Site uses cookies to provide basic functionality.

OK
II KINGS
Prev Up Next
Chapter 18
II K SomKQA 18:1  Haddaba Hoosheeca ina Eelaah oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil sannaddiisii saddexaad ayaa Xisqiyaah ina Aaxaas dalka Yahuudah boqor ka noqday.
II K SomKQA 18:2  Oo markuu boqor noqday wuxuu jiray shan iyo labaatan sannadood, oo Yeruusaalem boqor buu ka ahaa sagaal iyo labaatan sannadood, oo hooyadiisna magaceeda waxaa la odhan jiray Abii ina Sekaryaah.
II K SomKQA 18:3  Oo isna wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa ku qumman, sidii dhammaan awowgiis Daa'uud sameeyey oo kale.
II K SomKQA 18:4  Wuxuu dumiyey meelihii sarsare, tiirarkiina wuu jejebiyey, geedihii Asheeraahna wuu jaray; oo wuxuu kaloo burburiyey abeesadii naxaasta ahayd oo Muuse sameeyey, waayo, ilaa wakhtigaas dadkii Israa'iil foox bay u shidi jireen, oo isna wuxuu magaceedii u bixiyey Nexushtaan.
II K SomKQA 18:5  Oo wuxuu isku halleeyey Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil; oo dabadiis boqorradii dalka Yahuudah oo dhan laguma arag mid isagii la mid ah, hortiisna ma jirin.
II K SomKQA 18:6  Waayo, Rabbiguu xajistay, oo lasocodkiisiina kama uu tegin, laakiinse wuxuu dhawray amarradiisii uu Rabbigu Muuse ku amray.
II K SomKQA 18:7  Oo Rabbigu isaga wuu la jiray, oo meel alla meeshuu tegeyba wuu ku liibaanay, oo wuxuu ka fallaagoobay boqorkii Ashuur oo umana adeegin.
II K SomKQA 18:8  Oo reer Falastiinna wuxuu ku laayay Gaasa iyo soohdimaheeda, iyo tan iyo munaaraddii waardiyayaasha iyo ilaa magaaladii deyrka lahayd.
II K SomKQA 18:9  Oo sannaddii afraad ee Boqor Xisqiyaah, taasoo ahayd sannaddii toddobaad ee Hoosheeca ina Eelaah oo boqorkii dalka Israa'iil ahaa ayuu Shalmaneser oo ahaa boqorkii Ashuur Samaariya ku kacay oo hareereeyey.
II K SomKQA 18:10  Oo saddex sannadood dabadeedna way qabsadeen, taasuna waxay ahayd Xisqiyaah sannaddiisii lixaad, oo ahayd Hoosheeca oo boqorkii dalka Israa'iil ahaa sannaddiisii sagaalaad markii Samaariya la qabsaday.
II K SomKQA 18:11  Markaasaa boqorkii Ashuur kaxaystay dadkii Israa'iil oo wuxuu dejiyey Xalax iyo Xaaboor oo webiga Goosaan ag ahaa, iyo magaalooyinkii reer Maaday,
II K SomKQA 18:12  maxaa yeelay, ma ay addeecin codkii Rabbiga Ilaahooda ahaa, laakiinse way ku xadgudbeen axdigiisii iyo dhammaan wixii uu midiidinkii Rabbiga oo Muuse ahaa ku amray; ma ay maqlin, mana ay samayn.
II K SomKQA 18:13  Haddaba Boqor Xisqiyaah sannaddiisii afar iyo tobnaad ayaa Seenxeeriib oo ahaa boqorkii Ashuur ku kacay magaalooyinkii deyrka lahaa oo dalka Yahuudah oo dhan, wuuna qabsaday.
