Site uses cookies to provide basic functionality.

OK
ISAIAH
Prev Up Next
Chapter 54
Isai SomKQA 54:1  Rabbigu wuxuu leeyahay, Faraxsanow, madhalaysta aan dhalinay, hees ku dhufo oo mashxarad, taada aan carruur ku foolanay, waayo, tan cidlowday carruurteedu waa ka badan yihiin tan ninka leh carruurteeda.
Isai SomKQA 54:2  Meesha teendhadaada ballaadhi, oo rugahaaga daahyadoodana ha la kala bixiyo. Waxba ha la hadhin, xadhkahaaga sii dheeree, oo dhidbahaagana sii xoogee.
Isai SomKQA 54:3  Waayo, waxaad u kala faafi doontaa xagga midigta iyo xagga bidixdaba, oo farcankaaguna wuxuu dhaxli doonaa quruumaha, oo magaalooyinka baabba'ayna wuxuu ka dhigi doonaa in la dego.
Isai SomKQA 54:4  Ha cabsan, waayo, ma aad ceeboobi doontid, hana sharaf jabin, waayo, laguma ceebayn doono, oo ceebtii yaraantaadana waad illoobi doontaa, oo ceebtii carmalnimadaadana innaba mar dambe sooma aad xusuusan doontid.
Isai SomKQA 54:5  Waayo, Uumahaaga ayaa ninkaaga ah, oo magiciisana waxaa la yidhaahdaa Rabbiga ciidammada. Kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iilna waa Bixiyahaaga, oo waxaa isaga la odhan doonaa Ilaaha dhulka oo dhan.
Isai SomKQA 54:6  Waayo, Ilaahaagu wuxuu leeyahay, Anoo Rabbiga ahu waxaan kuugu yeedhay sidii adoo ah naag laga tegey oo nafsaddeedu murugootay, iyo sidii bilcaan yaraanteedii lagu nacay oo kale.
Isai SomKQA 54:7  Muddo yar baan kaa tegey, laakiinse waxaan kugu soo ururin doonaa naxariis badan.
Isai SomKQA 54:8  Rabbiga Bixiyahaaga ahu wuxuu leeyahay, Muddo gaaban ayaan cadho yar wejigayga kaaga qariyey, laakiinse raxmad weligeed ah ayaan kuugu naxariisan doonaa.
Isai SomKQA 54:9  Maxaa yeelay, tanu waxay iila mid tahay sidii biyihii wakhtigii Nuux oo kale, waayo, sidaan ugu dhaartay inaanay biyihii Nuux mar dambe dhulka kor mari doonin ayaan ugu dhaartay inaanan mar dambe kuu cadhoon doonin, iyo inaanan innaba ku canaanan doonin.
Isai SomKQA 54:10  Waayo, Rabbiga kuu naxariistaa wuxuu leeyahay, In kastoo ay buuruhu fogaadaan oo ay kuruhuna dhaqdhaqaaqaan raxmaddaydu innaba kaa fogaan mayso, oo axdigayga nabdeedna dhaqdhaqaaqi maayo.
Isai SomKQA 54:11  Taada dhibaataysan, oo duufaanku rogrogay, oo aan la qalbi qabowjinay, bal eeg, dhagaxyadaada waxaan ku qurxin doonaa midabyo kala cayncayn ah, oo aasaaskaagana waxaan ka samayn doonaa dhagaxyo safayr la yidhaahdo.
Isai SomKQA 54:12  Oo daaqadahaagana waxaan ka samayn doonaa dhagaxyo cascas oo yaaquud la yidhaahdo, irdahaagana waxaan ka samayn doonaa dhagaxyo dhalaalaya, oo derbigaaga oo dhanna waxaan ka samayn doonaa dhagaxyo qaali ah.
Isai SomKQA 54:13  Oo Rabbigu carruurtaada oo dhan ayuu wax bari doonaa, oo nabadda carruurtaaduna waxay ahaan doontaa mid weyn.
Isai SomKQA 54:14  Xaqnimaad ku dhismi doontaa, oo dulmina waad ka fogaan doontaa, waayo, ma aad cabsan doontid, oo cabsigelintana waad ka fogaan doontaa, waayo, innaba kuuma ay soo dhowaan doonto.
Isai SomKQA 54:15  Bal ogow, haddii dagaal laysu soo wada urursado xaggayga kama iman doono. Ku alla kii dagaal kugu kiciyaaba aawadaa buu u dhici doonaa.
Isai SomKQA 54:16  Bal eeg, anigaa abuuray birtumaha dabka dhuxuleed afuufa oo hub dagaal u soo saara, oo weliba waxaan abuuray kan wax dumiya inuu wax baabbi'iyo aawadeed.
Isai SomKQA 54:17  Hub laguu samaystay oo liibaanaya ma jiro, oo af kasta oo garsoorid kuugu kacana waad xukumi doontaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Kanu waa dhaxalkii addoommada Rabbiga, oo xaqnimadooduna xaggaygay ka timid.