I CORINTHIANS
Chapter 16
| I Co | SomKQA | 16:1 | Haddaba sidaan u amray kiniisadihii Galatiya, inay wax u ururshaan quduusiinta, idinkuna sidaas oo kale yeela. | |
| I Co | SomKQA | 16:2 | Maalinta ugu horraysa ee toddobaadka midkiin kastaa meel wax ha dhigo oo ha hayo wixii lagu barwaaqeeyey, si markaan imaado aan waxba loo ururin. | |
| I Co | SomKQA | 16:3 | Oo markaan imaado, kuwaad u bogteen ayaan warqado u dhiibi doonaa, oo waxaan u diri doonaa inay hadiyaddiinna Yeruusaalem geeyaan. | |
| I Co | SomKQA | 16:5 | Markaan Makedoniya soo maro dabadeed ayaan idiin iman doonaa, waayo, Makedoniya waan soo marayaa. | |
| I Co | SomKQA | 16:6 | Mindhaa cabbaar baan idinla joogi doonaa, xataa xilliga qabowga oo dhan, si aad iigu ambabbixisaan meel alla meeshaan tegi doono. | |
| I Co | SomKQA | 16:7 | Waayo, dooni maayo inaan hadda idin arko markaan sii socdo, maxaa yeelay, waxaan rajaynayaa inaan cabbaar idinla joogo, haddii Rabbigu idmo. | |
| I Co | SomKQA | 16:9 | Waayo, waxaa la ii furay albaab weyn oo shuqul ah, cadaawayaal badanina way jiraan. | |
| I Co | SomKQA | 16:10 | Timoteyos hadduu yimaado, dhawra, oo cabsila'aan ha idinkula joogo, waayo, wuxuu ka shaqeeyaa shuqulka Rabbiga sidayda oo kale. | |
| I Co | SomKQA | 16:11 | Haddaba ninna yuusan fududaysan isaga. Laakiin nabad ku soo ambabbixiya, ha ii yimaadee, waayo, waxaan filanayaa inuu walaalaha soo raaco. | |
| I Co | SomKQA | 16:12 | Xagga walaalka Abolloos aad baan u baryay isaga inuu walaalaha sii raaco oo idiin yimaado, laakiin raalli kama uu ahayn inuu haatan yimaado, laakiin wuu iman doonaa markuu nefis helo. | |
| I Co | SomKQA | 16:15 | Walaalayaalow, waad garanaysaan kuwa guriga Istefanas jooga inay yihiin midhaha ugu horreeyey ee Akhaya iyo inay isu bixiyeen inay quduusiinta u adeegaan. Waxaan idinka baryayaa | |
| I Co | SomKQA | 16:17 | Waxaan ku faraxsanahay imaatinka Istefanas iyo Fortunatos iyo Akhaykos, maxaa yeelay, wixii xaggiinna ka dhinnaa iyagaa dhammaystiray. | |
| I Co | SomKQA | 16:18 | Waayo, ruuxayga iyo kiinnaba iyagaa nasiyey. Taa aawadeed aqoonsada kuwaas oo kale. | |
| I Co | SomKQA | 16:19 | Kiniisadaha Aasiya way idin soo salaamayaan. Akula iyo Bariskillana aad bay idiin soo salaamayaan xagga Rabbiga, iyaga iyo kiniisadda gurigooda ku taalba. | |