PSALMS
1
2
3
4
5
6
7
8
9
10
11
12
13
14
15
16
17
18
19
20
21
22
23
24
25
26
27
28
29
30
31
32
33
34
35
36
37
38
39
40
41
42
43
44
45
46
47
48
49
50
51
52
53
54
55
56
57
58
59
60
61
62
63
64
65
66
67
68
69
70
71
72
73
74
75
76
77
78
79
80
81
82
83
84
85
86
87
88
89
90
91
92
93
94
95
96
97
98
99
100
101
102
103
104
105
106
107
108
109
110
111
112
113
114
115
116
117
118
119
120
121
122
123
124
125
126
127
128
129
130
131
132
133
134
135
136
137
138
139
140
141
142
143
144
145
146
147
148
149
150
Chapter 32
Psal | SomKQA | 32:2 | Waxaa barakaysan ninkii aanu Rabbigu dembi ku tirin, Oo ruuxiisa aanay khiyaano ku jirin. | |
Psal | SomKQA | 32:3 | Markii aan iska aamusay, lafahaygii way gaboobeen, Maxaa yeelay, maalintii oo dhan baan cabaadayay. | |
Psal | SomKQA | 32:4 | Waayo, habeen iyo maalinba gacantaadu way igu cuslayd, Oo qoyaankaygii wuxuu u beddelmay sidii engegga diraacda.(Selaah) | |
Psal | SomKQA | 32:5 | Dembigaygii adigaan kuu qirtay, oo xumaantaydiina ma aan qarin, Waxaan idhi, Xadgudubkayga waxaan u qiranayaa Rabbiga, Oo adna waad iga cafiday xumaanta dembigayga.(Selaah) | |
Psal | SomKQA | 32:6 | Taas daraaddeed mid kastoo cibaado lahu ha ku soo baryo wakhti lagu heli karo, Hubaal markii biyaha badanu dhulka qarqiyaan, isaga sooma ay gaadhi doonaan. | |
Psal | SomKQA | 32:7 | Waxaad tahay meeshaan ku dhuunto, oo dhib baad iga ilaalin doontaa, Oo waxaad igu wareejin doontaa gabayadii samatabbixinta.(Selaah) | |
Psal | SomKQA | 32:8 | Waan ku hanuunin doonaa oo waxaan ku bari doonaa jidka aad ku socon lahayd, Oo waxaan kula talin doonaa iyadoo ay ishaydu kula jirto. | |
Psal | SomKQA | 32:9 | Ha noqonina sida faraska ama baqalka aan garaadka lahayn, Kuwaasoo hoggaankoodu yahay xakame iyo birtiisa in lagu hayo, Haddii kalese innaba kuu soo dhowaan maayaan. | |
Psal | SomKQA | 32:10 | Kii shar leh waxaa ku dhici doona waxyaalo badan oo murug leh, Laakiinse kii Rabbiga isku halleeya waxaa ku wareegsanaan doona naxariis. | |