Site uses cookies to provide basic functionality.

OK
PSALMS
Prev Up Next
Chapter 67
Psal SomKQA 67:1  Ilaahow, noo naxariiso, oo na barakee, Oo wejigaaguna ha na iftiimiyo,(Selaah)
Psal SomKQA 67:2  In jidkaaga laga ogaado dhulka, Quruumaha oo dhan dhexdoodana laga wada ogaado caafimaadkaaga wax badbaadiya.
Psal SomKQA 67:3  Ilaahow, dadyowgu ha ku ammaaneen, Dadyowga oo dhammu ha ku ammaaneen.
Psal SomKQA 67:4  Quruumuhu ha farxeen oo ha gabyeen farxad aawadeed, Waayo, dadyowga waxaad ku xukumi doontaa caddaalad, Oo quruumahana dhulkaad ugu talin doontaa.(Selaah)
Psal SomKQA 67:5  Ilaahow, dadyowgu ha ku ammaaneen, Dadyowga oo dhammu ha ku ammaaneen.
Psal SomKQA 67:6  Dhulku wuxuu soo saaray midhihiisii, Waxaa ina barakayn doona Ilaah, oo ah Ilaaheenna qudhiisa.
Psal SomKQA 67:7  Ilaah waa ina barakayn doonaa, Oo dhulka darafyadiisa oo dhammuna way ka cabsan doonaan isaga.