Site uses cookies to provide basic functionality.

OK
PSALMS
Prev Up Next Toggle notes
Chapter 66
Psal SomKQA 66:1  Dadka dhulka oo dhammow, Ilaah farxad ugu qayliya,
Psal SomKQA 66:2  Oo ammaanta magiciisa ku gabya, Ammaantiisana qurxiya.
Psal SomKQA 66:3  Ilaah waxaad ku tidhaahdaan, Shuqulladaadu cabsi badanaa! Weynaanta xooggaaga aawadiis ayaa cadaawayaashaadu isugu kaa dhiibi doonaan.
Psal SomKQA 66:4  Dadka dhulka oo dhammu adigay ku caabudi doonaan, Wayna kuu gabyi doonaan, Magacaagay u gabyi doonaan.(Selaah)
Psal SomKQA 66:5  Bal kaalaya, oo arka shuqullada Ilaah, Xagga binu-aadmiga wuxuu ku sameeyey waa cabsi badan yihiin.
Psal SomKQA 66:6  Wuxuu baddii ka dhigay dhul engegan, Oo iyagu webiga dhexdiisa waxay ku mareen lug, Oo halkaasaan isaga ku rayraynay.
Psal SomKQA 66:7  Isagu weligiisba wuxuu ku taliyaa xooggiisa, Oo indhihiisuna waxay fiiriyaan quruumaha, Haddaba caasiyiintu yaanay kor isu qaadin.(Selaah)
Psal SomKQA 66:8  Dadyahow, Ilaaheenna ammaana, Oo codka ammaantiisa ha la maqlo,
Psal SomKQA 66:9  Kaasoo nafteenna nolol ku haya, Oo cagaheennana aan u oggolayn in la dhaqdhaqaajiyo.
Psal SomKQA 66:10  Waayo, Ilaahow, adigu waad na imtixaantay, Oo waxaad noo tijaabisay sida lacagta loo tijaabiyo.
Psal SomKQA 66:11  Waxaad na gelisay shabagga dabinka ah, Oo waxaad simaha naga saartay culaab weyn.
Psal SomKQA 66:12  Dad baad madaxa naga saartay, Oo waxaannu dhex galnay dab iyo biyo, Laakiinse ugudambaysta waxaad na keentay meel barwaaqo ah.
Psal SomKQA 66:13  Haddaba anigu gurigaaga waxaan la soo geli doonaa allabaryo la gubo, Oo waxaan kuu oofinayaa nidarradaydii
Psal SomKQA 66:14  Bushimahaygu ay ku hadleen, Oo afkaygu sheegay markii aan dhibaataysnaa.
Psal SomKQA 66:15  Oo waxaan allabaryo la gubo kuugu soo bixinayaa xoolo buurbuuran Iyo wanan iyo fooxood, Oo waxaan kuu soo bixin doonaa dibiyo iyo orgiyo.(Selaah)
Psal SomKQA 66:16  Kulli intiinna Ilaah ka cabsataay, kaalaya oo maqla, Oo waxaan sheegayaa wuxuu naftayda u sameeyeye.
Psal SomKQA 66:17  Isagaan afkayga ugu qayshaday, Oo waxaan ku ammaanay carrabkayga.
Psal SomKQA 66:18  Haddaan dembi qalbigayga ku arkay, Sayidku ima uu maqleen,
Psal SomKQA 66:19  Laakiinse sida runta ah Ilaah waa i maqlay, Oo codkii baryadaydana dhegtuu u dhigay.
Psal SomKQA 66:20  Mahad waxaa leh Ilaaha Aan baryadayda diidin oo aan naxariistiisana gees iga marin.