Site uses cookies to provide basic functionality.

OK
PSALMS
Prev Up Next
Chapter 70
Psal SomKQA 70:1  Ilaahow, soo dhaqso oo i samatabbixi, Rabbiyow, soo dhaqso oo i caawi.
Psal SomKQA 70:2  Kuwa doondoonaya inay naftayda iga qaadaan Ha ceeboobeen oo ha wareereen, Oo kuwa waxyeelladayda ku farxaana Dib ha u noqdeen oo ha sharaf beeleen.
Psal SomKQA 70:3  Kuwa Ahaa, Ahaa, lahu, Ceebtooda dib ha ula noqdeen.
Psal SomKQA 70:4  Kuwa adiga ku doondoona oo dhammu ha reyreeyeen oo ha kugu farxeen, Oo kuwa badbaadintaada jeceluna had iyo goorba ha yidhaahdeen, Ilaah ha la weyneeyo.
Psal SomKQA 70:5  Laakiinse miskiin iyo mid baahan baan ahay, Ilaahow, ii soo dhaqso, Waxaad tahay caawimaaddayda iyo samatabbixiyahayga. Rabbiyow, ha iga raagin.