HEBREWS
Chapter 3
| Hebr | SomKQA | 3:1 | Haddaba walaalaha quduuska ah oo ka qayb gala yeedhniinta jannadow, u fiirsada Ciise oo ah Rasuulka iyo Wadaadka sare ee iimaanka aynu qiranno. | |
| Hebr | SomKQA | 3:3 | Waayo, waxaa isaga lagu tiriyey inuu istaahilo ammaan ka badan tii Muuse, sida kan guriga dhisa uga murwad badan yahay guriga. | |
| Hebr | SomKQA | 3:5 | Oo runtii Muuse gurigiisa oo dhan aamin buu ugu ahaa sida midiidin, inuu markhaati u ahaado waxyaalaha mar dambe lagu hadli doono. | |
| Hebr | SomKQA | 3:6 | Laakiin Masiix aamin buu u ahaa sida wiil gurigiisa ka sarreeya; oo gurigiisu waa innaga haddaynu ilaa ugu dambaysta dhiirranaanteenna iyo faanka rajadeenna aad u xajinno. | |
| Hebr | SomKQA | 3:7 | Haddaba waa sidan waxa Ruuxa Quduuska ahi leeyahay, Maanta haddaad codkiisa maqashaan, | |
| Hebr | SomKQA | 3:8 | Qalbiyadiinna ha adkaynina sidii wakhtigii dhirifka, Sidii maalintii jirrabaadda ee cidlada dhexdeeda, | |
| Hebr | SomKQA | 3:9 | Meeshii ay awowayaashiin igu jirrabeen, oo ay igu tijaabiyeen, Oo ay afartanka sannadood shuqulladaydii ku arkeen. | |
| Hebr | SomKQA | 3:10 | Taas daraaddeed qarnigan waan u cadhaysnaa, Oo waxaan idhi, Had iyo goorba qalbigooday ka qaldamaan, Oo iyagu ma ay aqoon jidadkaygii. | |
| Hebr | SomKQA | 3:11 | Sidaas daraaddeed anigoo cadhaysan ayaan waxaan ku dhaartay, Iyagu nasashadayda ma geli doonaan. | |
| Hebr | SomKQA | 3:12 | Iska jira, walaalayaalow. Yaanu qalbi shar leh oo aan rumaysad lahayni midkiinna ku jirin, idinkoo Ilaaha nool ka dheeraanaya. | |
| Hebr | SomKQA | 3:13 | Laakiin maalin kasta iswaaniya, intii la odhanayo, Maanta, inuusan midkiinna ku engegin khiyaanada dembiga. | |
| Hebr | SomKQA | 3:14 | Waayo, waxaynu noqonnay kuwa Masiix ka qayb qaatay, haddaynu aad u xajinno bilowgii kalsoonaanteenna ilaa ugu dambaysta, | |
| Hebr | SomKQA | 3:15 | inta la leeyahay, Maanta haddaad codkiisa maqashaan, Qalbiyadiinna ha adkaynina sidii wakhtigii dhirifka. | |
| Hebr | SomKQA | 3:16 | Waayo, yaa, markay maqleen, Ilaah ka dhirfiyey? Miyaanay ahayn kulligood kuwii Muuse ka keenay Masar? | |
| Hebr | SomKQA | 3:17 | Oo yuu afartan sannadood u cadhaysnaa? Miyaanay ahayn kuwii dembaabay oo meydadkoodu cidlada ku dhacdhaceen? | |
| Hebr | SomKQA | 3:18 | Oo yuu ku dhaartay inaanay nasashadiisa gelin, kuwii isaga addeeci waayay mooyaane? | |