Site uses cookies to provide basic functionality.

OK
EPHESIANS
1 2 3 4 5 6
Prev Up Next
Chapter 3
Ephe SomKQA 3:1  Sababtaas daraaddeed anigoo Bawlos ah waxaan Ciise Masiix maxbuus ugu ahay idinka oo ah dad aan Yuhuud ahayn aawadiin.
Ephe SomKQA 3:2  Hubaal waxaad maqasheen wakiilnimada nimcada Ilaah oo la iigu kiin dhiibay,
Ephe SomKQA 3:3  iyo sida qarsoodigii laygu ogeysiiyey wixii la ii muujiyey, sidii aan mar hore dhawr eray idiinku soo qoray.
Ephe SomKQA 3:4  Markaad akhridaan waxaad ogaan karaysaan garashadayda xagga qarsoodiga Masiixa,
Ephe SomKQA 3:5  kaas oo aan qarniyadii kale loogu ogeysiin bini aadmiga sida haatan Ruuxu ugu muujiyey rasuulladiisa iyo nebiyadiisa quduuska ah.
Ephe SomKQA 3:6  Taas waxaa weeyaan in haatan dadka aan Yuhuudda ahayn ay yihiin kuwo wax inala dhaxla, oo aan isku jidh nahay, oo ay inagula qayb qaataan ballankii Ciise Masiix xagga injiilka,
Ephe SomKQA 3:7  kaas oo aniga layga dhigay midiidin sida ay tahay hadiyadda nimcada Ilaah oo lay siiyey sida ay tahay shaqaynta xooggiisu.
Ephe SomKQA 3:8  Aniga oo quduusiinta oo dhan ugu liita waxaa nimcadan la ii siiyey inaan dadka aan Yuhuudda ahayn ku wacdiyo hodantinimada Masiixa oo aan la baadhi karin,
Ephe SomKQA 3:9  iyo inaan dadka oo dhan garansiiyo waxay tahay talogelidda qarsoodigii weligiis ku qarsoonaa Ilaaha ah kan wax walba abuuray.
Ephe SomKQA 3:10  Sababtuna waxaa weeyaan in haatan madaxda iyo kuwa amarka leh oo ku jira meelaha jannada, kiniisadda lagu ogeysiiyo xigmadda Ilaah oo badan oo kala cayncaynka ah,
Ephe SomKQA 3:11  sida uu yahay qasdiga weligiis ah oo isagu ku qasdiyey Rabbigeenna Ciise Masiix,
Ephe SomKQA 3:12  kaas oo aynu ku leennahay dhiirranaan, oo aynu iskuhallayn ugu geli karno xagga rumaysadka aynu isaga rumaysan nahay.
Ephe SomKQA 3:13  Sidaas daraaddeed waxaan idinka baryayaa inaydnaan ku qalbi jabin dhibaatooyinkayga aan daraaddiin u maray, waayo, taasu waa idiin ammaan.
Ephe SomKQA 3:14  Sababtaas daraaddeed waxaan ugu jilba joogsadaa Aabbaha hortiisa,
Ephe SomKQA 3:15  kaas oo magiciisa lagu magacaabay reerka oo dhan inta jannada ku jirta iyo inta dhulka joogtaba,
Ephe SomKQA 3:16  in sida hodantinimada ammaantiisu ay tahay uu idin siiyo itaal aad Ruuxiisa kaga xoogaysataan xagga gudihiinna,
Ephe SomKQA 3:17  iyo in Masiixu qalbiyadiinna degganaado xagga rumaysadka,
Ephe SomKQA 3:18  inaad jacayl xidid iyo aasaas ku yeelataan, iyo inaad u xoogaysataan si aad quduusiinta oo dhan ula garataan waxa ay yihiin ballaadhka iyo dhererka iyo korudheerida iyo hoosudheerida,
Ephe SomKQA 3:19  iyo inaad ogaataan jacaylka Masiixa oo aqoonta dhaafa, si ay idiinka buuxsanto Ilaah buuxnaantiisa oo dhammu.
Ephe SomKQA 3:20  Haddaba kan awooda inuu inoo sameeyo wax aad iyo aad uga sii badan waxa aynu weyddiisanno ama ku fikirno oo dhan sida u yahay xoogga inaga dhex shaqeeya,
Ephe SomKQA 3:21  isaga ammaanu ha ugu ahaato kiniisadda iyo Ciise Masiixba tan iyo qarniyada oo dhan iyo weligiis iyo weligiisba. Aamiin.