Site uses cookies to provide basic functionality.

OK
PSALMS
Prev Up Next
Chapter 15
Psal SomKQA 15:1  Rabbiyow, bal yaa taambuuggaaga ku fadhiyaya? Oo bal yaa buurtaada quduuska ah degganaanaya?
Psal SomKQA 15:2  Waa kii si qumman u socda, oo xaqnimo sameeya, Oo qalbigiisa run kaga hadla.
Psal SomKQA 15:3  Waana kii aan carrabkiisa wax ku xaman, Ama aan saaxiibkiis xumaan ku samayn, Ama aan deriskiisa cay ku soo hadal qaadin,
Psal SomKQA 15:4  Kii indhihiisu ay nejiska quudhsadaan, Oo isagu murweeya kuwa Rabbiga ka cabsada, Kii hadduu dhaarto oo ay waxyeello ku tahay, aan isbeddelin,
Psal SomKQA 15:5  Kii aan lacagtiisa u soo bixin korsocod, Ama aan laaluush u qaadan inuu wax yeelo kuwa aan xaqa qabin. Kii waxyaalahaas sameeya weligiis lama dhaqaajin doono.