Site uses cookies to provide basic functionality.

OK
PSALMS
Prev Up Next
Chapter 125
Psal SomKQA 125:1  Kuwa Rabbiga isku halleeyaa Waa sida Buur Siyoon oo aan la dhaqaajin karin, laakiinse weligeedba sii jirta.
Psal SomKQA 125:2  Sida buuruhu Yeruusaalem ugu wareegsan yihiin Ayuu Rabbigu dadkiisa ugu wareegsan yahay, Hadda intii ka bilaabata iyo tan iyo weligeedba.
Psal SomKQA 125:3  Waayo, usha xumaantu ku dhici mayso qaybta kuwa xaqa ah, Si aan kuwa xaqa ahu gacmahooda xumaan ugu soo fidin.
Psal SomKQA 125:4  Rabbiyow, kuwa wanaagsan wanaag u samee, Iyo weliba kuwa qalbigoodu qumman yahay.
Psal SomKQA 125:5  Laakiinse kuwa geesta ugu leexda jidadkooda qalloocan Rabbigu wuxuu iyaga la kaxayn doonaa xumaanfalayaasha. Reer binu Israa'iil korkooda nabadu ha ahaato.