa Rabbigu ku leeyahay, Tan ayaad ku ogaan doontaa inaan Rabbiga ahay, bal ogow, ushan aan gacanta ku hayo ayaan ku dhufan doonaa biyaha webiga ku jira, markaasay waxay u rogman doonaan dhiig.
Exod SomKQA 7:18  Oo kalluunka biyaha ku jiraana way wada bakhtiyi doonaan, markaasaa webigu soo uri doonaa; kolkaasaa Masriyiintu aad u nebcaan doonaan inay webiga biyo ka cabbaan.
Exod SomKQA 7:19  Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Waxaad Haaruun ku tidhaahdaa, Ushaada qaado, oo gacanta ku kor fidi biyaha Masar, iyo webiyaashooda, iyo durdurradooda, iyo galalkooda, iyo balliyadooda biyaha ah oo dhan, si ay u noqdaan dhiig; oo dhulka Masar oo dhammu wuxuu noqon doonaa dhiig miidhan, oo ku jiri doona weelasha qoriga ah iyo weelasha dhagaxa ahba.
Exod SomKQA 7:20  Markaasaa Muuse iyo Haaruun yeeleen sidii Rabbigu ku amray; kolkaasuu ushii kor u qaaday, oo biyihii webiga ku jiray ku dhuftay Fircoon iyo addoommadiisii hortooda, markaasaa biyihii webiga ku jiray oo dhammu waxay u rogmadeen dhiig.
Exod SomKQA 7:21  Kalluunkii webiga ku jirayna way wada bakhtiyeen; webigiina waa uray, Masriyiintiina biyo way ka cabbi kari waayeen webigii; dhulkii Masar oo dhammuna wuxuu noqday dhiig miidhan.
Exod SomKQA 7:22  Markaasaa saaxiriintii Masarna waxay yeeleen sidii si le'eg oo falfalkoodii ku sameeyeen. Qalbigii Fircoonna wuu sii qallafsanaaday, mana uu dhegaysan iyagii, sidii Rabbigu yidhi.
Exod SomKQA 7:23  Kolkaasaa Fircoon noqday oo gurigiisii tegey, waxanna qalbigiisii maba uu gelin.
Exod SomKQA 7:24  Markaasaa Masriyiintii oo dhammu waxay qoteen webiga dhinacyadiisa inay helaan biyo ay cabbaan, waayo, biyihii webiga way cabbi kari waayeen.
Exod SomKQA 7:25  Oo intii Rabbigu webiga kharribay toddoba maalmood baa ka dambaysay.