Site uses cookies to provide basic functionality.

OK
EXODUS
Prev Up Next
Chapter 18
Exod SomKQA 18:1  Haddaba wadaadkii Midyaan oo Yetroo ahaa, Muusena soddog u ahaa, ayaa wuxuu maqlay kulli wixii Rabbigu u sameeyey Muuse iyo dadkiisa reer binu Israa'iil, iyo sidii Rabbigu reer binu Israa'iil uga soo bixiyey dalkii Masar.
Exod SomKQA 18:2  Markaasaa Yetroo oo Muuse soddog u ahaa ayaa wuxuu soo kexeeyey naagtii Muuse oo ahayd Siforaah, markuu iska diray dabadeed,
Exod SomKQA 18:3  iyadii iyo labadeedii wiilba, oo midkood magiciisu wuxuu ahaa Gershoom, waayo, wuxuu yidhi, Qariib baan ku ahaa dal qalaad,
Exod SomKQA 18:4  midka kalena magiciisuna wuxuu ahaa Eliiceser; waayo, wuxuu yidhi, Ilaahii aabbahay baa i caawiyey, oo wuxuu iga samatabbixiyey seeftii Fircoon.
Exod SomKQA 18:5  Markaasaa Yetroo oo Muuse soddog u ahaa ayaa Muuse ugu yimid cidladii ay degeen oo buurtii Ilaah agteeda ahayd isagoo wada wiilashiisii iyo naagtiisii.
Exod SomKQA 18:6  Markaasuu wuxuu Muuse ku yidhi, Anigoo ah Yetroo soddoggaa waan kuu imid aniga iyo naagtaada iyadoo wadata labadeedii wiilba.
Exod SomKQA 18:7  Markaasaa Muuse dibadda u baxay inuu ka hor tago soddoggiis, kolkaasuu u sujuuday oo dhunkaday, markaasaa intay iswaraysteen ayay teendhadii soo galeen.
Exod SomKQA 18:8  Markaasaa Muuse wuxuu soddoggiis u sheegay kulli wixii Rabbigu ku sameeyey Fircoon iyo Masriyiintii oo uu ugu sameeyey reer binu Israa'iil aawadood, iyo wixii dhib iyaga ku dhacay oo dhan intay soo socdeen, iyo sidii Rabbigu uga samatabbixiyey.
Exod SomKQA 18:9  Markaasaa Yetroo ku farxay kulli wanaaggii Rabbigu reer binu Israa'iil u sameeyey oo dhan, iyo bixinta uu ka soo samatabbixiyey gacantii Masriyiinta.
Exod SomKQA 18:10  Markaasaa Yetroo wuxuu yidhi, Ammaan waxaa leh Rabbigii idinka soo samatabbixiyey gacantii Masriyiinta, iyo gacantii Fircoon; oo kaasu waa kii dadka ka soo samatabbixiyey gacantii Masriyiinta hoosteeda.
Exod SomKQA 18:11  Oo haatan anigu waan ogahay in Rabbigu ka wada weyn yahay ilaahyada oo dhan; waayo, waxyaalihii ay kula macaamiloodeen iyagoo kibirsan aawadeed, isagaa ka sarreeyey.
Exod SomKQA 18:12  Markaasaa Yetroo oo Muuse soddog u ahaa ayaa wuxuu qaaday qurbaan la gubo iyo allabaryo. Markaasaa waxaa yimid Haaruun iyo waayeelladii reer binu Israa'iil oo dhan inay Ilaah hortiisa kibis kula cunaan Muuse soddoggiis.
Exod SomKQA 18:13  Markaasaa waxaa maalintii dambe dhacday in Muuse u fadhiistay inuu dadkii u kala gar naqo; dadkiina waxay Muuse ag taagnaayeen subaxdii ilaa makhribkii.
Exod SomKQA 18:14  Oo Muuse soddoggiis markuu arkay wixii uu dadkii ku sameeyey oo dhan ayuu yidhi, Waa maxay waxan aad dadka ku samaynaysaa? Oo maxaad keligaa u fadhidaa, dadka oo dhammuna kuu ag taagan yahay subaxda ilaa makhribka?
Exod SomKQA 18:15  Markaasaa Muuse soddoggiis ku yidhi, Maxaa yeelay, dadku waxay iigu yimaadaan inay Ilaah wax iga weyddiiyaan.
Exod SomKQA 18:16  Oo markay wax isu haystaanna anigay ii yimaadaan, oo markaasaan u kala gar naqaa nin iyo deriskiisa, oo waxaan iyaga ogeysiiyaa amarrada Ilaah iyo qaynuunnadiisa.
Exod SomKQA 18:17  Markaasaa Muuse soddoggiis wuxuu isaga ku yidhi, War waxaad samaysaa ma wanaagsana.
Exod SomKQA 18:18  Waayo, hubaal waad ku daali doontaan, adiga iyo dadka kula joogaaba, maxaa yeelay, waxanu waa kugu culus yihiin adiga; oo ma aad awooddid inaad keli ahaantaa samayso.
Exod SomKQA 18:19  Haddaba bal i dhegayso oo waan kula talinayaaye, oo Ilaahna ha kula jiro. Adigu dadka daraaddiis Ilaah u dhowow, oo arrimahoodana Ilaah u keen.
Exod SomKQA 18:20  Oo waa inaad iyaga bartaa amarrada iyo qaynuunnada, oo waa inaad iyaga tustaa jidkii ay mari lahaayeen, iyo shuqulkii ay qaban lahaayeen.
Exod SomKQA 18:21  Oo weliba waa inaad dadka oo dhan kala soo baxdaa rag karti leh, oo Ilaah ka cabsada, oo daacad ah, oo neceb faa'iidada xaqdarrada ah, oo kuwo caynkaas ah madax uga dhig, inay ahaadaan kuwo kun kun u taliya, iyo kuwo boqol boqol u taliya, iyo kuwo konton konton u taliya, iyo kuwo toban toban u taliya,
Exod SomKQA 18:22  oo kuwaasu dadka ha u gar naqeen had iyo goor, oo waxay noqon doontaa in wixii weyn oo dhan ay adiga kuu keenaan, laakiinse wixii yar oo dhan ay iyagu ka gar naqi doonaan; oo sidaasaa hawshu kaaga yaraan doontaa, oo iyana hawshay kula qaybsan doonaan.
Exod SomKQA 18:23  Oo haddaad waxan samaysid, oo haddii Ilaah sidan kugu amro, de markaas waad adkaysan kari doontaa, oo dadkan oo dhammuna meeshooda ayay nabad ku tegi doonaan.
Exod SomKQA 18:24  Sidaas daraaddeed Muuse wuu dhegaystay hadalkii soddoggiis, wuuna wada sameeyey wixii uu ku yidhi oo dhan.
Exod SomKQA 18:25  Markaasaa Muuse wuxuu reer binu Israa'iil oo dhan ka doortay rag karti leh, oo wuxuu ka dhigay madaxdii dadka, oo ah kuwo kun kun u taliya, iyo kuwo boqol boqol u taliya, iyo kuwo konton konton u taliya, iyo kuwo toban toban u taliya.
Exod SomKQA 18:26  Oo dadkay u gar naqi jireen had iyo goorba, oo arrimaha adadagna waxay u keeni jireen Muuse, laakiinse wixii yaryar oo dhan iyagaa ka gar naqi jiray.
Exod SomKQA 18:27  Markaasaa Muuse u oggolaaday soddoggiis inuu tago, isna dalkiisii ayuu tegey.