PSALMS
1
2
3
4
5
6
7
8
9
10
11
12
13
14
15
16
17
18
19
20
21
22
23
24
25
26
27
28
29
30
31
32
33
34
35
36
37
38
39
40
41
42
43
44
45
46
47
48
49
50
51
52
53
54
55
56
57
58
59
60
61
62
63
64
65
66
67
68
69
70
71
72
73
74
75
76
77
78
79
80
81
82
83
84
85
86
87
88
89
90
91
92
93
94
95
96
97
98
99
100
101
102
103
104
105
106
107
108
109
110
111
112
113
114
115
116
117
118
119
120
121
122
123
124
125
126
127
128
129
130
131
132
133
134
135
136
137
138
139
140
141
142
143
144
145
146
147
148
149
150
Chapter 104
Psal | SomKQA | 104:1 | Naftaydoy, Rabbiga ammaan. Rabbiyow Ilaahayow, aad baad u weyn tahay, Oo waxaad huwan tahay murwad iyo haybad. | |
Psal | SomKQA | 104:2 | Waxaad sida maro u huwataa nuur, Oo samooyinkana waxaad u kala bixisaa sida daah oo kale. | |
Psal | SomKQA | 104:3 | Waxa qolkaaga saqafka u hayana waxaad dhigtaa biyaha dhexdooda, Daruurahana waxaad ka dhigataa gaadhifaras, Oo waxaad ku kor socotaa dabaysha baalasheeda, | |
Psal | SomKQA | 104:4 | Waxaad dabaysha ka dhigataa wargeeyayaashaada, Oo waxaad midiidinyadaada ka dhigataa dab ololaya, | |
Psal | SomKQA | 104:6 | Waxaad ku dabooshay mool sidii dhar oo kale, Biyihiina waxay joogsadeen buuraha korkooda. | |
Psal | SomKQA | 104:8 | Waxay kor u fuuleen buuraha, oo waxay hoos ugu dhaadheceen dooxooyinka, Ilaa meeshii aad u samaysay. | |
Psal | SomKQA | 104:9 | Waxaad iyaga u dhigtay xudduud aanay soo dhaafin, Si aanay mar kale u noqon oo aanay dhulka u daboolin. | |
Psal | SomKQA | 104:10 | Isagu dooxooyinka wuxuu ku soo daayaa ilo, Iyana waxay durduraan buuraha dhexdooda, | |
Psal | SomKQA | 104:11 | Waxay waraabiyaan xayawaanka duurka jooga oo dhan, Oo dameerdibadeedyaduna way harraad beelaan. | |
Psal | SomKQA | 104:13 | Buuraha wuxuu ka waraabiyaa qolalkiisa, Dhulkuna wuxuu ka dheregsan yahay midhihii shuqulladaada. | |
Psal | SomKQA | 104:14 | Isagu wuxuu ka dhigaa in dooggu xoolaha u soo baxo, Oo geedaha yaryarna wuxuu u soo bixiyey in dadku ku isticmaalo, Inuu dhulka cunto ka soo bixiyo, | |
Psal | SomKQA | 104:15 | Iyo khamri ka farxiya dadka qalbigiisa, Iyo saliid uu wejiga ku dhaashado, Iyo kibis qalbiga dadka xoogaysa. | |
Psal | SomKQA | 104:16 | Rabbiga dhirtiisu waa dheregsan tahay, Kuwaas oo ah geedaha kedar la yidhaahdo oo Lubnaan oo uu isagu beeray, | |
Psal | SomKQA | 104:17 | Kuwaas oo ah meesha shimbirruhu buulkooda ay ka samaystaan, Xuurtuna gurigeeda waxay ka kor dhisataa geedaha waaweyn. | |
Psal | SomKQA | 104:18 | Buuraha dhaadheer waxaa leh riyaha dibadda, Dhagaxyada waaweynuna waxay gabbaad u yihiin walooyinka. | |
Psal | SomKQA | 104:20 | Waxaad samaysaa gudcur, oo habeen baa yimaada, Markaasay xayawaanka duurku soo wada baxaan. | |
Psal | SomKQA | 104:21 | Libaaxyada aaranka ahu waxay ka daba ciyaan ugaadhsigooda, Cuntadoodana waxay ka sugaan xagga Ilaah. | |
Psal | SomKQA | 104:24 | Rabbiyow, shuqulladaadu tiro badanaa! Kulligoodna xigmad baad ku samaysay, Dhulka waxaa ka buuxa hodantinimadaada. | |
Psal | SomKQA | 104:25 | Halkoo waxaa ku taal bad weyn oo ballaadhan, Gudaheedana waxaa ku jira waxyaalo gurguurta oo aan la tirin karin, Iyo xayawaan waaweyn iyo kuwo yaryarba. | |
Psal | SomKQA | 104:26 | Halkaas waxaa ku socda doonniyo, Oo waxaa halkaas yaal bahal badeed oo Lewiiyaataan la odhan jiray oo aad u abuurtay inuu ku dhex cayaaro. | |
Psal | SomKQA | 104:28 | Oo waxaad iyaga siiso ayay isu soo urursadaan, Gacantaadaad furtaa oo waxay ka dhergaan waxyaalo wanaagsan. | |
Psal | SomKQA | 104:29 | Wejigaagaad qarisaa, oo way dhibtoodaan, Naftoodaad ka qaaddaa oo way dhintaan, Oo waxay ku noqdaan ciiddoodii. | |
Psal | SomKQA | 104:30 | Waxaad soo dirtaa ruuxaaga, kolkaasay iyagu abuurmaan, Dhulkana waad cusboonaysiisaa. | |
Psal | SomKQA | 104:31 | Rabbiga ammaantiisu ha sii raagto weligeedba, Oo Rabbigu ha ku reyreeyo shuqulladiisa. | |
Psal | SomKQA | 104:33 | Intaan noolahay oo dhan ayaan Rabbiga u gabyi doonaa, Oo Ilaahay ayaan ammaan ugu gabyi doonaa intaan jiro oo dhan. | |