Site uses cookies to provide basic functionality.

OK
PSALMS
Prev Up Next
Chapter 127
Psal SomKQA 127:1  Haddaan Rabbigu guriga dhisin, Kuwa dhisaya, waxtarla'aan bay u hawshoodaan, Haddaan Rabbigu magaalada dhawrin, Waardiyuhu micnela'aan buu u soo jeedaa.
Psal SomKQA 127:2  Faa'iido idiinma leh inaad aroor hore kacdaan oo aad goor dambe seexataan, Oo aad kibista dhibka cuntaan, Waayo, wuxuu kuwuu jecel yahay siiyaa hurdo.
Psal SomKQA 127:3  Bal eeg, carruurtu waa dhaxal xagga Rabbiga laga helo. Oo midhaha maxalku waa abaalgudkiisa.
Psal SomKQA 127:4  Sida fallaadho ku jira nin xoog badan gacantiis, Sidaasoo kale weeye carruurta dhallinyaranimadu.
Psal SomKQA 127:5  Waxaa barakaysan ninkii gabooyihiisa ka buuxsada iyaga, Iyagu ma ay ceeboobi doonaan Markay cadaawayaashooda kula hadlaan xagga iridda.