II K SomKQA 18:14  Markaasaa Xisqiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah ayaa boqorkii Ashuur ugu cid diray Laakiish, oo wuxuu yidhi, Xumaan baan sameeyey, haddaba iga noqo, oo anna wixii aad i saarto waan aqbalayaa. Markaasaa boqorkii Ashuur wuxuu boqorkii dalka Yahuudah saaray saddex boqol oo talanti oo lacag ah iyo soddon talanti oo dahab ah.
II K SomKQA 18:15  Markaasaa Xisqiyaah wuxuu isagii siiyey kulli lacagtii laga helay gurigii Rabbiga iyo khasnadihii gurigii boqorka oo dhanba.
II K SomKQA 18:16  Oo waagaasaa Xisqiyaah dahabkii ka jaray albaabbadii gurigii Rabbiga iyo tiirarkiiba, kuwaasoo uu Xisqiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah ku dahaadhay, oo wuxuu siiyey boqorkii Ashuur.
II K SomKQA 18:17  Markaasaa boqorkii Ashuur wuxuu Laakiish ka diray Tartaan iyo Rab Saariis iyo Rabshaaqeeh oo ciidan faro badan wata, oo wuxuu iyaga Boqor Xisqiyaah ugu diray Yeruusaalem. Oo iyana intay kaceen ayay Yeruusaalem tageen. Oo markay yimaadeen waxay is-ag taageen biyomareenkii balliga sare kaasoo ku dhex yiil waddada berrinkii dharmaydhaha.
II K SomKQA 18:18  Oo markay boqorkii u yeedheen waxaa iyagii u yimid Elyaaqiim ina Xilqiyaah oo u sarreeyey reerkii boqorka, iyo Shebnaa oo karraanigii ahaa, iyo Yoo'aax ina Aasaaf oo ahaa taariikhqorihii.
II K SomKQA 18:19  Markaasaa Rabshaaqeeh wuxuu iyagii ku yidhi, Waxaad Xisqiyaah haddeer ku tidhaahdaan, Boqorka weyn ee boqorka Ashuur ah wuxuu kugu leeyahay, War waxaad ku kalsoon tahay oo aad isku hallaynaysaa waa maxay?
II K SomKQA 18:20  Adigu waxaad leedahay, Dagaalka waxaa loo hayaa talo iyo xoog, laakiinse afka uun baad ka tidhi. Haddaba waadiga iga fallaagoobaye bal yaad isku hallaynaysaa?
II K SomKQA 18:21  Bal ogow, waxaad isku hallaynaysaa oo ul ahaan u qaadanaysaa cawsduurkan burburay, kaasoo ah Masar, oo isna haddii nin ku tiirsado gacantuu ka galaa oo ka mudaa; oo boqorka Masar oo Fircoon ahu saasoo kaluu u yahay kuwa isaga isku halleeya oo dhan.
II K SomKQA 18:22  Laakiinse haddaad igu tidhaahdaan, Waxaannu isku hallaynaynaa Rabbiga Ilaahayaga ah, miyuusan isagu ahayn kii meelihiisii sarsare iyo meelihiisii allabarigaba uu Xisqiyaah wada dumiyey isagoo dadka Yahuudah iyo dadka Yeruusaalemba ku leh, Meeshan allabariga ee Yeruusaalem ku taal horteeda waa inaad Ilaah ku caabuddaan?
II K SomKQA 18:23  Haddaba waan ku baryayaaye bal sharad la dhigo sayidkayga oo ah boqorka Ashuur, haddaba waxaan ku siin doonaa laba kun oo faras, haddaad rag fuula u heli kartid.
II K SomKQA 18:24  Bal sidee baad u celin kartaa sirkaal ka mid ah kuwa ugu yaryar ee addoommada sayidkayga ah, oo sidee baad Masar isugu hallaynaysaa inay ku siinayso gaadhifardood iyo rag fardooley ah?
II K SomKQA 18:25  Haddaba miyaan Rabbiga la'aantiis ugu kacay meeshan inaan baabbi'iyo? Rabbigu wuxuu igu yidhi, Dalkaas ku kac oo soo baabbi'i.
