Site uses cookies to provide basic functionality.

OK
PSALMS
Prev Up Next
Chapter 115
Psal SomKQA 115:1  Rabbiyow, yaanay noo ahaan, yaanay noo ahaan, Laakiinse magacaaga ammaani ha u ahaato, Naxariistaada iyo runtaada daraaddood.
Psal SomKQA 115:2  Bal maxay quruumuhu u odhanayaan, Haddaba Ilaahoodu meeh?
Psal SomKQA 115:3  Laakiinse Ilaahayagu samooyinkuu ku jiraa, Oo wax alla wixii uu doonayayna wuu sameeyey.
Psal SomKQA 115:4  Sanamyadoodu waa lacag iyo dahab, Oo waa wax dad gacmaha ku sameeyey.
Psal SomKQA 115:5  Waxay leeyihiin af, laakiinse ma hadlaan, Indhona way leeyihiin, laakiinse waxba ma arkaan,
Psal SomKQA 115:6  Dhegona way leeyihiin, laakiinse waxba ma maqlaan, Sanna way leeyihiin, laakiinse waxba ma urshaan,
Psal SomKQA 115:7  Gacmo way leeyihiin, laakiinse waxba ma qabtaan, Cagona way leeyihiin, laakiinse ma socdaan, Oo hungurigoodana hadal kama soo saaraan.
Psal SomKQA 115:8  Kuwa iyaga sameeyaana sidooda oo kale ayay noqon doonaan, Iyo xataa mid kasta oo iyaga isku halleeyaba.
Psal SomKQA 115:9  Reer binu Israa'iilow, Rabbiga isku halleeya, Isagu waa caawimaaddooda iyo gaashaankooda.
Psal SomKQA 115:10  Reer Haaruunow, Rabbiga isku halleeya, Isagu waa caawimaaddooda iyo gaashaankooda.
Psal SomKQA 115:11  Kuwiinna Rabbiga ka cabsadow, Rabbiga isku halleeya, Isagu waa caawimaaddooda iyo gaashaankooda.
Psal SomKQA 115:12  Rabbigu aad buu inoo xusuusnaa, wuu ina barakayn doonaa, Reerka Israa'iilna wuu barakayn doonaa, Reerka Haaruunna wuu barakayn doonaa.
Psal SomKQA 115:13  Wuxuuna barakayn doonaa kuwa Rabbiga ka cabsada, Yar iyo weynba.
Psal SomKQA 115:14  Rabbigu aad iyo aad ha idiin kordhiyo, Idinka iyo carruurtiinnaba.
Psal SomKQA 115:15  Rabbiga sameeyey samada iyo dhulka Ayaa idin barakeeyey.
Psal SomKQA 115:16  Samooyinku waa samooyinkii Rabbiga, Laakiinse dhulka wuxuu siiyey binu-aadmiga.
Psal SomKQA 115:17  Kuwii dhintay Rabbiga ma ay ammaanaan, Kuwa hoos ugu dhaadhaca meesha aamusnaantana ma ay ammaanaan isaga,
Psal SomKQA 115:18  Laakiinse annagu Rabbiga waannu ammaani doonnaa Haatan intii ka bilaabata iyo tan iyo weligeedba. Rabbiga ammaana.