Site uses cookies to provide basic functionality.

OK
PSALMS
Prev Up Next
Chapter 23
Psal SomKQA 23:1  Rabbigu waa adhijirka i jira; waxba u baahan maayo.
Psal SomKQA 23:2  Wuxuu i fadhiisiyaa doog qoyan dhexdiis, Oo wuxuu ii hoggaamiyaa biyaha deggan dhinacooda.
Psal SomKQA 23:3  Naftayda wuu soo celiyaa. Oo magiciisa aawadiis wuxuu igu hor kacaa waddooyinka xaqnimada.
Psal SomKQA 23:4  In kastoo aan ku dhex socdo dooxada hooska dhimashada, Sharna ka baqi maayo, waayo, waad ila jirtaa, Ushaada iyo hangoolkaaga ayaa ii raaxeeya.
Psal SomKQA 23:5  Cadaawayaashayda hortooda waxaad iigu diyaarisaa miis, Oo saliid baad madaxayga ku subagtaa, koobkayguna waa buuxdhaafaa.
Psal SomKQA 23:6  Hubaal cimrigayga oo dhan waxaa i raaci doona wanaag iyo naxariis, Oo weligay guriga Rabbiga ayaan degganaan doonaa.