Site uses cookies to provide basic functionality.

OK
PSALMS
Prev Up Next
Chapter 132
Psal SomKQA 132:1  Rabbiyow, bal xusuuso Daa'uud Dhibaatooyinkiisii oo dhan,
Psal SomKQA 132:2  Iyo siduu Rabbiga ugu dhaartay, Oo nidar ugu galay Ilaaha Xoogga leh oo Yacquub, isagoo leh,
Psal SomKQA 132:3  Hubaal anigu geli maayo teendhada gurigayga, Sariirtaydana fuuli maayo,
Psal SomKQA 132:4  Indhahayga seexasho isugu qaban maayo, Il iyo baalna isu keeni maayo,
Psal SomKQA 132:5  Ilaa aan meel u helo Rabbiga, Oo aan taambuug u helo Kan Xoogga leh oo Yacquub.
Psal SomKQA 132:6  Bal eeg, annagu waxaan ku maqalnay Efraataah, Oo waxaan ka helnay berrinkii duurka.
Psal SomKQA 132:7  Waxaan geli doonnaa taambuugyadiisa, Oo waxaan ku sujuudi doonnaa meeshuu cagaha saarto.
Psal SomKQA 132:8  Rabbiyow, sara joogso, oo meeshaada nasashada gal, Adiga iyo sanduuqa xooggaaguba.
Psal SomKQA 132:9  Wadaaddadaadu xaqnimo ha huwadeen, Quduusiintaaduna farxad ha la qayliyeen.
Psal SomKQA 132:10  Addoonkaagii Daa'uud daraaddiis Ha sii jeedin kaaga subkan wejigiisa.
Psal SomKQA 132:11  Rabbigu run buu Daa'uud ugu dhaartay, Oo dhaartiisiina ka soo noqon maayo, Midhaha jidhkaaga midkood ayaan carshigaaga ku fadhiisin doonaa.
Psal SomKQA 132:12  Carruurtaadu hadday xajiyaan axdigayga Iyo markhaatifurkayga aan iyaga bari doono, De markaas carruurtooduna weligood bay ku fadhiisan doonaan carshigaaga.
Psal SomKQA 132:13  Waayo, Rabbigu wuu doortay Siyoon, Oo wuxuu u jeclaystay inuu rugtiisii ka dhigto.
Psal SomKQA 132:14  Halkanu waa meeshaydii nasashada weligeedba, Halkanaan degganaan doonaa, waayo, waan jeclaystay.
Psal SomKQA 132:15  Waxaan iyada aad iyo aad ugu barakayn doonaa quud, Oo masaakiinteeda waxaan ka dhergin doonaa cunto.
Psal SomKQA 132:16  Wadaaddadeedana waxaan huwin doonaa badbaado, Quduusiinteeduna aad bay ula qaylin doonaan farxad.
Psal SomKQA 132:17  Halkaas waxaan ka dhigi doonaa in gees Daa'uud u soo baxo, Waxaan laambad u diyaariyey kii aan subkaday.
Psal SomKQA 132:18  Cadaawayaashiisa waxaan huwin doonaa ceeb, Laakiinse taajkiisu madaxiisuu ku waari doonaa.