Site uses cookies to provide basic functionality.

OK
I CORINTHIANS
1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16
Prev Up Next Toggle notes
Chapter 6
I Co SomKQA 6:1  Midkiin haddii uu xaal ku haysto kan kale, miyuu ku dhacaa inuu ku dacweeyo kuwa aan xaqa ahayn hortooda, oo aanu ku dacwayn quduusiinta hortooda?
I Co SomKQA 6:2  Mise waydnaan garanaynin in quduusiintu ay dunida xukumi doonaan? Oo haddaad dunida xukuntaan, ma waxaad tihiin kuwa aan istaahilin inay waxyaalaha yaryar xukumaan?
I Co SomKQA 6:3  Miyeydnaan ogayn inaynu malaa'igaha xukumi doonno? Intee ka badan baa waxyaalaha noloshan ku saabsan aynu xukumaynaa?
I Co SomKQA 6:4  Haddaba haddii aad leedihiin axwaal ku saabsan waxyaalaha noloshan, kuwa aan waxba ka ahayn kiniisadda miyaad ka dhigaysaan inay xukumaan?
I Co SomKQA 6:5  Waxaan taas u leeyahay inaan idin ceebeeyo. Ma sidaas baa inaan dhexdiinna laga helaynin mid xigmad leh oo karaya inuu u gar qaybiyo walaalihiis,
I Co SomKQA 6:6  laakiin in walaal walaalkii dacweeyo oo uu weliba ku dacweeyo kuwa aan rumaysnayn hortooda?
I Co SomKQA 6:7  Haddaba waa idiin wada daran tahay in midkiinba midka kale dacweeyo. Maad iska daysaan, ha laydin xumeeyee? Maad iska daysaan, ha laydin dulmee?
I Co SomKQA 6:8  Laakiin idinka qudhiinnu wax baad xumaysaan oo dulantaan, oo xataa walaalihiin.
I Co SomKQA 6:9  Ama miyeydnaan ogayn in kuwa xaqa darani ayan dhaxlayn boqortooyadii Ilaah? Yaan laydin khiyaanayn. Ama dhillayaasha, ama kuwa sanamka caabuda, ama kuwa sinaysta, ama khaanisiinta,
I Co SomKQA 6:10  ama tuugagga, ama kuwa wax badan damca, ama kuwa sakhraama, ama kuwa wax caaya, ama kuwa wax dulma, ma dhaxli doonaan boqortooyadii Ilaah.
I Co SomKQA 6:11  Qaarkiin sidaas oo kale baad ahaan jirteen, laakiin waa laydinka maydhay, quduus baa laydinka dhigay, xaq baa laydinkaga dhigay magaca Rabbi Ciise Masiix iyo Ruuxa Ilaaheenna.
I Co SomKQA 6:12  Wax waliba waa ii xalaal, laakiin wax waliba iima roona. Wax waliba waa ii xalaal, laakiin waxba ima addoonsan doonaan.
I Co SomKQA 6:13  Cuntada waxaa loo sameeyey caloosha, calooshana cuntada, laakiin Ilaah baa baabbi'in doona tan iyo taaba. Jidhka looma samayn sinada ee waxaa loo sameeyey Rabbiga, Rabbiguna jidhkuu xannaaneeyaa.
I Co SomKQA 6:14  Ilaah waa sara kiciyey Rabbiga, innagana xooggiisa ayuu inagu sara kicin doonaa.
I Co SomKQA 6:15  Miyaanaydin garanaynin jidhadhkiinnu inay yihiin xubnaha Masiixa? Haddaba miyaan qaadaa xubnaha Masiixa oo dhillo xubnaheed ka dhigaa? Yaanay noqon.
I Co SomKQA 6:16  Miyaanaydin ogayn inuu kii dhillo raacaa la jidh yahay? Waayo, Ilaah wuxuu leeyahay, Labadu waxay noqon doonaan isku jidh.
I Co SomKQA 6:18  Ka carara sinada. Dembi kaloo kasta oo nin falo, jidhka waa ka dibadda, laakiin kii dhillanimada falaa jidhkiisuu ku dembaabaa.
I Co SomKQA 6:19  Ama miyaanaydin ogayn jidhkiinnu inuu yahay macbudka Ruuxa Quduuska ah ee idinku jira ee aad Ilaah ka hesheen? Oo idinku isma lihidin,
I Co SomKQA 6:20  waayo, qiimo weyn baa laydinku soo iibsaday. Sidaa aawadeed Ilaah jidhkiinna ku ammaana.