Site uses cookies to provide basic functionality.

OK
PSALMS
Prev Up Next
Chapter 88
Psal SomKQA 88:1  Rabbiyow, Ilaaha badbaadadaydow, Habeen iyo maalinba hortaadaan ka qayliyey,
Psal SomKQA 88:2  Baryootankaygu hortaada ha yimaado, Oo qayladayda dhegta u dhig,
Psal SomKQA 88:3  Waayo, naftayda waxaa ka buuxa dhibaatooyin, Oo noloshayduna waxay ku dhowaanaysaa She'ool.
Psal SomKQA 88:4  Waxaa laygu tiiriyey kuwa hoos ugu dhaadhaca yaamayska, Oo waxaan ahay sida nin aan xoog lahayn,
Psal SomKQA 88:5  Oo meydadka lagu dhex tuuray, Sida kuwa la laayay oo xabaalaha yaal, Oo aanad mar dambe soo xusuusnayn, Kuwaas oo ah kuwa gacantaada ka go'ay.
Psal SomKQA 88:6  Waxaad igu ridday yaamayska ugu hooseeya, Iyo gudcurka, iyo meelaha dhaadheer.
Psal SomKQA 88:7  Cadhadaadii baa igu soo degtay, Oo waxaad igu dhibtay hirarkaagii oo dhan.(Selaah)
Psal SomKQA 88:8  Kuwii aan iqiin waad iga fogaysay, Oo karaahiyaad iga dhigtay xaggooda. Waa lay xidhay, oo sooma aan bixi karo.
Psal SomKQA 88:9  Indhahaygu waxay la gudheen dhibaatada daraaddeed, Rabbiyow, maalin kasta waan kuu yeedhay, Oo gacmahaygana adigaan kuu hoorsaday.
Psal SomKQA 88:10  Ma yaabab baad tusaysaa meydadka? Kuwii dhintay miyey soo sara kacayaan oo ku ammaanayaan?(Selaah)
Psal SomKQA 88:11  Raxmaddaada miyaa qabriga lagu sheegayaa? Aaminnimadaadana miyaa halligaadda laga dhex sheegayaa?
Psal SomKQA 88:12  Yaababkaaga miyaa gudcurka lagu ogaanayaa? Xaqnimadaadana ma waxaa lagu ogaanayaa dalka illoobidda?
Psal SomKQA 88:13  Laakiinse Rabbiyow, adigaan kuu qayshaday, Oo baryootankayguna subaxduu hortaada imanayaa.
Psal SomKQA 88:14  Rabbiyow, bal maxaad naftayda u xooraysaa? Oo bal maxaad wejigaaga iiga qarinaysaa?
Psal SomKQA 88:15  Waan dhibaataysnaa oo waxaan ku dhowaa inaan dhinto tan iyo yaraantaydiiba, Intaad cabsidaada igu riddayna waan caataysnaa.
Psal SomKQA 88:16  Cadhadaadii kululayd ayaa i kor martay, Oo waxaa i baabbi'iyey waxyaalihii aad igu cabsiisay.
Psal SomKQA 88:17  Maalintii oo dhan waxay hareerahayga ugu wareegsanaayeen sidii biyo oo kale, Dhammaantood way i wada hareereeyeen.
Psal SomKQA 88:18  Kii i jeclaa iyo saaxiibkayba waad iga fogaysay, Oo kuwii aan iqiinna gudcur baad iga gelisay.