Site uses cookies to provide basic functionality.

OK
PSALMS
Prev Up Next
Chapter 118
Psal SomKQA 118:1  Rabbiga ku mahad naqa, maxaa yeelay, isagu waa wanaagsan yahay, Waayo, naxariistiisu weligeedba way waartaa.
Psal SomKQA 118:2  Haddaba reer binu Israa'iil ha yidhaahdeen, Naxariistiisu weligeedba way waartaa.
Psal SomKQA 118:3  Oo reerka Haaruun hadda ha yidhaahdeen, Naxariistiisu weligeedba way waartaa.
Psal SomKQA 118:4  Oo kuwa Rabbiga ka cabsadaa hadda ha yidhaahdeen, Naxariistiisu weligeedba way waartaa.
Psal SomKQA 118:5  Anigoo cidhiidhi ku jira ayaan Rabbiga u qayshaday, Markaasaa Rabbigu ii jawaabay, oo wuxuu i taagay meel ballaadhan.
Psal SomKQA 118:6  Rabbigu waa ila jiraa, oo anigu ma cabsan doono, Bal maxaa dad igu samayn karaa?
Psal SomKQA 118:7  Rabbigu waa ila jiraa, oo wuxuu ku dhex jiraa kuwa i caawinaya, Haddaba waxaan kuwa i neceb ku arki doonaa waxaan doonayo.
Psal SomKQA 118:8  Intii dad lagu kalsoonaan lahaa Waxaa ka wanaagsan in Rabbiga laysku halleeyo.
Psal SomKQA 118:9  Intii amiirro lagu kalsoonaan lahaa Waxaa ka wanaagsan in Rabbiga laysku halleeyo.
Psal SomKQA 118:10  Quruumihii oo dhammu way i wada hareereeyeen, Oo anna magaca Rabbiga ayaan ku baabbi'in doonaa.
Psal SomKQA 118:11  Way i hareereeyeen, haah, oo way i hareereeyeen, Oo anna magaca Rabbiga ayaan ku baabbi'in doonaa.
Psal SomKQA 118:12  Waxay ii hareereeyeen sida shinni oo kale, oo iyaga waxaa loo demiyey sida dabka qodxanta oo kale, Oo anna magaca Rabbiga ayaan ku baabbi'in doonaa.
Psal SomKQA 118:13  Adigu aad baad igu mudday si aan u dhaco aawadeed, Laakiinse Rabbigaa i caawiyey.
Psal SomKQA 118:14  Rabbigu waa xooggayga iyo gabaygayga, Oo wuxuu ii noqday badbaadadayda.
Psal SomKQA 118:15  Kuwa xaq ah teendhooyinkooda waxaa ku jira codkii rayraynta iyo badbaadada, Gacanta midig oo Rabbiguna wax xoog leh bay samaysaa.
Psal SomKQA 118:16  Gacanta midig oo Rabbiga waa la sarraysiiyey, Gacanta midig oo Rabbiguna wax xoog leh bay samaysaa.
Psal SomKQA 118:17  Anigu ma dhiman doono, laakiinse waan noolaan doonaa, Oo waxaan sheegi doonaa shuqullada Rabbiga.
Psal SomKQA 118:18  Rabbigu aad buu ii edbiyey, Laakiinse dhimasho iima uu dhiibin.
Psal SomKQA 118:19  Irdaha xaqnimada iga fura, Oo anna waan geli doonaa, oo Rabbigaan ku mahad naqi doonaa.
Psal SomKQA 118:20  Tanu waa iriddii Rabbiga, Oo waxaa geli doona kuwa xaqa ah.
Psal SomKQA 118:21  Waan kugu mahad naqi doonaa, waayo, waad ii jawaabtay, Oo waxaad ii noqotay badbaadadayda.
Psal SomKQA 118:22  Dhagaxii kuwa wax dhisaa ay diideen, Kaasu wuxuu noqday madaxa rukunka.
Psal SomKQA 118:23  Tanu xagga Rabbiga bay ka timid, Oo waa ku yaab indhahayaga.
Psal SomKQA 118:24  Tanu waa maalinta Rabbigu sameeyey, Waannu rayrayn doonnaa oo waannu farxi doonnaa.
Psal SomKQA 118:25  Rabbiyow, waan ku baryaynaaye, haatan na badbaadi, Oo waan ku baryaynaaye, Rabbiyow, haatan barwaaqo noo soo dir.
Psal SomKQA 118:26  Waxaa barakaysan kan Rabbiga magiciisa ku imanaya, Waxaannu idinka ammaannay guriga Rabbiga.
Psal SomKQA 118:27  Rabbigu waa Ilaah, oo wuxuu na siiyey iftiin, Allabariga xadhko ku xidha tan iyo meesha allabariga geesihiisa.
Psal SomKQA 118:28  Waxaad tahay Ilaahay, oo anna waan kugu mahad naqi doonaa, Waxaad tahay Ilaahay, oo waan ku sarraysiin doonaa.
Psal SomKQA 118:29  Rabbiga ku mahad naqa, waayo, isagu waa wanaagsan yahay, Oo naxariistiisuna weligeedba way waartaa.