II K SomKQA 18:26  Markaasaa Elyaaqiim ina Xilqiyaah iyo Shebnaa iyo Yoo'aax waxay Rabshaaqeeh ku yidhaahdeen, Waan ku baryaynaaye nagula hadal afka reer Suuriya, annagoo addoommadaada ah, isagaannu garanaynaa; oo ha nagula hadlin afka Yuhuudda iyadoo dadka derbiga dul jooga ay na maqlayaan.
II K SomKQA 18:27  Laakiinse Rabshaaqeeh wuxuu iyagii ku yidhi, Sayidkaygu ma wuxuu ii soo diray inaan sayidkiinna iyo idinka eryadan kula hadlo? Sow iima uu soo dirin nimanka derbiga dul joogaa inay xaarkooda cunaan oo ay kaadidooda idinla cabbaan?
II K SomKQA 18:28  Markaasuu Rabshaaqeeh istaagay, oo intuu cod weyn ku qayliyey ayuu afka Yuhuudda ku hadlay oo yidhi, War maqla eraygii boqorka weyn ee ah boqorka Ashuur.
II K SomKQA 18:29  Boqorkii wuxuu idinku leeyahay, Xisqiyaah yuusan idin khiyaanayn, waayo, isagu ma uu awoodi doono inuu gacantiisa idinka samatabbixiyo.
II K SomKQA 18:30  Oo weliba Xisqiyaah yuusan Rabbiga idin aaminsiin isagoo leh, Hubaal Rabbigu waa ina samatabbixin doonaa, oo magaaladan laguma ridi doono gacanta boqorka Ashuur.
II K SomKQA 18:31  Haddaba Xisqiyaah ha maqlina, waayo, boqorkii Ashuur wuxuu leeyahay, Nabad ila dhigta, oo ii soo baxa, oo midkiin waluba wax ha ka cuno canabkiisa iyo geedkiisa berde, oo midkiin waluba ha cabbo biyaha ceelkiisa,
II K SomKQA 18:32  intaanan iman oo idiin kaxayn dal dalkiinna la mid ah, oo ah dal hadhuudh iyo khamri leh, oo ah dal cunto iyo beerocanab leh, oo ah dal saliid saytuun iyo malab leh inaad noolaataan oo aydnaan dhiman. Oo Xisqiyaah ha maqlina markuu idinku sasabayo oo idin leeyahay, Rabbigu waa ina samatabbixin doonaa.
II K SomKQA 18:33  Bal quruumaha ilaahyadoodii midkoodna miyuu weligiis dalkiisa ka samatabbixiyey gacanta boqorka Ashuur?
II K SomKQA 18:34  Bal meeye ilaahyadii Xamaad iyo Arfaad? Oo meeye ilaahyadii Sefarwayiim iyo Xeenac iyo Ciwaah? Iyagu miyey Samaariya ka samatabbixiyeen gacantayda?
II K SomKQA 18:35  Bal waa kuwee kuwa ku jira ilaahyada dalalka oo dhan oo dalkooda ka samatabbixiyey gacantayda? Haddaba Rabbigu sidee buu Yeruusaalem gacantayda uga samatabbixin karaa?
II K SomKQA 18:36  Laakiinse dadkii way iska aamuseen oo xataa eray keliya uguma ay jawaabin, waayo, boqorku wuxuu ku amray oo yidhi, Ha u jawaabina.
II K SomKQA 18:37  Markaasaa waxaa Xisqiyaah u yimid Elyaaqiim ina Xilqiyaah oo reerka boqorka u sarreeyey, iyo Shebnaa oo karraanigii ahaa, iyo Yoo'aax ina Aasaaf oo taariikhqorihii ahaa, iyagoo dhar jeexjeexan, oo waxay isagii u sheegeen Rabshaaqeeh erayadiisii.