II TIMOTHY
Chapter 4
II T | SomKQA | 4:1 | Waxaan kugu amrayaa Ilaah hortiis iyo Ciise Masiix oo xukumi doona kuwa nool iyo kuwii dhintayba hortiisa, oo waxaan kaloo kugu amrayaa muuqashadiisa iyo boqortooyadiisa, | |
II T | SomKQA | 4:2 | inaad hadalka dadka ku wacdido. Wakhti wanaagsan iyo wakhti xunba ku dadaal, oo canaano, oo hagaaji, oo waani, adigoo dulqaadanaya oo wax baraya. | |
II T | SomKQA | 4:3 | Waayo, waxaa iman doona wakhti aan dadku u adkaysan doonin cilmiga runta ah, laakiinse iyagoo dheguhu cuncunayaan ayay waxay u urursan doonaan macallimiin siday damcaan; | |
II T | SomKQA | 4:5 | Laakiinse adigu mar kasta digtoonow, oo dhibta u adkayso, oo shuqulka wacdiyaha qabo, oo adeegiddaada dhammee. | |
II T | SomKQA | 4:6 | Waayo, haatan allabari ahaan baa lay bixinayaa, oo wakhtigii aan tegi lahaa waa yimid. | |
II T | SomKQA | 4:7 | Dagaalkii wanaagsanaa waan dagaallamay, oo tartankii waan dhammeeyey, iimaankiina waan dhawray. | |
II T | SomKQA | 4:8 | Haddaba waxaa la ii dhigay taajkii xaqnimada oo Rabbiga ah xaakinka xaqa ahu i siin doono maalintaas; oo keligayna ima siin doono, laakiin kuwa muuqashadiisa jecel oo dhanna wuu siin doonaa. | |
II T | SomKQA | 4:10 | waayo, Deemaas intuu dunidan haatan la joogo jeclaaday ayuu iga tegey, oo wuxuu aaday Tesaloniika; Kereeskeesna wuxuu aaday Galatiya; Tiitosna wuxuu aaday Dalmatiya. | |
II T | SomKQA | 4:11 | Haatan Luukos oo keliya ayaa ila jooga. Markos soo kaxee oo ha ku soo raaco; waayo, waxtar buu igu leeyahay xagga adeegidda. | |
II T | SomKQA | 4:13 | Markaad soo kacdid ii soo qaad shuluggayga aan kaga tegey Karbos oo Taroo'as jooga, buwaagtiina ii soo qaad khusuusan idiinta wax lagu qoro. | |
II T | SomKQA | 4:14 | Aleksanderos, kii naxaasta tumi jiray, wax xun oo badan buu ii yeelay; Rabbigu wuxuu ugu abaalgudi doonaa sidii camalladiisu ahaayeen. | |
II T | SomKQA | 4:16 | Isdaafacaaddaydii hore ninna isma kay garab taagin, laakiinse kulli waa layga wada tegey. Taas yaan dushooda laga dhigin. | |
II T | SomKQA | 4:17 | Laakiinse Rabbiga ayaa iskay garab taagay, oo xoog i siiyey, inaan farriinta dadka oo dhan wada gaadhsiiyo oo ay dadka aan Yuhuudda ahayn wada maqlaan; oo waxaa layga samatabbixiyey afkii libaaxa. | |
II T | SomKQA | 4:18 | Oo Rabbiguna wuu iga samatabbixin doonaa shuqul kasta oo shar ah, oo wuxuu igu nabad gelin doonaa boqortooyadiisa jannada ah. Isaga ammaanu ha u ahaato weligiis iyo weligiis. Aamiin. | |
II T | SomKQA | 4:20 | Erastos wuxuu ku hadhay Korintos; laakiinse Torofimos oo buka ayaan Mileetos uga soo kacay. | |
II T | SomKQA | 4:21 | Ku dadaal inaad wakhtiga qabowga hortiis ii timaadid. Waxaa ku soo salaamaya Yubulos iyo Budees iyo Liinos iyo Kalawdiya iyo walaalaha oo dhan. | |