Site uses cookies to provide basic functionality.

OK
II THESSALONIANS
1 2 3
Prev Up Next Toggle notes
Chapter 3
II T SomKQA 3:1  Ugu dambaysta, walaalayaalow, waxaan idinku leeyahay, Noo soo duceeya in ereyga Rabbigu dhaqso u faafo oo loo ammaano sida dhexdiinna loogu ammaano,
II T SomKQA 3:2  oo lanaga badbaadiyo dadka qalloocan oo sharka ah, waayo, rumaysad lama wada laha.
II T SomKQA 3:3  Laakiinse Rabbigu waa aamin; wuuna idin xoogayn doonaa, sharkana wuu idinka ilaalin doonaa.
II T SomKQA 3:4  Xaggiinnana Rabbiga waannu aaminsan nahay inaad samaysaan oo aad samayn doontaan wixii aannu idinku amarno.
II T SomKQA 3:5  Rabbigu qalbiyadiinna ha ku toosiyo jacaylka Ilaah iyo dulqaadashada Masiixa.
II T SomKQA 3:6  Hadda walaalayaalow, waxaannu magaca Rabbigeenna Ciise Masiix idinku amraynaa inaad ka fogaataan walaal kasta oo si aan hagaagsanayn u socda oo aan ku soconayn cilmigii ay naga heleen.
II T SomKQA 3:7  Waayo, idinka qudhiinnuba waad garanaysaan sida idinku waajibka ah inaad nagu dayataan; waayo, si aan hagaagsanayn uma aannu socon markaannu idin dhex joognay.
II T SomKQA 3:8  Ninnana kama aannu cunin kibis aannan wax ka bixin, laakiin dhib iyo daal ayaannu ku shaqaysannay habeen iyo maalinba inaannan midkiinna culaysin;
II T SomKQA 3:9  mana aha inaannan amar u lahayn, laakiinse waa inaannu masaal idiin noqonno oo aad nagu dayataan.
II T SomKQA 3:10  Waayo, xataa markaannu idinla joognay, waxaannu idinku amarnay, Mid hadduusan doonayn inuu shaqeeyo yuusan waxba cunin.
II T SomKQA 3:11  Laakiin waxaannu maqalnay inay idin dhex joogaan kuwo si aan hagaagsanayn u socda oo aan innaba shaqayn, laakiin axwaalka dadka kale faraggeliya.
II T SomKQA 3:12  Kuwa caynkaas ah waxaannu Rabbi Ciise Masiix ku amraynaa oo ku waaninaynaa inay xasilloonaan ku shaqaystaan oo kibistooda cunaan.
II T SomKQA 3:13  Idinkuse, walaalayaalow, wanaagfallidda ha ka qalbi jabina.
II T SomKQA 3:14  Haddii nin addeeci waayo waxaannu warqaddan ku qornay, ninkaas iska jira oo ha raacina si uu isugu yaxyaxo.
II T SomKQA 3:15  Weliba sida cadow ha ula macaamiloonina, laakiin sida walaalkiin u waaniya.
II T SomKQA 3:16  Haddaba Rabbiga nabadda qudhiisu mar walba si kasta nabad ha idiin siiyo. Rabbigu kulligiin ha idinla jiro.
II T SomKQA 3:17  Anigoo Bawlos ah ayaan salaantan gacantayda ku qorayaa; waana u calaamo warqad kasta oo tayda ah. Sidaasaan u qoraa.
II T SomKQA 3:18  Nimcada Rabbigeenna Ciise Masiix ha idinla jirto kulligiin.