Site uses cookies to provide basic functionality.

OK
I CORINTHIANS
1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16
Prev Up Next
Chapter 2
I Co SomKQA 2:1  Walaalayaalow, anna markaan idiin imid, lama iman hadal wanaaggiis ama xigmad, anoo idinku wacdiyaya maraggii laga furay Ilaah,
I Co SomKQA 2:2  waayo, waxaan goostay inaanan waxba dhexdiinna ka ogaan Ciise Masiix oo ah kan iskutallaabta lagu qodbay maahee.
I Co SomKQA 2:3  Oo waxaan idinkula joogay itaaldarro, iyo cabsi, iyo gariir badan.
I Co SomKQA 2:4  Laakiin hadalkayga iyo wacdigayga kuma aan hadlin hadallo sasabasho iyo xigmad ah, laakiin waxaan ku hadlay tusidda Ruuxa iyo xoogga,
I Co SomKQA 2:5  inaan rumaysadkiinnu ku tiirsanaan xigmadda dadka, laakiin inuu xoogga Ilaah ku tiirsanaado.
I Co SomKQA 2:6  Waxaannu xigmadda kula hadallaa kuwa garashadu ku dhan tahay, taasoo aan ahayn xigmadda wakhtigan, oo aan ahayn xigmadda madaxda wakhtigan oo ah kuwa la baabbi'in doono;
I Co SomKQA 2:7  laakiin qarsoonaan ayaannu ugu hadallaa xigmadda Ilaah oo la qariyey, oo Ilaah dunida horteed ka dhigay ammaanteenna aawadeed,
I Co SomKQA 2:8  tan madaxda wakhtigan midkoodna aanu garanaynin, waayo, hadday garan lahaayeen, iskutallaabta kuma ay qodbeen Rabbiga ammaanta,
I Co SomKQA 2:9  laakiin sida qoran, Waxyaalo aanay ishu arkin, oo aanay dhegtu maqlin, Oo aan qalbiga dadka gelin, Wax kastoo ay yihiinba, Ilaah baa u diyaariyey kuwa isaga jecel.
I Co SomKQA 2:10  Innagase Ilaah baa inoogu muujiyey Ruuxa, waayo, Ruuxu wuxuu baadhaa wax kasta, xataa waxyaalaha hoos u dhaadheer oo Ilaah.
I Co SomKQA 2:11  Waayo, dadka dhexdood yaa garanaya nin waxyaalihiisa, ruuxa ninka ku jira mooyaane? Sidaas oo kalena ninna garan maayo waxyaalaha Ilaah, Ruuxa Ilaah mooyaane.
I Co SomKQA 2:12  Laakiin innagu ma aynu helin ruuxa dunida laakiinse Ruuxa Ilaah ka yimid, inaynu garanno waxyaalaha uu Ilaah nimco ahaan inoo siiyey.
I Co SomKQA 2:13  Waxyaalahaasna ayaannu ku hadalnaa, kumase hadalno hadallo la baro ee ah xigmadda dadka, laakiin waxa Ruuxu baro, annaga oo waxyaalaha ruuxa ah ku simayna waxyaalaha ruuxa ah.
I Co SomKQA 2:14  Ninka nafta raacaa ma aqbalo waxyaalaha Ruuxa Ilaah, waayo, nacasnimo bay u yihiin, mana garan karo, maxaa yeelay, ruuxa ayaa lagu imtixaamaa.
I Co SomKQA 2:15  Kii ruuxa raacaa wax walbuu imtixaamaa, laakiinse isaga qudhiisa ninna ma imtixaamo.
I Co SomKQA 2:16  Waayo, yaa gartay maanka Rabbiga inuu wax baro isaga? Laakiin annagu waxaannu leennahay maanka Ciise.