Site uses cookies to provide basic functionality.

OK
PSALMS
Prev Up Next
Chapter 150
Psal SomKQA 150:1  Rabbiga ammaana. Ilaah ku dhex ammaana meeshiisa quduuska ah, Ku dhex ammaana samada xooggiisa.
Psal SomKQA 150:2  Falimihiisa waaweyn aawadood u ammaana, U ammaana si waafaqsan weynaantiisa sare.
Psal SomKQA 150:3  Dhawaaqa buunka ku ammaana, Oo shareerad iyo kataarad ku ammaana.
Psal SomKQA 150:4  Ku ammaana daf iyo cayaar, Oo ku ammaana alaab xadhko leh oo muusiko ah iyo biibiile.
Psal SomKQA 150:5  Suxuunta laysku garaaco oo codka dheer ku ammaana, Ku ammaana suxuunta sanqadha dheer.
Psal SomKQA 150:6  Wax kasta oo neef lahuba Rabbiga ha ammaaneen. Rabbiga ammaana.