Site uses cookies to provide basic functionality.

OK
PSALMS
Prev Up Next Toggle notes
Chapter 48
Psal SomKQA 48:1  Rabbigu waa weyn yahay, waana in aad loogu ammaanaa Ilaaheenna magaaladiisa, iyo buurtiisa quduuska ah.
Psal SomKQA 48:2  Waxaa dhererka ku quruxsan, oo farxad u ah dunida oo dhan Buur Siyoon oo dhanka woqooyi ah, Meeshaas oo ah magaalada Boqorka weyn.
Psal SomKQA 48:3  Ilaah wuxuu daaraheeda dhaadheer isku muujiyey inuu magangal yahay.
Psal SomKQA 48:4  Waayo, bal eeg, boqorradii way iswada urursadeen, Dhammaantood way wada dhaafeen.
Psal SomKQA 48:5  Oo kolkay arkeen ayay yaabeen, Oo argaggexeen, markaasay haddiiba carareen.
Psal SomKQA 48:6  Iyagii halkaasay ku gariireen, Wayna ku xanuunsadeen sida naag foolanaysa.
Psal SomKQA 48:7  Doonniyaha Tarshiish waxaad ku jejebisaa Dabaysha bari.
Psal SomKQA 48:8  Annagu sidaan maqalnay, ayaan ku dhex aragnay Magaalada Rabbiga ciidammada, taasoo ah magaalada Ilaaheenna, Ilaah ayaa weligeedba adkayn doona.(Selaah)
Psal SomKQA 48:9  Ilaahow, raxmaddaada ayaan ka fikirnay Markaan macbudkaaga ku jirnay.
Psal SomKQA 48:10  Ilaahow, sida magacaagu yahay Ayaa ammaantaaduna ku tahay dhulka darafyadiisa oo dhan, Gacantaada midigna waxaa ka buuxda xaqnimo.
Psal SomKQA 48:11  Buur Siyoon ha faraxdo, Oo gabdhaha reer Yahuudah ha ku reyreeyeen xukummadaada daraaddood.
Psal SomKQA 48:12  Siyoon hareeraheeda socda, oo ku soo wareega, Oo munaaradaheeda tiriya.
Psal SomKQA 48:13  Bal aad ugu fiirsada qalcadaheeda, Oo ka fikira daaraheeda dhaadheer, Si aad ugu sheekaysaan farcanka soo socda.
Psal SomKQA 48:14  Waayo, weligiis iyo weligiisba Ilaahan ayaa Ilaah inoo ah, Oo isagaa hoggaamiye inoo ahaan doona xataa tan iyo dhimashada.