Site uses cookies to provide basic functionality.

OK
II CHRONICLES
Prev Up Next Toggle notes
Chapter 11
II C SomKQA 11:1  Oo Rexabcaam markuu Yeruusaalem tegey wuxuu reer Yahuudah iyo reer Benyaamiin ka soo shiriyey boqol iyo siddeetan kun oo rag la doortay oo dagaalyahan ahaa si ay dadkii Israa'iil ula diriraan oo ay boqortooyadii mar kale ugu soo celiyaan Rexabcaam.
II C SomKQA 11:2  Laakiinse Shemacyaah oo nin Ilaah ahaa waxaa u yimid eraygii Ilaah oo leh,
II C SomKQA 11:3  La hadal Rexabcaam ina Sulaymaan oo reer Yahuudah boqor u ah, iyo reer binu Israa'iilka dalka reer Yahuudah iyo kan reer Benyaamiin deggan oo dhan, oo waxaad ku tidhaahdaa,
II C SomKQA 11:4  Rabbigu wuxuu leeyahay, Waa inaydnaan kor u bixin oo aydnaan walaalihiin la diririn. Nin waluba gurigiisii ha ku noqdo, waayo, waxanu aniguu iga yimid. Sidaas aawadeed way maqleen Eraygii Rabbiga, wayna ka noqdeen Yaaraabcaam kii ay ku kaceen.
II C SomKQA 11:5  Oo Rexabcaamna wuxuu iska degganaa Yeruusaalem oo dalka Yahuudah ayuu magaalooyin qalcado leh ka dhisay.
II C SomKQA 11:6  Oo kuwuu dhisay waxay ahaayeen Beytlaxam, iyo Ceetaam, iyo Teqooca,
II C SomKQA 11:10  iyo Sorcaah, iyo Ayaaloon, iyo Xebroon, oo dhammaantood ku yaal dalka reer Yahuudah iyo kan reer Benyaamiin, waxayna wada ahaayeen magaalooyin deyr leh.
II C SomKQA 11:11  Oo isagu qalcadihii ayuu xoogeeyey oo wuxuu halkaas fadhiisiyey saraakiil, wuxuuna ku kaydiyey cunto iyo saliid iyo khamri.
II C SomKQA 11:12  Oo magaalo kasta wuxuu dhigay gaashaammo iyo warmo, kulligoodna aad buu u xoogeeyey. Oo dalka Yahuudah iyo dalka Benyaamiinna isagaa iska lahaa.
II C SomKQA 11:13  Oo wadaaddadii iyo kuwii reer Laawi oo reer binu Israa'iil dhex joogay oo dhammuna isagay uga yimaadeen meelahoodii oo dhan.
II C SomKQA 11:14  Waayo, reer Laawi way ka soo kaceen degmooyinkoodii iyo hantidoodiiba oo waxay yimaadeen dalkii Yahuudah iyo Yeruusaalem, waayo, Yaaraabcaam iyo wiilashiisii ayaa iyaga eryay si ayan Rabbiga ugu samayn shuqulkii wadaadnimada.
II C SomKQA 11:15  Oo isagu wuxuu wadaaddo u doortay meelihii sarsare iyo orgiyadii iyo weylihii uu isagii sameeyey.
II C SomKQA 11:16  Oo dabadoodna qabiilooyinka reer binu Israa'iil oo dhan in alla intii qalbigooda ku qabata inay doondoonaan Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil waxay iman jireen Yeruusaalem inay allabari u bixiyaan Rabbiga ah Ilaaha awowayaashood.
II C SomKQA 11:17  Markaasay xoogeeyeen boqortooyadii dalka Yahuudah, oo intii saddex sannadood ah ayay xoogeeyeen Rexabcaam ina Sulaymaan, waayo, saddex sannadood ayay ku socdeen jidkii Daa'uud iyo kii Sulaymaanba.
II C SomKQA 11:18  Oo Rexabcaam wuxuu guursaday Maxalad oo ay dhaleen Yeriimood ina Daa'uud iyo Abiixayil oo ahayd ina Elii'aab ina Yesay,
II C SomKQA 11:19  oo iyana waxay isagii u dhashay wiilal, waana Yecuush, iyo Shemaryaah, iyo Saham.
II C SomKQA 11:20  Oo iyada dabadeedna wuxuu guursaday Macakaah oo ahayd ina Absaaloom, oo waxay isagii u dhashay Abiiyaah, iyo Catay, iyo Siisaa, iyo Shelomiid.
II C SomKQA 11:21  Oo Rexabcaamna wuxuu naagihiisii iyo addoommihiisaba ka sii jeclaaday Macakaah oo ahayd ina Absaaloom, (waayo, wuxuu guursaday siddeed iyo toban naagood iyo lixdan addoommo ah, oo wuxuuna dhalay siddeed iyo labaatan wiil iyo lixdan gabdhood.)
II C SomKQA 11:22  Oo Rexabcaamna wuxuu madax ka dhigay Abiiyaah oo ay dhashay Macakaah, kaasoo walaalihiis amiir ka dhex ahaa, waayo, wuxuu damacsanaa inuu isaga boqor ka dhigo.
II C SomKQA 11:23  Oo wuxuu u macaamilooday si caqli ah, oo wiilashiisii oo dhanna wuu ku kala firdhiyey magaalooyinkii deyrka lahaa ee dalkii reer Yahuudah iyo kii reer Benyaamiin oo dhan, oo iyagii wuxuu siiyey cunto badan. Wuxuuna u doondoonay naago badan.